Boorama (ANN)Badhasaabka Gobolka Awdal Axmed Xadi Sidci ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay dhawaaq cabsi ku abuuray bulshada Somaliland oo kasoo yeedhay Taliyaha Booliska Somaliland C/llaahi Fadal. kadib markii uu Taliyuhu saxaafada kusoo bandhigay

todobaadkan hub uu sheegay in lagu qarinayay guri ku yaal magaalada Boorama oo ahaa nooca loo yaqaan Hoobiyayaasha, kaas oo su’aalo ka iyo doodo bulshada dareen cabsi ku abuuray ka dhasheen. kadib markii madaxda Boolisku iftiimin waayeen qaabka hubkaa loo qabtay iyo dadkii watay, balse sheekada kusoo ururiyeen waxaa laga helay guri, waxaana nagu war geliyay dadkii guriga lahaa.
Hase yeeshee Badhasaabka Awdal oo ka cadhooday hadalka taliyaha booliska Somaliland, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa  shalay waxaanu wax lala yaabo ku tilmaamay Hadalkii Taliyaha Booliska Somaliland oo uu sheegay inuu argagax ku beeray shacbiga gobolka Awdal iyo Bulshada Somaliland-ba, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “ Hubkani oo ay tiradoodu dhamayd 200 oo xabo oo hoobiyeyaal ah may ahayn mid aan la ogayn, waxa uu ahaa mid ay xukuumadihii dalka isaga dambeeyay ogaayeen oo si nabdoon meel ugu uruursanaa, waxaana haysay  Marwo uu ka dhintay nin  Gaashaanle Sare ahaa  oo la odhan jiray Cabdi Nuur, waxa lagu ogaa gurigeeda, waxa ay la xidhiidhay dawladii hore sida la ii sheegay waxa u socday wada hadalo la xidhiidha inay wareejiso hubkan, iyadana la siiyo xafidaadeedii, xaalka oo sidaas ah laguma guulaysan oo waa la badaley xukuumadii hore,”ayuu yidhi Axmed Xadi Sidci.

Badhasaabka Gobolka Awdal, waxa uu sheegay inay dhowaan  gabadhaasi  la xidhiidhay Booliska qaybtiisa miinada, iyadoo ka dalbatay in laga qaado, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Dhawaan waxa ay la xidhiidhay qaybta miino baadhista ee ciidanka Booliska, waxana ay ku tidhi ma hayn karo ee iga qaada, halkan ayay yimaadeen hubkiina iyada oo la ogahay ayaa la qaaday 23/10/2012 oo ahayd Arbacadii hore”.

Hase yeeshee Badhasaabka Awdal  wuxuu sheegay inuu  la yaabay  warka Taliyaha Booliska Somaliland C/llaahi Fadal, wuxuuna  yidhi, “ Arintaasi markii la qaadayay hubka waxa la soo amray in aan saxaafada la galin oo aan looga yeedhin, runtii maanta iyada oo lagu jiro olole, aniga oo ixtiraamaya taliska Booliska in hubkii noocaas ahaa la shaaciyo oo waliba lagu tilmaamo mid laga soo qaaday gacanta cadawga oo muddo dheer la daba gurayay, waxa ay tahay mid u muuqataa mid aan ahayn nidaamkii booliska iyo nabadgalyada, waxana ay lamid tahay anaga oo is dacaayadaynayna,”ayuu yidhi Badhasaabka Awdal.

Mr Sidci Waxa uu  sheegay in dadka hibkaa si khaldan loogu sheegay, balse uu ahaa hubkaasi mid la ogaa oo meel haboon lagu hayay,  isla markaana aan  ahayn mid gacan kale laga soo saaray, cidwalba oo reer Somaliland ah iyo cidkasta oo Awdal dano kalena waxa  uu  sheegay  in uu gobolka nabadgalyo yahay oo aanay dhibi ka jirin, arintaasina ay ahayd mid si qaldan  loo faafiyay.
Dhinaca kale markii ay Taliyaha Booliska iyo saraakiisha dhinaca Miinadu soo bandhigeen hubkaa waxa ka dhashay su’aalo dareenka bulshada cabsi ku abuuray oo la xidhiidhay xadiga hubka iyo qaabka ay Boolisku sheegeen inay ku qabteen oo aan sharaxaad laga bixin. sidoo kale waxa doodo iyo su’aalo ka dhasheen sababta Boolisku hubka intaa leeg ee aanay sheegin cidii lahayd iyo ujeedada laga lahaa ay saxaafada ugu soo bandhigeen xiligab ololaha doorashooyinka deegaanka, balse dhawaaqyada kala duwan ee is beeninayay  oo  kasoo  baxay taliyaha booliska Somaliland  iyo badhasaabka awdal, maaha kuwo meesha ka saaray dareenkii cabsida lahaa ee ka dhashay hubkaa, waxaana muuqata inay jiraan waxyaabo khaldan oo u baahan baadhitaan iyo in xaqiiqda loosoo bandhigo bulshada.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *