Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UCID eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa  maamulka  budhcad-badeeda Garoowe  uga digay inay joojiyaan dagaalka qabiilka ku dhisan ee ay doonayaan inay ka ridaan  deegaanada Sool, Sanaag bari iyo Buuhoodle, haddii kale ay faraha

kaga guban doonaan.
Sidoo kalena wuxuu dheeleecayn usoo soo jeediyay  Idaacada BBC-da iyo TV-ga Universal oo uu sheegay inay baahiyaan dacaayado iyo been ka dhan ah Somaliland, islamarkaana waxa u shacabka iyo xukuumadda-ba ugu baaqay inay xayaysiisyada ka joojiyaan Universal albaabadana u xidhaan xafiiska  TV-gaasi ku leeyahay Hargeysa. Faysal Cali Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo maanta  uu ku qabtay xarunta xisbigiisa UCID ee magaalada Hargeysa,
Guddoomiyaha  UCID  Eng. Faysal  waxa uu yidhi,  “Waxaanu adduunka u sheegaynaa Somaliland labaatankaa sanadood waxay ahayd meeshii la odhan jiray Somalia meesha qudha ee nabad ahayd, waxay ahayd meeshii Somalia dagaalkeedu ka bilaabmay ee horseeday dawladii Maxamed Siyaad Barre ee digtaytarka ahayd in la mijo xaabiyo, waxay ahayd meesha kaliya ee bilawday in doorashooyin la qabto, waxay noqotay meesha Soomaaliyi ku soo nabad gashay markii Somalia-da talyaanigu gumaysan jiray dagaalku ka dhacay.”
Isaga oo ka hadlayay doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka dhacday ee u dambaysay, waxa uu yidhi “Hada doorashadii u damaysay oo noqtay mucjisooyinka ku soo kordhay Somaliland, oo somaliland noqotay wadamada ugu dimoqraadisan ee doorashadii nabad galyo ugu dhacday ee si fiican xilkii loola kala wareegay ee adduunka soo jeedisay, waxaa la bilaabay in adduunku siyaasadiisii  siyaasadiisii ku wajahnayd Somaliland uu bedelo. waxay xaqa u lahayd hadaan loo dhamayn karayn, in horta xaga dhaqaalaha iyo horumarka laga caawiyo.”
Guddoomiyaha UCID waxa uu sheegay in xuduuda Somaliland ay tahay mid calaamadsan oo aan lagu murmi karin waxaanu yidhi “Horumarkaa Somaliland ay gaadhay ka dib waxa aloosmay colaad aan inaga inagu jirin oo waxaan qabaa in dad  durbaan gareeceen ay horseed ka yihiin  siyaasiyiinta maamul goboleedka Gal-Mudug iyo majeerteeniya, waxaanu ummada iyo adduunka-ba u sheegaynaa, Somaliland xuduudaheedu waxa inagu aynu gacanta ku samaysanay ma ahee waxay la mid yihiin xuduudaha Africa, waliba inaga xuduudaheenu waa xuduuda qudha ee calaamadsan, markaa dadkan leh xuduuduu Ingiriiska ma ogin, waa dadka la jaah wareerinayo.waxay ku andacoonayaan dadkani gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ay leeyihiin Isir ahaan baanu degnaa, waxaan ka xumahay inay taasi tahay Fikradii Maxamed Siyaad Barre ee gobollada dadna siin jiray dadna ka qaadi jiray, labadaa gobol iyo degmadaa dadka reer Somalialnd way wada dagaan beelina gaar uma sheegan karto, haddii gaar loo sheegto waad ogtihiin oo cawska iyo biyaha ayaa la isku dili jiray markaa dhul-boob bay noqonaysaa.”
Faysal wuxuu ku eedeeyay reer Garoowe inay baa’biiyaan heshiis kasta oo la isku dayo in nabad lagaga aslaaxiyo dalka qalalaasuhu ka taagan yahay ee Soomaaliya waxaanu yidhi “Dagaalkan qabiilka ee reer Garoowe wadaan kuma ekaanayo  Laas-caanood iyo Buuhoodle ee wuxuu  gaadhi  dagaalkaasi haddii uu qabiil noqdo meel kasta oo Soomaali dagto, Soomaaliyi  maanta uma baahna dagaal ee waxay u baahan tahay nabadgalyo. kuwa maanta leh Soomaali diid baad tihiin, inay iyagu Soomali Bi’yeyaal yihiin, Somaliland waa la ogyahay budhcad badeed kama hawlgasho, Somaliland inta dadka doonyo lagu guro bada laguma daadiyo, Somaliland maanta Soomaali way ku soo ku nabadgashay, reer Garoowe Somaliya  heshiis kasta oo la qabto iyagaa baa’biiya.”
“Laascaanod ilaa iyo intii maamulka Somaliland gaadhay iyo maalintii hore wanaageedu wuu muuqdaa, malintii hore nin doorkaa la iska ugaadhsanayay cusbitaal ma shaqaynay, maanta nabadgalyadii, cusbitaaladii, Jaamacado ayaa bilaabmay markaa maanta inaad ku badalataan nin aan kuu dhisi doonin oo dagaal ku galiyo waxaan leeyahay maaha taas ee joojiya” “Reer Garoowe waxaan leeyahay dagaalku ma noqonayo waxaad wadaane Laascaanood iyo Buuhoodle ma joogayo Boosaaso ayuu gaadhayaa, Garoowe intaanu u jiro waad aragteen Madfacayaga gaadhi doona ee caanihiina ha iska daadinina.”
Gudoomiyaha Ucid ka hadlay dhinaca Media-yaha gaar ahaan BBC-da iyo TV-ga Universal oo uu sheegay inay labaduba wadaan, islamarkaana baahiyaan warar dacaayado iyo been ka dhan ah Somaliland, waxanu yidhi “Media-yaha gaar ahaan BBC-da iyo TV-ga Universal waxay gacan weyn ka gaysraan borobagaandhaha somaliland beenta lagu wado, Universal wuxuu so saray dad la leeyahay waxa la mariyey Taangoyo, dad taanigiyo la mariyey ma jirto, Universal hadu noqdo sidii Raadiyihii Huutuuga ee Ruwanda dadka isku dilay, waxaanu leenahay wixii reer Somaliland Universal isticmaala xayasiisyada halaga joojiyo, dawlada Somalilandna waxaanu leenahay ha ka xidho xafiiska Hargeysa”
Eng Faysal Cali waraabe, waxa kala oo uu shirkaasi jaraa’id kaga hadlay abaaraha wakhtigan xaadirka ah ka jira dalka, isaga oo Ilaahay uga baryay Roob, islamarkaana waxa uu ygy baaqay xukuumadda iyo dhamaan dhinacyada kala duwan ee bulshada in gurmad qaran laga galo.
Araweelonews Mobile
Somalialnd Office
E-mail info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *