Hargeysa (ANN) Kooxda la baxaday aqoon-yahanka Madaxa-banaan ee Somaliland ayaa soo bandhigay aragtidooda ku mudo kordhin loo sameeyo golayaasha Baarlamaanka Somaliland   si ay  wakhti ugu helaan dhameystirka shuruucda qabyada ah, isla markaana waxay u soo jeediyeen 

 Xukuummada Axmed Siilaanyo inay  dhisto guddida diwaangelinta Ururo Siyaasi ah, kuwaas oo  ansixiya xisbiyada siyaasiga intaan sannadka 2010 dhammaan, loona qabto doorashada golaha degaanka bisha October 2011. Waxay Guddidu islamarkii qiimaynaysaa in habdhaqanka xisbiyada jiraa shuruucda waafaqsanyahay.
Kooxdu waxay sidaa ku sheegeen qoraal dheer oo ay caawa soo saareen, kaas oo u qornaa sidan;-
“Hordhac
29kii bisha Ogost, 2010, kooxda Aqoonyahanka Madaxa-banaan ee Somaliland ayaa shir isugu timi ay ku falanqeeyeen bilowgii hawlgalka maamulka cusub iyo toobiyaha doorashooyinka soo socda. Shirka waxaa qabtay Machadka Cilmi-baadhista Bulshada iyo Horumarinta (SORADI), Waxaana hagayey Agaasimaha SORADI, Dr. Maxamed Cismaan Fadal. Kooxda Aqoonyahanku (ISG) waa xubno muddo-dheer ka soo qayb-qaatay taxanaha dibu-dhiska iyo dimuqraadiyeynta Somaliland, waana dad karti u leh gorfayn dhab ah xeeladaha lagu furdaamiiyo iyo tabaha lagu abbaari karo arrimaha taagan. Xubnaha kooxda Aqoon-yahanku waxay kala yihiin: Cabdi-Shakuur Sh. Cali-Jawhar (Dhakhtar maskaxda iyo siyaasad gorfeeyha haga warkamaanta.com); Amina Maxamuud Warsame (Aqoonyahan Madaxbanaan), Xil. Cabdilqaadir X.Ismaaciil Jirde (Gud. Ku-xigeenkii hore ee G. Wakiillada), Shugri X. Ismaciil (xubin Komishankii hore, kana tirsan Golaha dimuqraadiyadda Afrika, ahna Guddoomiyaha hay’adda Candle Light), Xil. Ibrahim Jamac Cali- Reyte (Xubin G. Wakiillada, iyo Garyaqaan); Fawsi Aw Yonis (GAryaqaan, Ururka Qareennada Somaliland); Cabdi Axmed Nuur (Xubin hore ee G. Guurtida, Sarkaal hay’adda FOPAG); Bobe Y. Ducaale (Xidhiidhiyaha Cilmi Baadhista-APD); Haroon X. Axmed Qulumbe (Aqoonyahan, ha’adda SORADI); Jacfar M. Gaddaweyne (SONSAF); Moxamed Xasan Ibrahim (Cilmi-baadhe-APD); Sucaad Ibrahim Cabdi (Cilmi-baadhe-APD); Wacays Muse (Agaasimaha Fulinta SAMATALIS); Dr. Maxamed Fadal (Agaasimaha SORADI); Muse Cabdi (Dhiinka arrimaha Waxbarashada-Jaamacadda Hargeysa); Yuusuf Kaariye-PhD(Cilmi-baadhe Athropologist ah).
II. Muddo yar balse dhacdooyinka badan ee Maamulka Siilaanyo
Waxaa muuqata in waqtigan dawladda Somaliland ku tallaabsanayso isbeddello siyaasadeed iyo kuwo aan siyaasi ahaynba. Isbedelladaasi waxaa ugu horreeya in dhammaan wasaaradihii loo magacaabay wasiirro cusub, in ku dhaw ilaa boqol magacaabis iyo xil ka qaadisna lagu saameeyey shaqaalaha hoose ee dawladda. Badi isbeddelku wuxuu ku abbaaran yahay hay’adaha madaxa-bannaan iyo qaybaha maaliyadda. waxaana inta badan la raacay hab-beeleedkii caadada somalida oon biyo la marin, kuna salaysan awoodo iyo saamayn ardaayaysan. Waxaa la isweydiinayaa ma sidanaa isbeddelkii la doonayey, mise waxa loo baahanyaha in isbeddel nidaam la sameeyo.
 
Marka laga eego dhinaca horumarka, aqoonyahanku waxay garawsan yihiin in isbeddel ka muuqdo laba wasaaradood: Wasaaradda Warfaafinta oo ku tallaabsatay isbeddel tayo leh ka dib markay sahashey in fursad loo helo raadyaha iyo telefishanka qaranka iyo bilawga ka wada tashiga ilaalinta xuquuqaha hadalka ee lala yeelanayo kooxaha saxaafadda gaarka ah iyo tan guudba lagana gungaadho iyadoon shaqaale la eryin. Waxaannu kaloo isbeddel ka aragnaa Wasaaradda Caddaaladda, oo warka aannu ka helayno Ururka Garyaqaannada, in ay wasaaraddu iska wareejisey maamulkii mushaharooyinka shaqaalaha hoose ee maxkadaha ay khusayso wasaaradduna faraha ka qaaddo waana arrin awoodsiinaysa maxkamadaha isla markaana kala saaraysa doorarkii garsoorka iyo fulinta ee xukuumadda. 
 
Dhawaan markuu Madaxweyne Silanyo wareejiyey guddoomiyenimadii xisbiga Kulmiye ayaa waxay ku soo biirisay waayo-aragnimada siyaasadda Somaliland hab dhaqan dimuqraaddi ah. Bal in labada guddoomiye ee xisbiyada kale ku daydaan tallaabadaas la arkidoonee. Dhinaca kale, tallaabada Silanyo qaaday waxaa ka dhashay su’aalo reer Somaliland iska weydiinayaan cidda ka masuulka ah hirgelinta barnaamijkii Kulmiye doorashada ku galay ee loogu codeeyey; ma Xisbiga iyo hoggaankiisa cusub mise Madaxweynaha iyo golihiisa? Aqoonyahanku waxay rumaysan yihiin in labaduba masuul uga yihiin shacabka ayna tahay in lagala xisaabtamo fulinta ballanqaadkii doorashada. Xukuumadda waxaa looga fadhiyaa inay barnaamijkii Kulmiye u beddelaan barnaamij-siyaasadeed qaran. Barnaamijkaasna wasaaradkastaa kala soo baxdo qorshe hawleed ay ku shaqayso. Hoggaanka cusub ee Kulmiye iyana waxaa laga rabaa in maanka ku hayaan in ay barnaamijka leeyihiin xilna ka saran yahay dabagalka hirgelintiisa, iyagoo indhaha ku haynaya sida loo fulinayo maadaama ay xisbigii talada hayey yihiin. Xisbiga Kulmiye waa inuu ogsoonaado qofka caadiga ah ee codbixiyaha ahaa ku inuu xisaabtamayo barnaamijkii in Kulmiye leeyahay lagagana sheekaysanayo goobaha suqyada lagu kulmo;  shan sanona waa muddo kooban berrina waxay arrimuhu ku noqondoonaan codbixiyaha.
 
Kooxda aqoonyahanku waxay farta ku fiiqayaan soona bandhigayaan arrimaha muhiimka ah ee udub-dhexaadka u ah isbeddello macno leh, ee dhammaan daneeyeyaasha qaranku tabanayaan marka lagu daro labada xisbi ee kale, bulshada rayidka, qolyaha laga badan yahay, shacabka gobollada iyo guud ahaan dalkoo dhammi:  
1.      In fursad loo helo diiwaangelinta ururro siyaasadeed oo cusub.
2.      Dhawrista Dastuurka, ku dhaqanka sharciga, iyo u hoggaansanaanta suuqa xorta ah iyo in aan cid gaar ahi xuurto ku qabsan dhaqaalaha
3.      Dibuhabaynta nidaamka shaqada iyo shaqaalaha – in la sameeyo isbeddel nidaamsan habraacna leh tirada shaqaalaha iyo xilkoodana la qeexo, magacyada ciddii aan shaqaynna laga saaro liiska mushaharooyinka.
4.      Xaqsoor in loo dejiyo khayraadka dawladda dhammaan degaannada dhexe iyo hareerahaba marka lagu daro qaybinta mansabyada iyo furashada xisbiyo siyaasi ahba.
5.      In lala dagaallamo musuqmaasuqa  iyo nidaam darrada.
6.      In la xaqiijiyo magacsamida iyo hufnaanta Somaliland lagana  safeeyo boobka hantida guud.
Xaggaynu iska taagnaa dhammaan arrimahan? Dabcan waqtigu waa yaryahay, laakiin dad badan ayaa durba ka walaacsan ifafaalaha muuqda.
 
Ammaanka iyo Gobolka Sool
Ammaanka iyo gobollada bari waa arrin taagan, balse, baaqii Madaxweynaha ee nabadaynta, dibuheshiinta iyo gogosha wada hadalka lala yeelanayo bulshooyinka barigu ma dejin xaaladda oo keli ee waxay isla markiiba dhiirigelisey soo jeedinno kale oo wada xaajood ee beelaha deriska ah. Maamulka Silanyo wuxuu magacaabay guddi heer sare kana kooban wasiirro hore iyo kuwa cusubba, waxaase la la isweydiinayaa in sida hawshaasi loo abbaaray ee kor lagaga yimid sax tahay iyo in kale, iyadoo habraacaasi marar hore fashilmay mise in hoos laga soo bilaabo oo dadku wada hadlo. Aqoonyahanku waxay qabaan  in habraaca dambe ee hoos arrimaha laga bilaabayaa ka midho-dhalsan yahay laguna ladho dulqaad furfurnaanna laga helo dhinaca xukuumadda. Guddiga xukuumaddu magacawday waa in lagu kaabo dad bulshadu qaddariso oon siyaasiyiin ahayn. Waxaa kaloo intaas raacda, dibuheshiinta waa in lagu xoojiyo hirgelinta adeegyo dadka wax loogu qabanayo, waayo gobollada barigu aad bay dib ugu dhacsan yihiin xagga adeegyada bulsgada.
 
Xidhiidhka Caalamiga ah:
Xidhiidhka caalamiga ee Somaliland waxaa hadheeyey toddobaadyadan warar kutidhi-ku-teen ah oo sheegaya in siyaasaddii Somaliland ka leexatay sidii hore. Haseyeeshee taas waxaa ka duwan nuxurka hadalkii Madaxweynaha Munaasabaddii xilwareejinta. Haddaba in la dejiyo xidhiidh wanaagsan oo lala yeesho waddammada gobolka ee aan deriska nahay waxay sees u tahay degganaanshaha, dimuqraaddiyadda, iskaashi dhaqaale wax wada qabsi iyo iskuxidhka Gobolka Geeska Afrika.
III. Toobiyaha Doorashooyinka
Komishanka qaranku waxay soo saareen qoraal wakhtigiisii ka soo hordhacay oo taataabanaya hawlo aad mooddo in ay ka leexsanyihiin xilkooda oo ka mid yihiin: Furista diiwaangelin ururrada siyaasiga ah, qaabka doorashada Golaha Guurtida iyo siday u kala horraynayaan doorashooyinka soo socdaa oo dhammaan ku suntan dastuurka. Qoraalkaasi waxay u muuqdaan in  loo adeegsaday in dhinac la isaga riixo isdbeddelladii loo codeeyey, gaar ahaan in saaxadda loo furo tartan dimuqraaddi ah. Haddaba, su’aashu waxay tahay, Komishanka ma loo igmaday inay dastuurka ka  tarjumaan mise waa xilk looga dambeeyo Maxkamadda Sare? Komishanku miyay qabteen la tashiyo daneeyeyaasha loo bandhigay, haba ugu mudnaadeen, Maxkamadda Dastuuriga, Baarlamaanka iyo bulshowaynta rayidkahi intaan fekradahaas la soo bandhigin. Miyaan loo baahnanayn in loo gogol badsado mise 3da xisbi siyaasi oo keleiya ayaa filan? Miyey sax tahay in xisbiyadu intay albaabka isu xidhaan go’aan qaataan, miyaanay taasi keenayn khilaaf daneed?  Komishanku Sharaf iyo qaddarin bay bulshada Somaliland ay ku mutaysteen doorashadii la soo dhaafay waana in ay dhawrtaan magacsamidaas iyagoo dhexdhexaad ah.
Su’aalaha muhiimka ah in si guud looga doodaa waxay yihiin: Sidee loo kala horraysiiyaa doorashooyinka soo socda iyo waxay raad ku reebayaan isbeddellada laga sugayo Kulmiye iyo Maamulka Madaxweyne Silanyo? Su’aal kale oo muhiim ahí waxay tahay, kee baa la soo horaysiiyaa doorashada golayaasha degaanka mise tan golayaal qaran , marka la eego siday dadku danaynayaan.:
1. Waa in mudnaanta la siiyo adeegyo bulsho oo bulshada loo hirgeliyo. Sidaasi darteed Dawladda Hoose ayaa dadka u dhaw si ay adeegyo ugu fuliso, doorashadooda ayaana ugu muhiimsan uguna degdeg badan. Waxaa kaloo jirta, Goleyaasha degaanka oo aan sharci ku fadhiyin in ka badan laba sano.
2. Furitaanka tartanka ururrada siyaasadeed ee cusub si ugu loollamaan Goleyaasha Degaanku waa xaqa muwaadiniinta , haddii la diidana waa xaq la diidey. Aragtidaasi waxay ku salaysan tahay maangalnimada ah in xuurtada 3da xisbi ee hadda jiraa ka soo horjeeddo xaqa dastuuriga ah xorriyadda ururrada. Waxaa kaloo dhici karta in qaybo bulshada ka mid ahi aanay 3daas xisbi ka mid ahayn isla markaana faquuqmaan. Isla markaas  xisbiyada jira dan uma aha, waayo ma korayaan tartan la’aan, waxaana wiiqmaya dimuqraaddiyaddii gudahooda. Xisbiyada jiraa waxay ku fadhiyaan saaxad uu siiyey dastuurka qaranku loona rogey wax si gaar ah la iskaga leeyahay.
Komishanku waxay qoraalkooda ku muujiyeen siday u werwersanyihiin in ururro beelaysan soo baxaan ayna adkaato sida looga dabbaashaa; in kooxo xag-jir ahi nidaamka soo dhex galaan; iyo in hawshaasi qiimo badan ku kici karto. Kooxda aqoonyahanku sidaas way kaga aragti duwan tahay. Somaliland way soo martay jidkaas wayna ku guulaysatay, iyadoo sidan ka waayo-aragnimo iyo awoodba yar. Shuruudo loo dejiyo, jiritaanka dasrtuuka iyo shuruucda kale oo loo raaco ayaa ku filan in lagu abbaaro werwerka la muujijyey. Waxaa kaloo loo baahan yahay, in aynu mar walba sii hagaajiyo nidaamkeenna si loogu  hor tago hayo wax kastoo iman kara.
Labada sharci ee jira NO.14/2000 iyo NO. 20/2001 waa in wax laga beddelo la isna waafajiyo si loogu adeegsado wareegga labaad ee diiwaangelinta ururrada siyaasiga. Muddadii shaqada  Guddigii diiwaangelint iyo go’aaminta ururradu waxay ahayd 6 bilood, Waxaan iyana caddayn in sharcigu Guddiga la dhacayo. Waxaa loo qaadan karaa in sharcigaas loo adeegsan karo wareeg kale oo diiwaangelineed haddii isbedello lagu sameeyo.
2005tii, lix bilood ayay qaadatay in diiwaangelin la sameeyo, ururradii la kal xulo doorashana la qabto. Hadda waynu ka dedejin karnaa iyadoon weliba sii hagaajin karno. Waxaannu taageeraynaa in la abuuro guddigii oo kale si ay u hagaan habraacii diiwaangelinta.
Doorashada Guurtida iyo Qod. 58aad ee Dastuurka
Xubinnimada Guurtida ee waqtigan waa 1993kii, markii kow Golahaas la dhisay. 4 jeer ayaa loo kordhiyey muddada. Golahan muhiimka ahi isbeddel ayuu u baahan yahay iyo in dhiig cusubi soo galo. Kordhintii u dambaysey iyagaa isu sameeyey kadib soojeedin uga timid Madaxweynaha, taasi mucaaridku ka qayliyeen. Waqtigaas ka dib wax macaamil ah lamay yeelan mucaaridku guurtida. Kordhintii laga qayliyeyna way sii dhammaanaysaa.
Arrinta ugu darani waa guurtida oo mar kale isu kordhiya waqtiga golahooda, taasina keento khilaaf cusub.  Waxaa arrin fiican noqon karta in Dastuurka Qod. #58, ee sheegaya in   “Doorashada Guurtida” liishaanka la saaro. Wax  madaw ahi kuma jiro qodobkaasi in guurtida la doorto maadaama ay yihiin gole sharci dejineed. Qodobka 62 cinwaan kale ayuu leeyahay, “Fadhiga u horreeya ee Guurida,  “xulasho” ka dib. Sharciyaqaannada waxay la tahay in Qod. 58aad nuxurkiisu cadyahay. Aad baase arrintaa sida laga yeelayo loogu kala aragti duwan yahay- doorashada iyo xulashada xubnaha guurtida. Haddaba innagoon iswareerin waxaa loo baahan yahay in qodobka #58 wax laga beddelo ama sidiisa loogu dhaqmo. Haddii dastuurka la beddelayo, si loo xulo guurtida, ama si kale oon doorasho ahayn waa in arrimahan la tixgeliyo. (eeg Ibrahim Hashi, Somalilandlaws.com):
1. Guurtidu waa aqal ku salaysan dhaqanka Somaliland waana in aan laguxidhin tartan doorasho. Odayaasha iyo dadka la sharfo maaha in doorasho la geliyo dhaqan ahaan, waa in la soo xusho si ay bulshadooda ugu adeegaan. Doorashadu ma soo saarto kuwa ugu fiican in ay wax hoggaamiyaan.
