Madaxweyne Siilaanyo Oo Socdaal Isaga Gudbaya London Iyo  WashingtonCaynaba(ANN)Koox dablay ah ayaa weerar ku qaaday  xabsiga dhexe ee magaalada Caynaba, kuwaas oo xabsiga kala baxay Laba Oday oo ka mid ahaa

dadka xabsiga ku jiray, weerarka kooxda hubaysani ku ku qaaday maanta  xabsiga waxa ku geeriyooday  Taliyihii Sirdoonka Qaranka ee Gobolka Saraar Marxuum  Axmed Caydiid Bootaan. Kadib markii uu  dhaawac  halis ah oo soo gaadhay  loola cararay dhinaca magaalada Burco oo marxuumku ku geeriyooday galabta.

 

Sida ay shebekadda wararka ee Araweelo News u sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka Caynba, waxa kale oo dhaawacyo kasoo gaadheen weerarkaa lab aka mid ah Askarta xabsiga, iyadoo kooxda dablayda ahi ku guulaystay inay fuliyaan ujeedada weerarka ay doonayeen inay kula baxaan laba Oday oo ku jiray xabsiga.

Lama garanayo sababta ay u xidhnaayeen labadaa Oday iyo waxa ay ku eedaysnaayeen, balse wararka qaar ayaa sheegaya in ay xidhiidh la leedahay  arrimo muran dhul oo seere ah.

Wixii kasoo kordha kala soco shebekadda Araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *