Hargeysa(ANN)Kulan laga hadlayay sidii loo habayn lahaa dhaqaallaha iyo nidaamka cashuuraha Somaliland ayaa maanta lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa. Kulankaa waxa kasoo qaybglay  Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil, masuuliyiinta

wasaaradaha Maaliyada,  qorshaynta, Warfaafinta,  hay’addaha kale ee dawladda sida Hantidhawrka guud, gudoomiyaha gudidad dawlad wanaaga  iyo saraakiil ka socotay Baanka aduunka iyo baanka horumarinta Afrika, haya’ddo caalami ah.
Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan Seylici oo ka hadlay furitaankii shirkaa ayaa   sheegay in xukuumadda Somaliland ay dhaqan gelinayso shuruucda la xidhiidha maamul wanaajinta  iyo xisaabaadka qaranka.
Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) wuxuu hadal uu madashaasi ka jeediyay ku bilaabay sidan:-  “Waxa ii farxad ah inaan maanta ka soo qeyb galo kulankan lagu soo bandhigayo sharciyaddii wasaarada Maaliyada iyo qarankaba lagu hagaajinayay  maamul wanaaga. Waxaan aad iyo aad uga  mahad naqayaa baanka adduunka iyo Ha’yadaha caalamiga ah oo runtii dedaal badan geliyay hawshan. Waxaan u arkayaa in Hayadahani ay  naga caawinayaan qaran ahaan nidaamkii lagu ilaalin lahaa  xisaabaadka dalka  sida miisaaniyadeena oo kale iyo deeqahaba la inagu caawiyaba.”
“Waxaan diyaar u nahay inaan ku dhaqano shuruucda maamul wanaaga, iyadoo dalkayagu ka soo baxay burbur, waxaana aanu rajaynaynaa inaanu muddo kooban ku hirgelino. Nidaam toosinta dhaqaale waa mid dantayadu ku jirto. Waxaan shacbiga Somaliland dareen siinayaa inay ogaadaan in cashuuruhu yihiin waxaynu doonayno inaynu dalkeena ku dhisno oo ku horumarino,”ayuu yidhi Md.C/Raxmaan Saylici.
Madaxweyne Ku Xigeenku wuxuu sheegay in muddadii Somaliland ay jirtay cashuuraha dadka laga qaadaa aanay ka badnayn 20-illaa 30% waxaanu yidhi “Waxaan shacbiga Somaliland ka codsanaynaa in ay cashuurta siday tahay u bixiyaan, wasaarada maaliyada iyo ha’yadaha kale ee ay khusayso nidaamkan maamul wanaajinta xisaabaadka  waxaan leeyahay ku dhaqma barnaamijkan  oo waxtar u leh dalka.”
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Md. Maxamed Xaashi Cilmi oo ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay inuu u mahad celinayo masuuliyiinta ka socday deeqbixiyeyaasha iyo Ha’yadaha qaramada midoobay ee ka soo qeyb galay shirkan.
“Dhaqaalaha bulshada oo kor loo qaadaa waxay door ka ciyaaraan in deganaanshaha, dib u dhiska dalka iyo yaraynta faqriga waxa Somaliland maamulka dakhliga dalku wuxuu u leeyahay ahmiyad aad u weyn,”ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu waxaanu ka Ha’yadaha caalamiga ah ka dalbaday inay sii wadaan barnaamijyada ay Somaliland kaga taageerayaan dib u habaynta maamulka dhaqaalaha.
Wasiirka Wasaarada Qorshaynta Somaliland Md. Sacad Cali Shire, oo shirkaasi ka hadlay  wuxuu yidhi “Intii aanan ka noqon xubin dawlada waxaan ka shaqayn jiray oo aan ka imid shirkadaha gaarka loo leeyahay ee (Private sector) sida caadiga ah waxay leeyihiin shirkaduhu afar qeybood oo kala ah qeybta maamulka, qeybta  xisaabaadka, qeybta waxsoo saarka iyo qeybta ka suuq geynta. Qeybta xisaabaadku wuxuu ka mid yahay kuwa ugu muhiimsan shirkadahaasi waxa macaashkooda iyo koritaankoodu uu yahay hadba sida qeybta xisaabaadku u shaqayso waayo waa qeybta kuu sheegaysa in  shirkadu ay korayso iyo in kale.”
Wasiirka Qorshayntu wuxuu sheegay in Wasaarada Maaliyadu ay dawlada uga dhigan tahay qeybta xisaabaadka ee shirkadaha oo kale isagoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Wasaarada maaliyaddu waxay dawlada uga dhigan tahay qeybta xisaabaadka ee shirkadaha oo kale. Sida xisaabaadka wasaaraddu yahay ayaa dawladana awoodeedu tahay. Wasaarada maaliyadu waxay u xil saaran tahay ururinta dhaqaalaha qaranka, bixintiisa iyo dabo galkiisa. Haddii dakhli ururintu yar tahay awooda dawladu way yaraanaysaa. Wasaaraddu waxay u baahan tahay dadkii, qalabkii iyo nidaamkii ay ku shaqayn lahayd in loo dhigo.”
Wasiirku wuxuu uga mahad celiyay  Hayadaha caalamiga ah siday Somaliland uga taageerayaan wasaarada maaliyada nidaamka maamul wanaaga dakhliga.waxaanu dadweynaha u soo jeediyay inay si wanaagsan iskaga bixiyaan cashuuraha ku waajibay.
Waxa kale oo kulankaasi ka hadlay Agaasime goboleedka baanka adduunka waxaanu yidhi “Waxa sharaf ii ah anigoo ku hadlaya magaca agaasime goboleedka baanka adduunka, aad iyo aad ayaanu ugu faraxsan nahay kulankan waxaanu ka wadnaa Somaliland laba barnaamij oo kala ah  barnaamij oo waxtar weyn u leh dhaqaalaha dalka ah maamulka maaliyada qaranka.”

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail.info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *