Hargeysa(ANN)Xukuumadda Somaliland ayaa  ugu hanjabtay   maamulka budhacad badeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe inay tallaabo ka qaadi doonaan haddii ay faraha kala bixi weydo xuduuddaha Somaliland iyo arrimaha ka taagan  deegaanka  Buuhoodle ee dagaalku ka dhacay maalintii shalay. Sidaana

waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland   Axmed Cabdi Xaabsade oo u waramayay maanta laanta Afsoomaaliga ee Idaacadda BBC-da, isagoo  sheegay inay xukuumad ahaan ka xun yihiin  dagaalka ka dhacay deegaanada Buuhoodle oo uu ku tilmaamay xaalada halkaa ka taagaan mid ah “kaa dhimay oo kugu dhimay”, , isagoo dhinaca kalena dagaalka ka dhacay halkaa iyo mushkilada ka taaganba  ku eedeeyay inay wadaan wax uu ugu yeedhay koox nabad diid ah.

Oday Xaabsade oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu waaweyn ee kasoo jeeda gobolka Sool eek u jira Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ay  nabad gelyada muhiimad weyn siinayaan,  isla markaana ay wadaan qorshe nabadeed.

Axmed Cabdi Xaabsade waxa  uu daba socday hadal xalay ka soo yeedhay horjoogaha maamulka budhcad badeeda ee xaruntiisu tahay garoowe C/Raxmaan Farroolle oo mar wax laga weydiiyay shalay arrimaha dagaalka ka dhacay buuhoodle, taas oo   uu sheegay in aanay faraha ka laabanayn oo ay ka qeyb galayaan dagaalka ka socda deegaanka Buuhoodle, haddii aanay Somaliland ka bixin deegaanadaa, Laakiin Oday Xaabsade ayaa weedhaha kasoo yeedhay Mr. Faroole  ku tilmaamay mid la iska yidhi, waxaanu sheegay in maamul goboleedka Garoowe haddii aanay faraha kala bixin ay is huran yihiin Somaliland.
“Waxaad hayso soo daa waa inoo garoonka dagaalka, dalka  Farroole  ma laha  Sool,  Sanaag Bari iyo  Buuhoodle,waa dhulka Somaliland dhulkan uu sheeganayaana maaha  wax uu leeyahay,”ayuu yidhi Axmed Cabdi Xaabsade.

Dhinaca kale Horjoogaha maamulka budhcad-badeeda ee xaruntiisu tahay Garoowe C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in aanay faraha ka laabanayn dagaalka ay ciidamada qaranka Somaliland kula jiraan falaagada nabad diidka ee SSC oo dhufays ka dhigtay deegaanka Buuhoodle.
Mr. Faroole  oo horjooge u ah maamulka budhcad badeeda xaruntiisu tahay garoowe wuxuu sidaa ka  sheegay mar uu shalay  waraysi siiyay idaacada BBc-da laanteeda afka Somaaliga. Kadib markii wax laga weydiiyay dagaal duleedka Buuhoodle  ku dhexmaray ciidanka qaranka Somaliland iyo malayshiyada nabad diidka ah ee SSC oo taageero ka hela maamulka Budhacad badeeda  iyo dawladda Eretria  oo ku caan baxday kuwa hormoodka u ah qalalaasaha Somalia.   

Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *