Hargeysa(AAN)Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland, isla markaana ah  Hoggaamiyaha Urur siyaasadeedka WADANI,  C/raxmaan Maxamed C/llaahi  (Cirro), ayaa ku baaqay bulshada in laga feejignaado wax uu ku tilmaamay fidmada ay wadaan kooxahii shrika fashilmay ee  magaalada Taleex ee gobolka Sool.
“Somaliland waa qaran loo dhisay dadka Somaliland waxa goob joog ka ahaa odayaasha Talleex maanta jooga, waxa dhidibada qaranimadeena loogu sii aasay shirkii Burco. Walaalayaal waxaan leeyahay Somaliland waa qaran qudha, waa shacabi qudha,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Wakiiladda oo xcawa ka hadlayay xaflad balaadhan oo Huteelka Maansoor loogu sameeyay mid ka mid ah ururada  ka hadhay inay  is diiwaangeliyaan  oo lagu magcaabo DALJIR, kaas  oo ku soo biiray Ururka WADANI. Ee uu hogaamiyo C/raxmaan Cirro.
Guddoomiyaha Wadani  wuxuu sheegay in la iska ilaaliyo kuwa qoriga dabka la wareegaya waxaanu isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxa inagu waajib ah inaynu nabadgelyadeena ilaalashano oo aynu kuwa qoriga dabka leh kula dhex wareegaya aynu iska ilaalino oo taladda xun iyo dhibaatadda ay la damacsan yihiin shacbigooda iyo qaranka guud ahaanba aynu ka feejignaano. waxa aynu kaga duwaanayn waalaalaha soomaaliya waxaad mooddaa in dad ku soo duuleen nabaddii Somaliland ka Taleex jooga nabad baa u dan ah ka Laascaanood joogna nabad baa u dan ah.” Ayuu yidhi,
C/Raxmaan Cirro wuxuu u mahad celiyay ururka Daljir ee ku soo biiray, waxaanu tilmaamay inay soo dhawaynayaan cid kasta oo ururkooda la bahoobaysa.

Sidoo kale waxa  xafladaasi ka hadlay C/raxmaan Muumin Habane oo ka mid ah masuuliyiinta ururka DALJIR, wuxuuna  sheegay inay ururka WADANI u arkeen ka qudha ee ay isku hadaf yihiin,  isla markaana wax la wadaagi karaan.
Ururka DALJIR waa kii labaad ee ku hadha diiwaangelinta , isla markaana  ku biira urur siyaasadeedka WADANI, iyadoo uu  hore ugu biiray ururkii IFTIN, oo ka mid ahaa Ururada lagaga dhawaaqay dalka, balse ku hadhay shuruudihii u horeeyay. Kadib markii ay ka hadheen diiwaangelinta Ururada siyaasada.
Dhinaca kale Haweenka xisbiyada iyo Ururada  siyaasadda Somaliland ayaa maanta shir balaadhan oo ay ku qabteen xarunta Hay’adda shaqaalaha dawlada ee Magaalada Hargeysa ku taageeray Ciidamada qaranka Somaliland iyo qadiyada qaranimada JSL. Marwo Khadiija Bandare oo ka hadashay shirkaasi ayaa sheegtay inaanay suurto gal ahayn in la kala gooyo Somaliland, waxaanay kooxda ku shirtay Taleex ku tilmaantay niman riyo aan rumoobayn soo dhoob-dhoobay.
Khadiija Bandare waxay sheegay in Haweenka Somaliland ay u midaysan yihiin taageerada ay u hayaan dalkooda iyo qaranimadooda, iyadoo ku bogaadisay ciidamadda qaranka oo ay ku ammaantay sid ay  heeganka ugu yihiin sugida ammaanka dalka iyo xuduudaha mucayinka ah ee Somaliland.
Marwo Canab Cumar Ileeye oo iyana ka hadashay kulankaa haween weynaha Somliland  ayaa sheegtay in Somaliland ay tahay qaran dimuqraadi ah oo u bislaaday hanashada qaranimadiisa, waxayna  xustay inaanay suurto gal ahayn in maamul goboleedyo laga dhex abuuro Somaliland.
Canab Cumar Ileeye waxay kooxaha ku shiray Taleex usoo jeedisay inay dalkooda iyo dadkooda ka daayaan hagar daamada, waxaanay tilmaantay in qofkii maamul goboleed doonayaa uu tagi karo Soomaaliya. Laakiin aanay halkan ka suurta gelayn.
Canab Cumar Ileeye waxa kale oo ay sheegtay inay maalinta Sabtida ee fooda inagu soo haysa fagaaraha Beerta Xoriyada lagu qaban doono banaanbax weyn oo lagu taageerayo qaranimada Somaliland, waxaanay bulshada ku dhaqan caasimada ugu baaqday inay si weyn uga soo xaadiraan si ay beesha caalamka u tusaan dareenkooda ku wajahan qaranimadooda.
Canab Cumar waxay sheegtay in qaranimada Somaliland ay tahay muqadas,  isla markaana aanay waxba yeeli karin kooxo iyo ashkhaas qaran diid ahi.
Sidoo kale, waxa shirkaa ka hadashay Marwo Farduus Dirir Cali, waxaanay shacbiga ku dhaqan gobolada Sool iyo Buuhoodle usoo jeedisay inay dhegaha ka furaystaan wax ay ugu yeedhay kooxaha fidmo waleyaasha ah ee dalka dibadiisa laga soo abaabulay ee doonaya inay dhaawacaan nabadgelyada shacbiga goboladooda. waxa kale oo ay sheegay in haweenka Somaliland si niyad ah u garab taagan yihiin Ciidanka qaranka ee ku sugan gobolka Sool iyo Buuhoodle.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *