Ankara(ANN) Gudiyada loo saaray wadahadalada labada dhinac ee Somalia iyo Somaliland ayaa weli ka socda Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kuwaas oo galay maalintii sadexaad, isla markaana

 

la filayo in maanta saacado danbe ay labada dhinac usoo saaraan war murtiyeed ka turjumaya waxyaabaha heshiiska laga gaadhay.

 

Sida ay sheegayaan warar dhinaca dublamaasiyada oo laga helay dadka ka ag dhow goobta wadahadaladu ka socdaan, waxa ilaa hada labada dhinac gudiyadii ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinaca Amaanka, tusaale ahaan arrimaha argagixisada, budhacd badeeda iyo amaanka guud iyo sidoo kale sidoo loo qaybsan lahaa caawimooyinka beesha caalamka iyo dhinaca ganacsiga labada dhinac.

 

Dhinaca kale Kulanka maanta ayaa la filayaa qodobo xaasaasi ah laga wada hadlo iyadoo qodobka ugu mihiimsan ee weli aan laysla soo qaadin, isla markaana si weyn loogu dhegtaagyo uu yahay mustaqbalka danbe ee Somaliland iyo Somalia, balse qodobkaa iyo kuwo kale oo la xidhiidha kulamada danbe iyo sidoo kale Shirka Britain oo ay Somaliland hore ugu gacan saydhay ayaa la filayaa in maanta lagu soo qaado wada hadalada, waxaana la filayaa sida ay xoggaha arrimaha la xidhiidhaa sheegayaan labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia ay kulamo la yeeshaan madaxda dalka Turkiga sida Madaxweynaha Dalka Turkiga Abdala Gool, Wasiirka Arrimaha debeda Ahmet Davutoğlu. Iyadoo labada dhinac kulanka u danbeeyay oo sida ay wararku sheegayaan ay maanta la yeelayaan raysal wasaaraha dalka Turkiga, isla markaana kulankaa oo ah mid albaabadu u xidhan yihiin sida loo qorsheeyay kadib laga soo saaro wixii laysla ogolaaday mudadii wadahadaladu socdeen.

Wixii kasoo kordha kulamadaa kala soco shebekada araweelonews.com.

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *