New-york(Araweelo News Network)Wakiilo ka socda 15ka dal ee xubanaha ka’ah Golaha ammaanka ee  Qaramada Midoobay oo kulan qarba-qarbo ah ku yeeshay xarunta Golaha ammaanka ee Magaalada New-York ee Dalka Mareekanka ayaa isku maandhaafay  in xayiraadda

hubka laga qaado dalka Soomaaliya.
Sidoo kale waxa muran ka dhashay in mudada loo kordhiyo ciidamada AMISOM ee Somalia Diblumaasiyiintii ka  qaybgalay kulankaa ayaa dood adag oo ku dhexmartay caawa qol madaw oo  ku yaal dhismaha xaruntaa oo duufaanadii ku dalkaa waxyeelo gaadhsiiyeen,  waxayna diblamaasiyiinta kulankaa ka qaybgalay  isku khilaafeen qaabka loo wajahayo xaaladaha Soomaaliya iyo in loo’ogolaado Soomaaliya inay soo iibsato hubka.

Balse  kulankaa ayaa  ku dhamaaday Isfaham la’aan. kadib markii dalalka Xubnaha ka’ah Qaramada Midoobay ay isku qabteen intii ay socotay doodu in hadda go’aan laga gaadho waqti ukordhinta Ciidamada AMISOM iyo xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya laga qaado. laakiin  markii laysku mari waayay dooda  waxa ugu dambeyntii inta badan xubnaha ay u codeeyeen in todobaadka soo socda dib ay isugu soo noqdaan si go’aan looga gaadho arimahaasi.

Qaramada Midoobay  waxa ay sheegtay in arintaa ay go’aan ka gaadhi la’dahay, taas oo ay ugu wacantahay sida ay ku dooday oo ay caqabad ku noqotay duufaantii ku dhufatay dalka mareekanka  oo hakisay habsami u socodka shirkaa oo lagaga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *