IMG_0244Hargeysa(Araweelo News Network) Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa  ka hadlay waxyaabaha ay ka wada hadleen mudadii ay dalka Turkiga ku maqnaayeen

 

Madaxda dalkaa.

Madaxweyne Siilaanyo oo galabta kasoo degey garoonka Caalamiga ah ee Cigaal oo ku yaal Magaalada Hargeysa, kadib safar mudo  todobaad ah ay isaga iyo wefdi uu higaaminayaa ku maqnaayeen dalka Turkiga, wuxuuna sheegay inay dawladda Turkiga ku qanciyeen in Somaliland iyo Soomaaliya yihiin laba dal oo kala madax banaan, isla markaana ay balanqaadeen sidii ay Somaliland gacan iyo taageero uga siin lahaayeen dib u dhiska dalka.

Madaxweyne Siilaanyo hadal kooban warbaahinta ku siiyay Madaarka Hargeysa, wuxuu yidhi, “Waxaannu aad iyo aad ku mahadinaynaa oo idiinka mahad naqaynaa sida wanaagsan ee naloo soo dhaweeyay. Waxaanu marti-qaad ugu maqnayn dalka Turkiga oo ay innaga dhaxayso saaxiibtinimo balaadhan iyo taariikh, dadkii aanu kula kulanay waxa ugu mudnaa Raysal wasaaraha Turkiga, ku xigeenkiisa iyo Wasiirradiisa. Waxaynu nahay labada dal oo taariikhi ka dhaxayso oo arrimo badan wada qabsan kara.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Hadalka Madaxweynaha oo dhmaystiran ka Daawo Halkan

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *