Garoowe (ANN)Wasiirka Dekedaha Maammul-goboleedka Puntland Siciid Maxamed Raage oo watey gaadiidka gaashaaman ee loo yaqaan (Teknikada) oo tiradooda lagu sheegay Lix  gaadhi iyo gaadhiga uu watay ee gaarka ah  oo ka baxay dhinaca magaalada Garoowe ayaa maanta isagoo

u  sii jeeda dhinaca magaalada xeebta ah ee  Garacad ee xarunta u ah kooxaha budhcad-badeedka ayaa dagaal ku qabsaday halkaaas. Kadib markii Kooxaha Budhacd badeeda oo ay magaaladaasi u tahay fadhiisin u diideen inuu galo, iyadoo ay   halkaa ku  haystaan  maraakiib tiro badan oo adduun weynaha laga leeyahay iyo boqolaal dad  (ajnebi) ah oo  saarnaa maraakiibta iyo Doonyaha ay haystaan ee  ay ka  qaataan lacagaha tirada badan ee madax-furashada ah.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay   wasiirka iyo ciidammadiisa oo sida la sheegay kooxahan budhcad-badeedka ahi kasii digniin heleen abbaara 10:00 am oo qiyaastii wasiirka iyo ciidammadiisu magaaladaas (Garacad) u jiraan 1-km  ay kala horyimaadeen dagaal culus oo dhexmaray ciidankii wasiirkaa iyo kooxaha budhcad-badeedka ah, taas oo sida wararku sheegayaan sababtay in  dagaalka lagaga gacan sarreeyo wasiirka iyo ciidankiisii Afar ka mid ah Gaadiidkii ay wateen gacanta lagaga dhigay.
Waxayna wararka aannu degaannadas ka helnay intaa ku dareen in wasiirkan oo ay weheliyaan 2 gaadhi oo tekniko ahi iyagoo firxad ah oo hal baabuurtan teknikada ah ka mid ahina dhexda kaga soo qalibmay  soo noqodkii mar kale magaalada Jarriiban (Gobolka Mudug) oo 60-km u jirta magaalada Garacad,  halkaas oo mar kale dagaal ku dhex maray ciidan usii diyaar garoobey oo magaaladaa  (Jarriiban) laga sii abaabuley.   wararka qaar ayaa sheegaya inay halkaa  ku nafwaayeen ilaa sadex qof oo dadka deegaanka ah, kuwaas oo mid ahaa Odayaasha deegaanka, iyadoo dhaawacyo  kala duwani soo gaadheen inta laga warqabo  laba ka mid ah dhallinyarada/ciidanka degaankaa. Halka Wasiir-Raage iyo hadhaaga ciidankiisii firxadka ahaa baabuurkii tiknikada ahaa iyo ciidankii saarnaaba halkaa lagaga qabsaday, sidoo kalena isla baabuurkii isaga u gaarka ahaa dhaawacyo halkaas kasoo gaadheen.
Sida ay xaqiijiyeen wararka aannu ka helnay degaanka Sallax (Goblka Mudug) oo jahada galbeedka ka xigta magaalada Jarriiban Abbaara 4:00-pm ayaa Wasiir-Raage oo wata baabuurkiisa dhaawacyda qaba keliya waxa halkaas rasaas oodda kaga qaaday ciidan hubysan oo ka mid ah kuwa taageersan kooxaha budhcad-badeedka ah, waxana halkaa  ciidankaasi gacanta ku dhigeen Wasiirka Dekedaha Maammul-goboleedka Puntland Siciid Maxamed Raage iyo baabuurkiisii oo isla waqtigaas mar kale ciidankani waxyeello gaadhsiiyeen. Waxana wararkaasi xaqiijiyeen Wasiir-Raage in kooxahan budhcad-badeedka ahi qafaalasho ku kaxaysteen oo ula keceen dhinaca magaalada Garacad iyagoo baabuurkiisii uu wateyna ku dabay mid ka mid ah gaadiidkoodii oo sidaas ku jiitey. Waxana wararkii ugu danbeeyey ee aannu ka helnay degaannadaasi sheegaya isla habeennimadii (Caawa ) in wasiirkan qafaalashada lagu kaxaystay gaadhey Magaalada Garacad
Dhinaca kalena wararka qaar ayaa sheegaya markiisa horeba in wasiirkan ujeeddada socdaalkiisu ahayd weerar gaadmo ah oo uu kooxahan budhcad-badeedka ah ku qaado. Taasoo in badan Wasiir-Raage saxaafadda kaga hanjabey in uu soo afjari doono oo meesha ka saari doono kooxahan, halka wararka qaarkoodna tibaaxayaan in ay jireen heshiisyo arrintan(budhcad-badeedda) kusaabsan oo wasiirkani la galay meelo adduun weynaha oo bishan dhammaadkeeda weftiyo imanaya dartood si uu sawirro halkaas uga soo qaado socdaalkiisani ku waajahnaa, iyadoo waqtiyo dhoweydna ay jireen meelo wasiirku ka helay gaadiid iyo taageerooyin kale oo loogu talo galay la dagaallanka kooxahan budhcad-badeedka ah.
Dhinaca kale Dawladda Puntland ayaa ka hadashay dagaalkii khasaaraha sababay ee ka dhacay Degmada Jarriiban iyo Deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug, kaas  oo u dhexeeyey Ciidamo uu watay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Dawladda Puntland Siciid Maxamed Raage iyo kooxo Budhcad Baddeed ah oo Deegaanadaa ku sugnaa.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Dawladaha hoose ee Dawladda Puntland Cali Yuusuf Xoosh ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Garoowe ee xarunta Dawladda Puntland, waxa uu ku sheegay in Dawladda Puntland ay si weyn uga xun tahay dagaalka ka dhacay Degmada Jarriiban iyo Deegaanada hoos yimaada ee ay Garacad ka mid tahay,  wuxuuna Wasiirku tacsi u diray dhamaan dadkii dagaalkaa  ay waxyeeladu kasoo gaadhay.

Wasiir kuxigeenka ayaa sidoo kale waxa uu tilmaamay in dagaalka ka dhacay Deegaanka Garacad uu ahaa mid ay bilaabeen kooxaha Budhcada ah oo ay halkaasi xilligan u tahay xarun weyn, kaas oo sida uu sheegay  dhacay markii ay Wasiirka iyo Ciidamadiisa u diideen in ay Magaalada gudaha u galaan taasina ay sababtay in muran dheer kadib uu halkaasi dagaalku ka bilowdo.
Wasiirku tilmaamay in dagaalkaasi ka dambeeyey ee ka dhacay Deegaanka Booc ee Degmada Jarriiban u dhow uu ahaa mid uu  sababay  khasaare ka dhashay rasaas ay fureen Ciidamada Wasiirka xilliga ay soo galeen Degmada Jarriiban, taas oo sida uu sheegay dawlada Puntland aad uga xuntahay, isla markaana ka tacsiyadaynay dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay
Wasiirka ayaa mar uu kahadlaayey waxa laga yeeli doono kooxaha Burcad Badeedda ah ee khasaaraha u gaystay waftiga uu watay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dawlada Puntland waxa uu sheegay in arrintani ay daboolka ka qaaday dagaal xooggan oo ay Dawladdu la gasho kooxaha Budhcad Badeedda Soomaalida ee ku sugan Deegaanada ay maanta dhibnaatadu ka dhacday, isagoo xusay in hada la gaadhay xiligii kooxahaa xididada loo siibi lahaa, balse ay sugayaan inta ay Odayaasha iyo dadka deegaanka isku afagaranayaan talaabada laga qaadayo Budhacd badeeda.

Deegaanka garacad ayaa ah meelaha saldhigaya ugu waaweyn ee fadhiisinka u ah Kooxaha Budhac badeeda, iyadoo dadka ku dhaqan deegaankaasi yihiin kuwo hada si weyn u taageersan kooxahaa oo maalgashi ku sameeyay deegaanka, taas oo keentay inay dadka deegaanku taageeraan kooxahaa iyo hawlaha afduubka iyo madaxfurashada gaadiidka iyo dadka ay qabsadaan, waxaana lala xidhiidhiyaa kooxaha Budhcad badeeda inay maamulka Puntland ku leeyihiin awood sidaa awgeed aanay xukuumada Faroole doonayn inay talaabo ka qaado, iyadoo u aragta ilaha ugu weyn ama ugu mihiimsan ee dhaqaaalaha lacagaha madax furashada oo masuuliyiinta sare ee xukuumadu ku leedahay saami. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *