images/stories/muuqaalka kooxda udhis.bmp Hargeysa(ANN)Urur siyaasadeedka UDHIS ayaa maanta  markii ugu horeysay shaaca ka qaaday mawqifkooda ku wajahan  muddo dhaafka  doorashada golayaasha deeganka  kuwas oo  ay sheegeen in loo baahan yahay in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto ,Waxa kale oo ay sheegeen inay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo

ka rajaynayaan sii ambo qaadka geedi socodka dimuqraadiyada,  isla markaana ay   ugu baqeen in la   furo habka xisbiyada badan oo uu wakhtiyadii ololaha doorashada balan qaaday.
Sidaasna waxa ay ku sheegeen warsaxaafadeed ay maanta ka soo saaren magaalada Hargeysa.  qoraalka  ay kaga hadleen arimahaa iyo arimo kale  wuxuu  u dhigna sidan;- “Ururka Dimuqraatiga iyo Horumarinta Isbedel-doonka Somaliland (UDHIS), wuxuu Warsaxaafadeedkan soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 1dii September 2010, ujeedadiisu tahay in Ururku ku iclaamiyo mawqifkiisa ku waajihan arinta la xidhiidha Qabashada Doorashooyinka Deegaanka, Kuwa Wakiilada Parliament-ka iyo Tashiga la xidhiidha cida iyo sida looga qayb geli doono beretanka doorashooyinkaas.
 Iyadoo URURKu ka war qabo shirar iyo wada-tashiyo aan loo dhamayn oo maalmahan ugu danbeeyay lagu falanqaynaayay arimahaas.

 Anagoo arimahaa tix-raacaynana waxaanu ugu horayn tahniyad iyo bogaadin u diraynaa shacbiga Somaliland, Komishanka qaranka iyo dhamaan sadexdii Xisbi Qaran ee ka qayb galay doorashooyinkii ka dhacay Somaliland. Siiba Doorashadii Madaxwaynaha ee 26kii June. Taas oo ahayd guul taariikhi ah, dadkana tustay inay codkooda ku kasban karaan isbedel
 
Waxa sidoo kale bogaadin mudan Xisbiga Kulmiye iyo hogaamiyihiisa Madaxwaynaha cusub, Muj. Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo isagu ku guulaystay doorashadaas, anaguna dhinacayaga aanu Illaahay uga baryayno inuu la qabto hawsha culus ee loo doortay.
 
Hase yeeshee, Waxaanu rajaynaynaa una hanqal taagaynaa in Maamulka Madaxwayne Siilaanyo noqon doono mid sii horumariya Dimuqraadiyada ka hirgashay Somaliland, taas oo Somaliland kaga kasbatay maamuus bulsho-weynta caalamka. Isla markaana uu u horseedi doono dalka Somaliland geedi cusub oo lagu gaadho Hab-Dimuqraadiyadeedka ku dhisan Xisbiyada Badan – (Multi-party Political System)
 
Intaa ka dib, Urur-Siyaasadeedka UDHIS, isagoo ka shidaal qaadanayna mabaadiida saldhiga u ah hadafyadiisa siyaasadeed, Sida
 
• Ilaalinta xornimada aassaasiga ah ee shaqsiga, Xoriyada saxaafada madaxa banaan, xori-yatul-qawlka iyo xoriyada siyaasi ee qofeed iyo tan wadareed.
 
• Ku dhaqanka habka Dimuqraadiga ku dhisan Xisbiyada badan iyo xaqqa Muwaadin kastaa u leeyahay in la doorto waxna dooran karo.
 
• Hirgelinta nidaam Hab-dhaqan-dhaqaale furfuran, Ganacsiga Xorta ah iyo suuq xor ah. Kaas oo ka reeban Eex, Qaraabo-kiil, Garab-gorayayn Aanaaniyayad iyo Gooni-daajis Ama (monopoly) lagu dulmiyo danyarta jeebka yar.
 
• Dhawrista Xuquuqda Danlayda iyo ururada bulshadu u leeyihiin inay samaystaan Ururo Shaqaale (Trade Unions) kuwaas oo danahooda horumarisa.
Sida Maxaysatada, Muruqmaalka, Reer Miyiga, Beeralayda, Xoolo-dhaqatada iyo kuwa wax-soo-saara iwm.
 
URUR-siyaasadeedka UDHIS isagoo ka turjumaaya mabaa’diida kor ku xusan, wuxuu ku talinayaa Sidan:
 
• In Doorashooyinka Golayaasha Deegaanka iyo kuwa Wakiilada ee inagusoo fool leh loo kala horaysiiyo sida ay u kala muhiimsan yihiin, ado la eegayo baahida shacbigu u qabo.
 
• Sababo Sharci iyo kuwo duruufeed dartoodna aanu aaminsanay in Doorashada Deegaanka lasoo hor mariyo, maadaama loo baahanyay Dimuqraadiyad kasoo unkanta hoosta (Grass-root level democracy).
 
• In la qabyo tiro lana horumariyo hanaanka Dimuqraadiyadeed ee Somaliland higsanayso, lana furo Nidaamka Xisbiyada badan si tartan xalaal ah loo helo.
 
• In Xisbiga Kulmiye oo hore u balanqaaday inuu furaayo nidaamka xisbiyada badan, dadkuna ugu riyaaqeen arintaas, isla markaana la odhan karo waxay qayb ka tahay waxyaalii keenay guusha taariikhiga ah ee shacbigu ku doortay Siilaanyo, haatan looga fadhiyo hirgelinta balan-qaadyadaas si geesinimo leh.
 
• In la dar-dar geliyo, gudiyo hawl-kar ahna loo xilsaaro hawlaha dib-u habaynta shuruucda ku saabsan Doorashooyinka iyo ururo-bulsheedka ka qayb geli doono doorashooyinka soo socda, si waafaqsan Distuurkana looga baaraan dego.
 
• In Maadaama la gelaayo waji cusub oo siyaasadeed la balaadhiyo wada tashiga marka laga hadlaayo arimaha xaasaasiga ah quseeya qaranka guud ahaan oo aan wada-tashiga lagu koobin xisbiyadii hore u jiray oo kali ah. Waayo? Sadexda Xisbi Qaran oo laftoodu dano siyaasadeed lihi kama garsoori karaan gar-naqsi ay gar-doon ka yihiin.”
 Urursiyaasadeedka UDHIS wax lagu dhawaaqay ka hor doorashadii madaxtooyada Somaliland ee sanadkii hore, waxaana xiligaa ku dhawaaqay xubno dhawr ah oo saluugay qaabkii tartankii xisbiga Kulmiye ee golaha kaas oo lagu qabtay magaalada Burco. Xiligii la dooranayay musharixiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka ugu tartamay doorashada madaxtooyada Somaliland ee xisbiga Kulmiye.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *