Muqdisho(ANN)Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxmuud ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Midoowga Yurub oo uu hogaaminayey Safiirka Midoowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Mechealle  Cervone.

Kulanka ka dib ayaa waxaa saxafaadda  xarunta Madaxtooyadda Villa Soomaaliya  kula hadlay  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  iyo Safiirka midawga Yurub ayaa ka warbixiyey waxyaalahii ay ka wada hadleen.

Safiirka Midoowga Yurub ee Soomaaliya oo ka hadlaya kulankaa, ayaa ayaa yidhi, “Midoowga Yurub waxa u ansaxiyey Soomaaliya 2012-da kaalmo dhan 158 Milyan oo lacagta Midoowga Yurub ah, Tani waxa ay ka dhalatay dib u eegis lagu sameeyey mudada  dhexe oo kordhisay lacagtii loogu talalagalay Horumarinta Soomaaliya, 212 Milyan oo la gaadhsiiyey 412 Milyan oo  lacagta Midowga Yurub ah”  ayuu yidhi safiirka Midawga Yurub, wuxuuna   intaa ku daray  in Midoowga Yurub ahaan doono deeqbixiyaha ugu weyn.

Dhinaca kale Madaxweynaha  Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn uga  mahad celiyey kordhinta deeqaha Midowga Yurub  siiyaan Soomaaliya,  isagoo tilmaamay in kaalmada Midowga Yurub  mar walba muuqtay.

“Aad  iyo aad ayey arrintani  farxad u leedahay kordhinta deeqaha Midoowga Yurub ee Soomaaliya , Dowladda cusub ee Soomaaliya  waxa ay waayadaan dambe ka codsaneysay caalamka in wax laga beddelo macaamilkii Dowladdahii naga horeeyey, caalamkuna toos ula macaamilo Dowladda cusub ee Soomaaliya,  taas ayaa micno sameynaysa” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Somaliland.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *