Hargeysa(Araweelo News Network)Wasiirka Madaxtooyada oo ay Wehelinayeen Maareeyaha Wadooyinka, Engineer-ada u xilsaaran wadooyinka iyo La-taliyaha EU-da u qaabilsan Wadooyinka iyo koox suxufiyiin ah
ayaa saaka waxay kormeer ku soo mareen dib u dhiska wadada Berbera ilaa Lafa-ruug oo hada maraysa Xamaas, taas oo la doonayo in la gaadhsiiyo Degmada Sheekh.
Maareeyaha wadooyinka iyo sidoo kale Engineer-ada hawsha dhismaha jidkaa wada ayaa warbixin siiyay wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali. sidoo kalena waxa halkaa hadal ka jeediyay wasiirka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland iyo La-taliyaha Arrimaha Wadooyinka ee EU-da u qaabilsan Somaliland.
Wasiirku waxa kale oo uu soo kormeeray meelihii daadku waxyeelada u geysteen ee burburka iyo dhaawacu soo gaadhay ee jidadka Laamiyada ee u dhow dooxyada, kuwaas oo noqday jarar iyo meelo khatar gelisay baabuurta balse si degdeg ah looga hawlgalay sida ka muuqata wasirada maanta.
Sidoo kale Wasiir Xirsi waxa uu sheegay in dhawaan ay iman doonaan Qalabkii wadada Ceerigaabo sidoo kalena la bilaabi doono dhowaan wadada u dhaxaysa Kala baydh iyo Dilla.
Hadalka wasiirka iyo masuuliyiinta kale ka jeediyeen halkan ka dhegeyso.