2. Aragti kale waxay leedahay Guurtidu waa gole sharci-dejineed, kana awood badan wakiillada oo ishortaagi kara sharci la soo dejiyey. Sidaasi darteed, haddii Guurtidu sharci soo saari karto midna ishortaagi karto waa in la doortaa. Haddiise la raaco xulashada waa in awooddooda hoos loo dhigo kuna koobnaadaan arrimaha dhaqanka, diinta iyo nabadda oo keli ah.     
Kooxda aqoonyahanku waxay soo jeedinayaan tallaabooyinkan in la qaado si looga digtoonaado ku celint murankii 2006dii:
Tallaabad1aad: In Madaxweynuhu magacaabo Komishan sare oo derista arrimahan dhinac kastana ka eega, la tashiyo badanna la sameeyo qaybaha bulshada 3 biloodna talooyin ku keena.
Tallabada 2aad: Goleyaasha sharcidejintu ha soo saaraan sharci ku habboon;  ka dib marka la wada tashado wixii  laga yeelayo qod. #58.  Waxay nala tahay in Somaliland ay ka dhammaatay in meel dhaw uun laga fekero ama waran soo noqondoona la tuuro, ama koox yar uun dantooda la eego.
Waxaannu soo jeedinaynaa muddayntan Doorashooyinka
Nooca Doorashada Xeerarka loo baahan yahay  in loo dejiyo Taariikhda doorashada Sifooyin gaar ah
Doorashada Golayaasha degaanka  1. Dejin xeer xisbiyada siyaasiga
ama
2. Wax ka beddel xeer No. 14/2000 iyo 20/2001 October 2011 Tartanka ururrada siyaasiga ah
Doorashada Golaha Wakiillada Wax ka beddel xeer No. 20-2/2005 October 2012 Iskudar ama doorasho. Iyo xulid goleyaasha baarlamaanka
Doorasho-xulasho gole guurti Xeer doorasho Gole Guurti L
ama
Wax ka beddel Dastuur Qod. #58 aad October 2012
  Iskudar ama doorasho. Iyo xulid goleyaasha Baarlamaanka
 
Talobixin
1.  Xukuumadd waxaa laga rabbaa inay tusaale u noqoto u hoggaansanaanta dastuurka iyo ku dhaqanka sharciga dhinac kasta nolosha qaranka oo  dhan.
2.  U hawlgalka taabbogelinta xuquuqaha iyo xorriyaadka dastuuriga ah ee ururrada iyo  diiwaangelinta ururro siyaasadeed oo cusub.
3. In labada Aqal ee Baarlamaanka loo kordhiyo muddo laba sano ah si ay waqti ugu helaan dhammaystirka shuruuacda qabyada ah.
4. In la dhiso guddi diiwaangelinta ururro siyaasi ah isla markaana ansixiya xisbiyada siyaasiga intaan sannadka 2010 dhammaan, loona qabto doorashada golaha degaanka bisha October 2011. Waxay Guddidu islamarkii qiimaynaysaa in habdhaqanka xisbiyada jiraa shuruucda waafaqsanyahay.
5. Xukuumaddu waa in ay ku dadaasho hagaajinta xidhiidhka Itoobiya iyo dawladaha kale ee deriska si la isaga kaashado xaaladaha gobolka; waana in loo samaystaan hab loo xaliyo wixii caqabad ah ee soo kordha.
6. Gobolada Dhexe ayaa inta badan qayb libaax ka hela hantida; haddaba xukuumadda Madaxweyne Silanyo waxaa looga fadhiyaa inay xaqsoor muujiso,  fiiro gaar ahna siiso darafyada, gaar ahaan  gobollada Sool iyo bariga Sanaag ee yara faquuqan.”
By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *