Hargeysa(ANN)Xoghayihii war faafinta iyo birmadka ee maleeshiyadii SSC ee fadqalalada iyo rabshadaha ka waday deegaanada Buuhoodle iyo Laascaanood oo ahaa koox hubaysan, isla markaana kasoo horjeeday qadiyada gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland ayaa ku dhawaaqay
Urur siyaasadeed huwan magacii kooxdaa.
Mr. Kayse Cabdi Yuusuf oo ahaa Xoghayihii war faafinta iyo birmadka ee maleeshiyadii SSC, isla markaana higaaminayay kooxdii qaadatay nabada dhawr bilood ka hor ee hogaankii kooxda SSC ayaa maanta magaalada Hargaysa kaga dhawaaqay urur siyaasadeedka cusub oo la magac baxay SSC.
Munaasibad loo qabtay sii deynta maxaabiis tiradoodu tahay 7 oo ka mid ahaa kooxda SSC oo lagu soo qabtay dagaalkii Kalshaale, isla markaana la sii daayay. Kadib markii uu Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo cafis u fidiyay, taas oo maanta xaflad baloaadhan oo lagu qabtay Hotelka Kaah ee magaalada Hargaysa ayaa lagaga dhawaaqay Urur siyaasadeedka la baxay SSC. Kayse Cabdi Yuusuf oo hore u ahaa hogaanka kooxda SSC, isla markaana xiligan ah guddoomiyaha ururkaa oo madasha kaga dhawaaqay ayaa sheegay in urur siyaasadeedka cusub ee SSC uu meteli doono shacbiga gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag Bari, waxaan uu tilmaamay in ururkani uu noqon doono mid ka shaqeeya horumarinta deegaanadaa, oo uu xusay inay ka jiraan baahiyo kala duwan oo la xidhiidha dhinaca nolosha dadka.
Gudoomiyaha ururkaa cusub ayaa u soo jeediyay jaaliyadaha ku dhaqan dalalka dibada ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Buuhoodle ee hore ugu bixin jiray dhaqaalaha hurinta colaada, in imika looga baahan yahay in ay ayidaan dimuqraadiyda Somaliland isla markaana ay taageeraan urur siyaasadeedkan uu ku dhawaaqay ee SSC.
Waxa kale oo uu sheegay in uu rejaynayo in urur siyaasadeedkani uu ka mid noqdo saddexda urur ee ku guulaysta doorashada goleyaasha deegaanka Somaliland ee u gudbi doona heer xisbi.
Dhinaca kale Kayse waxa uu madaxwaynaha Somaliland uga mahad celiyay cafiskii uu u fidiyay maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii deegaanka Kalshaale ku dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyadii nabad diidka ahayd ee SSC, waxaanu tilmaamay in arrintani qayb ka ahayd go’aamadii ka soo baxay shir nabadeedkii ka qabsoomay degmada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb galay xafladii loo sameeyay maxaabiistaasi la sii daayay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in maxaabiistan la sii daayo, waxaanu xusay in ay talaabadani qayb ka tahay siyaasada xukuumada ee ku waajahan xal u helida tabashooyinka beelaha Dhulbahante.
Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay in uu soo dhawaynayo urur siyaasadeedkan cusub, waxaanu u rejeeyay in urur siyaasadeedkaasi uu noqdo mid meeqaam sare ku yeesha masraxa siyaasada Somaliland, waxaanu guddoomiyaha ururkan Kayse Cabdi Yuusuf u soo jeediyay in uu ka midho dhaliyo himilooyinka ururkan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Md Axmed Xaabsade oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay colaadu wax faa’iido ah u lahayn bulshada, isaga oo xusay in uu si niyad sami ah u soo dhawaynayo urur siyaasadeedkan cusub.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in xukuumada uu ka tirsan yahay ay ahmiyad wayn siinayso nabad geliyada iyo wada jirka ummada Somaliland, waxaanu dadwaynaha ku dhaqan gobolada bari ee dalk u soo jeediyay in ay ka qayb qaataan horumarka deegaanadooda.
Sidoo kale waxa iyaguna halkaa ka hadlay taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland Maxamed Xiirane iyo lataliyaha madaxwaynaha ee gobolada Bari Fu’aad Aadan Cadde, waxaanay dhamaantoodba soo dhaweeyeen urur siyaasadeedka cusub ee SSC.
Munaasibada isugu jirtay ku dhawaaqiyada Urur siyaasadeedkaa iyo maxaabiis la sii daayay ooh ore looga qabtay kooxda SSC, waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiir ku xigeenka Arrimaha Guddaha Cismaan Garaad Soofe iyo guddoomiyaha xafiiska siyaasada, xadhiidhka goleyaasha iyo dadwaynaha, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan maleeshiyadii SSC garabka nabada qaatay.
Magaca loo bixiyay Urur siyaasadeedka ee SSC ayaa ahaa mid ay malayshiyada deegaanka Laascaanood ee Sool iyo Buuhoodle isticmaali jireen, kaas oo ku koobnaa deegaan gaara oo keliya, isla markaana kasoo horjeeday madaxbanaanida Somaliland, balse hogaankii kooxda SSC ku kala qaybsameen dhawr bilood ka hor gogol nabadeed oo uu Madaxweyne Siilaanyo u fidiyay, taas oo sababtay inay inta baddan hogaankii kooxdaasi soo galaan Hargeysa iyagoo sheegaya inay ajiibeen nabada loogu baaqay.
Dhinaca kale waxa jira abaabul balaadhan oo ku wajahan sidii ay dadka deegaanka Sool oo ku kala qaybsan siyaasada isugu iman lahaayeen shirweyne loo bixiyay Khaatumo, kaas oo la filayo inuu ka dhaco degmada Taleex ee goboka Sool maalamaha fooda inagu soo haya, isla markaana ay dadka deegaanka Laascaanood iyo Buuhoodle isula qaadan lahaayeen mawqif siyaasadeed oo dhab ah.
Xukuumadda Somaliland oo shirkaa danaynaysay markii hore , isla markaana door weyn ku leh abaabulkiisa oo la filayay inay diyaarinayso wafdi uga qaybgala oo ka mid ah Siyaasiyiin iyo Madax-dhaqameedyo ka soo jeeda Deegaamada Buuhoodle iyo Gobolka Sool.ayaa hada saluug ka muujisay.waxaana arrinta shirkaa ka hadalay Siyaasiga Axmed Cabdi Xaabsade oo ah wasiirka Warfaafinta Somaliland, kana mid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Sool. Mr. Xaabsade oo maanta ka hadalay munasibada xaflada loo sameeyay maxaabiista iyo Urur siyaasadeedka SSC ayaa ugu baaqay kooxda wada shirkaa Taleex in aanay ahayn shirkoodu gogoshii la fidiyay ee Madaxweyne Siilaanyo fidiyay, isagoo xusay inay rag gaar ahi shirkaa maroorsadeen. sidaa awgeed aanay raali ka noqonayn qorshohooda.
Dhinaca kale Magaalada Laascaanood ayaa abaabulka shirkaa si weyn looga dareemayaa. Sida ay shebekada Araweelonews u sheegeen dad kala duwan oo ku sugan xarunta gobolka Sool, iyadoo ay masuuliyiinta Sool ee Somaliland qayb ka yihiin dadka ka qayb gelaya shirkaa, kuwaas oo ku kala qaybsan, isla markaana waxa ay wararka arrimahaa la xidhiidhaa sheegayaan in Degmada Taleex ee lagu qabanayo Shirka ay maalmihii u danbeeyay ku qul-qulayeen Madaxdhaqameedyo ka soo jeeda deegaanka oo badankoodu ka yimi dhinaca Garoowe ee Maamul Goboleedka Puntland, isla markaana laabta ku haya inay ajandaha Shirkaasi u duwaan siyaasadooda gaarka ah.
Garaad Salebaan Garaad Maxamed oo isagu ka mida isimada Sool ee Maamulka Puntland martida u ahaa dhawr iyo tobankii sanadood ee u dambeeyay iyo koox madaxdhaqameed ah oo uu hogaaminayo oo ka tegey dhinaca Garoowe ayaa gaadhay Degmada Taleex maalmihii lasoo dhaafay, waxayna wararka la xidhiidhaa sheegayaan inay ujeedada Socdaalkoodu yahay sidii ay gogol xaadhi lahaayeen shirka Khaatumo, kaas oo waxgaradka deegaanka Sool iyo siyaasiyiinta ku kala jira siyaasadaha sadex geesoodka ah ee Somalia, Somaliland iyo Puntland qabashadiisa isku waafaqsan yihiin, balse ay ku kala qaybsan yihiin qaabka si midaysan loogu jihaynayo mustaqbalka siyaasadeed iyo aayaha danbe ee bulshada deegaanka ay kasoo jeedaan.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com