San’a(Araweelo News Network)Xaalada Dalka Yemen ayaa weli qasan, waxaana socda weeraro ay Xuutiyiinta oo qabsaday inta badan Magaalada Sanca

 

todobaadkii u danbeeyay ku qaadeen Guryaha Saraakiisha Dawlada, Xarumaha Taariikhiga ah iyo Goobaha Cibaadada sida Masaajidada.

Dagaalyahanka Huutiyiinta, ayaa weerarary saaka guriga uu deganyahay Taliyaha Sirdoonka Dalka Yemen Ali Al-Ahmadi oo ku yaal Degmada Hadda oo ka mid ah magaalada Caasimada Sanca, isla markaana ay meesha ay degan yihiin Dublamaasiyiinta ugu badan ee xarunta u ah.

Dagaal dhawr saacadood socday ayaa ku dhexmaray guriga Taliyaha Sirdoonka ilaaladiisa iyo Xuutiyiinta weerarka kusoo qaaday, waxaana dagaalkaa ku dhintay mid ka mid ah Ilaalada Taliyaha Sirdoonka iyo laba ka mid ah Malayshiyada Xuutiyiinta ee weerarka soo qaaday. Sida ay faafisay wakaalada wararka ee  Reuters oo soo xiganaysay hay’addaha amaanka dalka Yemen, balse ciidamada Dalka Yemen oo goor danbe gaadhay halkaa, ayaa xidhay aaga dagaalku ka dhacay ee Hadda.

Weerarka waxa kale oo waxa ku dhaawacmay weerarkaa 15 qof, kuwaas oo lix ma mid ahi yihiin Ilaalada taliyaha Sirdoonka iyo sagaal ka mid ah Malayshiyada Xuutiyiinta, wuxuuna weerarku kusoo beegmay. kadib sadex maalamood oo la filayay in lagu soo dhiso dawlad loo dhanyahay. Kadib heshiish lala galay Xuutiyiinta oo qabsaday inta badan Hay’addaha Dawlada, Xeryaha Milateriga ee Sanca iyo goobaha ugu muhiimsan ee dawlada Yemen.

Wararka ka imanaya dalka Yemen, ayaa sidoo kale sheegay in laga cabsiqabo in xaalada Dalka Yemen isu bedesho dagaal Qabiil, waxayna Xuutiyiintu ugaadhsanayaan saraakiisha sare ee Dawlada, iyagoo in ka Badan 100 Dubaabadood iyo qalab Milateri oo ay lahaayeen Ciidamada Dalka Yemen u wareejiyay dhinaca Gobolka ay kasoo bilaabeen ee Sacda. Kadib markii ay qabsadeen xeryaha ugu waaweyn dalka ee Milateriga dallka Yemen.

Sidoo kale Malayshiyada Xuutiyiinta, waxay la wareegeen goobah shidaalka, xarumaha Hay’addaha dawlada iyo xeryaha Milateriga ee Sanca iyo sidoo kale Masjidyada waaweyn ee ku yaal Caasimada, kuwaas oo ay Culimadii Khadiibyada ka ahaa kala wareegeen, isla markaana ku wareejiyeen Wadaado Shiico ah oo taageersan.

Malayshiyada Xuutiyiinta, ayaa sidoo la wareegay Maktabadaha qadiimka ah ee lagu Kaydiyo Taariikhda Islaamka oo ku yaalay Caasimada Sanca oo ka mid ah meelaha ugu da’a weyn dunida, iyagoo gebi ahaanba gurtay wixii yaalay Maktabada ugu weyn dalkaa iyo Madxafyada taariikhda lagu kaydiyo.

Tallaabooyinka, ay qaadeen Malyshiyada Xuutiyiinta, ayaa u muuqda kuwo ka cadhaysiinkara Qabaa’ilka Suniyiinta ee ku dhaqan dalkaa, taas oo xaalada u bedeli karta mid abuurta dagaal ehli ah oo ku salaysan madahibta diinta Islaamka, isla markaana waxay arrimahani dhacyaan xili la filayay inuu dhaqangalo heshiish ay Xukuumadda Madaxweyne Abdo Rabbuh Mansur Haddi oo hadda u muuqata mid aanay waxba gacanta ugu jirin. Kadib markii uu is casilay raysal wasaarihii Dalkaa Mohammed Basindawa oo xilka isaga tegey markii ay Todobaadkii hore Malayshiyada Xuutiyiintu la wareegeen inta badan Caasimada Dalka Yemen.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *