Hargeysa(ANN)Ciddamadda Boliska Somaliland ayaa maanta Xabsiga u Taxaabay Ku-simaha Xoghayaha Guud ee Xisbiga mucaaradka UDUB oo lagu C/xaliim Maxamed Muuse oo hore u ahaan jiray Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga ee Xukuumaddii Rayaale ee lagaga adkaaday doorashadii
madaxtooyada Somaliland ee dalka ka dhacday 26 Jun 2010.C/xaliim oo caawa weriye ka tirsan shebekada Araweelonews khadka taleefoonka kula xidhiidhay si uu wax uga weydiiyo xadhiga loo geystay ayaa sheegay inuu saaka Taliska guud u geeyay dacwad ay kaga dacwoonayaan dhismaha Khayriyadii hore ee Hargeysa oo xafiis u ahayd xisbigooda, balse cagaf la geliyay iyadoon waxba loo sheegin, isla markaana agabkii xafiiska ee xisbiga iyo alaabtoodiiba la burburiyay.
Hase yeeshee sida uu sheegay markii uu halkaa tegey loo sheegay inay madaxdii Boolisku ku jiraan shir, balse markii uu kasoo laabtay isagoo ku jira xarunta Taliska Booliska ay suxufiyaan goobta yimi wax weydiiyeen oo uu ka jawaabay ujeedada waxa uu u socday, taas oo uu sheegay in lagu qabsaday shirkaa jaraa’id ee uu ku qabtay taliska guud.
Ku simaha Xoghayaha guud ee xisbiga UDUB, waxa uu sheegay in markii arrintaa lagu qabsaday ee loo sheegay inay khalad tahay inuu saxaafada kula hadlo xarunta Taliska Guud. Kadib la qabtay oo la geeyay xarunta laanta baadhista Denbiyada ee Booliska (CID), halkaas oo sida uu sheegay uu ku xidhnaa mudo dhawr saacadood ah, balse lasii daayay markii danbe oo xoriyadiisii loo soo celiyay.
Mar uu ka jawaabayay cida burburisay xafiiskaa uu sheegayo, waxa uu yidhi, “xisbiga UDUB waa xisbigii doorashada laga helay ee wareejiyay, waa xisbi qaran, waxay goobtaasi u ahayd xafiis mudo toban sanadood ah oo waa halkii ugu horaysay ee laga furay oo waxaanu haynaa warqad Marxuum Cigaal qoray, ma diidanin inay dawladu leedahay meesha. Laakiin iyadoon waxba naloo sheegin oo aan nootiis nala siiin ayay wasaaradda Maaliyaddu cagaf gelisay oo la burburiyay qalabkii xafiiska iyo dukumentiyadii noo yaalay halkaa, waana taa mida aan u tegey taliska guud.”
Xadhiga Booliiska ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii uu Xoghayuhu Taliska Guud maanta u gudbiyay qoraal Xisbigu kaga askhatoonayeen Dhismaha Khayriyada Hargeysa oo ay xafiisyo ku lahaayeen oo ay Xukuumaddu burburisay iyadoo sida Xisbigu ku dacwoonayo aan waxba lagala socodsiin isla markaana lagu baabi’iayay Qalabkii iyo Documentery-gii u yaalay.
Dhinaca kale Khayriyadda Hargeysa oo ah meel Dawladeed , isla markaan ay ku jireen Hay’addo kala duwan oo uu ka mid yahay Xisbiga UDUB, Xafiiska Dawaladda Hoose ee Degmadda 26-KA Juun iyo Iskaashatada Basaslayaasha ayaa dhowaan Xukuumaddu dumisay, iyadoo laga sameeyay dhismeyaal wasaaradda Maaliayddu leedahay, isla markaana qayb ka mid ah dhismaha Khayriyadii ayaa lagu wareejisay Nin shicib ah, kaas oo sida ay tibaaxayaan warar la xidhiidha arrimahaasi sheegeen inuu Meherado ganacsi ka dhiganayo.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com