Djibouti (ANN)  Dowladda Jamuuriyada Jabuuti ayaa wax laga xumaado ku tilmaamtay is jiid jiidka siyaasadeed ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Fadraalka KMG ee Soomaaiya ee ku aadan Ansixinta Raysal Wasaaraha Cusub, waxayna ugu baaqday

 Maxada Dowladda sidii loo samata bixin lahaa Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaataysan.
Wasiirka Wasaarada Arimaha Diinta iyo Awqaafta ee Jamuuriyada Jabuuti Mudane Xaamud Cabdi Suldaan ayaa Sheegay in Madaxda Dowladda tiigsadaan u jeedadii loo doortay oo ahayd in ay samatabixiyaan bulshada Soomaaliyeed ee la daaladhacaysa gaajada xasi looni la’aanta iyo qaxoontiga,  balse ma ahayn inay iyagu marwalba isku khilaafaan waxan dani ugu jirin. Ayuu yidhi.
Mudane Xaamud Cabdi Suldaan wuxuu sidoo kale ku baaqay  inay Baarlamaanku Ansixiyaan Raysal Wasaraaha Cusub ee uu dhawaanta soo Magacaabay Madaxweyne Sheekh shariif,  islamarkaana wuxuu ka digay wax kasta oo sababi kara in lagu waayo danta guud.
Wasiirka Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta ee Jamuuriyada Jabuuti Mudane Xaamud Cabdi Suldaan Wuxuu Sheegay in ay Dowladiisu garab taagan tahay marwalba Dowladda Fadraalka KMG ee Soomaaliya wixii dhib iyo dheefana ay la qeyb san doonto.

hadalka dawlada jabuuti ayaa kusoo beegmay xili uu si weyn khilaaf u hadheeyay dawlada taagta daran ee Somalia,taas oo ka dhalatay markii uu dhowaan magcaabay raysal wasaare madaxweyne Shariif,  iyadoo ay kooxaha kasoo horjeedaana dagaalo kulul ku hayaan, isla markaana khilaaf ka dhashay arrintaa ayaa gaadhay muran dhexmara madaxweyne Shariif iyo gudoomiyaha Baarlamaanka.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *