London(ANN) dawladda Britain ayaa ansixisay in Somaliland si gaara losiiyo deeqdi markii hore Somaaliya loogu dari jiray, tas oo ay qayb u heshay 60% lagacata waddanka Ingiriisku ugu tallo galay dhulkii ama jamahuuriyaddii Somaaliya, iyadoo arrintaas ay dawladda Britain sabab
uga dhigtay Dimuquraadiyadda iyo Dawlad wanaaga ka jira Somaliland inay ku mutaysatay, halka Koonfurta Somaaliya ay hadheyeen dagaalo aan dhammaad lahayn.Hase yeeshee talaabada ay shacbiga Somaliland ku farxeen ee dawladda Britain ayaa ka cadhaysiisay dad xumaan wadayaal ah oo aan jeclayn wanaaga iyo nabadda ka hano qaaday Somaliland, dadkaas oo ah kuwo faro ku tiris ah waxay si xiqdi iyo naxli ah isugu uruur sanayaan Magaaladda London. Waxaana dabada ka rixaaya Telefeeshinka Somali-Chennal ee taageera Al-shabaab iyo kooxda SSC ee taageerada ka haysta maamulka xaruntiisu tahay garoowe ee budhcad-badeeda iyo sidoo kale Telefishanka Universal ee ay ku maxaafsadaan kooxda yar ee Yurub iyo Maraykan Soomaalida iyo dadka kale ee ku dhaqan ee muslinka ah kaga qudhaabsada Masaajido la dhisayo oo aan jirin IWM.
Kooxdani waxay ayaa waxay abaabulayaan mudaharaad ay la hortagaan Aqalka looga arrimiyo waddanka Ingiriiska ee Downing Street , waxayna Qorshaynayaan sidii ay wararka Waaheen London ka helayso sheegayaan inay Kooxahaasi samaysteen boodhadh ay ku qoran yihiin halku-dhigyo lidi ku ah Dawladda Ingiriiska iyo deeqda ay siisay Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhinaca kale wararku waxa ay sheegayaan in Kooxdan ay ku dhex dhuumanayaan Kooxo taageersan Kooxda Nabadiidka ah ee Dagaalka ka wada Deegaanka Buuhoodle oo garab ka helaya Maamul Goboleedka Majeerteeniya iyo Dad kale oo ka soo hor jeeda qadiyada Somaliland, waxase warku intaa ku darayaa in Jaaliyada Somaliland ee Dalka Ingiriiska, gaar ahaan Magaalada Caasimada ah ee London ay iyaguna wadaan diyaar garaw ku saabsan sidii ay uga hor tagi lahayeen kooxdaas islamarkaana ay ku tagerayaan dawladda Ingiriiska, tasoo ay ugu mahad celinayaan siday u samaysay cadaaladda caawimooyinka ay bixiso.
Abaabulka arrintaas ayaa ka socota Magaalada London, iyadoo Kooxdan Somaliland diidka ahi ay tageerada ugu weyn ka helayaan Telefeeshinka ay maamulaan kooxda Alshabaab ee Somaali-Chennal iyop sidoo kale Telefishanka UNIVERSAL, isla markaana xiliga ay kooxda Somaliland diidka ahi doonayaan inay isu soo baxaan ayaa ku beegan maalinta sabtida ah ee bishu tahay 5/3/2011. Saacaduna ay tahay 1:00pm .
Hase yeeshee kumanaan qof oo u dhashay Somaliland oo ku sugan Britain ayaa laga cabsi qabaa inay kooxahani kala kulamaan dhirbaaxo xun, waxaana jira durba soo baxaya warar sheegaya inay kooxda abaabulaysay mudaharaadka ka dhanka ah Somaliland dib u guranayaan.
Araweelonews Mobile
Somalialnd Office
E-mail info@araweelonews.com