Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inay lama huraan tahay in meesha laga saaro musuqmaasuqii ay hore ugu eedayn jireen xukuumadii Madaxweyne Rayaale. Madaxweynuhu wuxuu sidaa ka sheegay

mar uu maanta xarunta Hay’ada shaqaalaha dawlada ka furay kulan loo qabtay Agaasimayaasha iyo Maareeyeyaasha Hay’adaha dawlada.
.
 
Madaxweynaha oo ka hadlayay kulankaa aqoon korodhsiga oo ay ka qaybgaleen ku dhowaad 50, sarkaal oo ahaa Agaasimayaasha iyo Maareeyayaasha Ha’yadaha dawlada, wuxuuna isagoo arintaa ka hadlaya yidhi,  “Waxaanu ogsoonahay in shaqada maamulka dawladu idinka idinku socoto, waxaad ogtihiin marka aynu xukuumad kasta ka hadlayno, tayaynta iyo farsamada guud ee shaqada cida dejinaysa,  ama dhigaysa ee maalin walba gacanta ku hayay waa idinka Agaasimeyaasha. Waxaanu ku faraxsannahay inaad maanta halkan kaga tashanaysaan sidii aynu dalka u hoggaamin lahayn.”
 
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in meesha laga saaro musuqmaasuqii oo uu hore u balanqaaday xiligii uu olalaha doorashada ku jiray waxaanu yidhi, “Waxaynu balan qaadnay inaynu isbedel la nimaadno, inaynu saacadihii la shaqeynayay iyo qaabkii shaqada wax ka bedelo oo musuqmaasuqii lala dagaalamo si aynu tusaale ugu noqono inaga iyo dhalinyarada soo socotaba. Anigu haddii aan  ahay madaxweynihii qaranka,  waxaan idinka balan qaadayaa wixii xuquuq shaqaalaha ah in loo sameeyo, in xilka iyo waajibka nagala gudboon aanu kasoo bixi doono oo aanu gacan idinka siin doono, waxaanu idinla qaban doonaa wixii lagama maarmaan inoo ah ee danta qaranka iyo horumarku ku jiro.” Ayuu yidhi, Madaxweynuhu.
 
 
Waxa kale oo furitaankii kulankaa   ka hadlay Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha Hay’ada shaqaalaha Muxumed Aw- Cabdi, waxayna masuuliyiintaasi  ka xog warameen warbixin ay dhowaan kasoo diyaariyeen tayaynta shaqada iyo shaqaalaha Ha’yadaha dawlada. Kulanka ayaa mudada uu socdo ay masuuliyiinta ka qaybgalay ku qaadaa dhigayaan qorshaha iyo istiraatiijiyada xukuumadda cusub ee tayaynta iyo habaynta shaqaalaha iyo shaqada dawlada.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *