Koox Weerartay Guriga Badhasaabka Hargeysa

Hargeysa(Araweelo News Network) Koox dhalinyaro ah oo aan ujeedada la fahmin ayaa xalay weeraray Guriga uu deganyahay Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Maxamed Maxmuud Cali (Jeeniyare). Sida ay shebekaddaha wararka ee

 

Arraweelo.com iyo Araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah saraakiisha Booliska oo ka gaabsaday in magacooda la xuso, kooxdaa oo ka koobnayd ilaa Afar Nin oo dhalinyaro ah, balse Badhasaabka ayaa is difaacay, wuxuuna gacanta ku dhigay laba ka mid ah raggaa.
Ciidanka Booliska ayaa u gurmaday Badhasaabka, waxaana guriisa waqtigaa ku sugnaa mid ka mid ah Askarta Ilaaladiisa. Sida ay sheegeen saraakiisha Boolisku, balse waxa la geeyay ciidan dheeraad ah.
Nimanka weeraray guriga Badhaasaabka oo aan ujeedadooda la fahmin, ayaa watay laba gaadhi sida ay sheegeen saraakiisha Boolisku, wuxuuna gacanta ku dhigay Badhasaabku laba ka mid ah kooxdii soo weerartay laba gaadhi oo ay wateen iyo telefoonadii  ay siteen.
Marar badan oo aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Badhasaabka ayaanay noo suurta gelin, balse Saraakiisha Boooliska ee ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa u sheegay shebekaddaha Arraweelo.com iyo Araweelonews in dhaawac fudud soo gaadhay Badhasaabka oo gacan dhaawac ka gaadhay, balse waxay xuseen in aanay hubaysnayn kooxda soo weerartay Badhasaabka oo la aqoonsaday markii la qabtay laba ka mid ah, iyadoo kuwa baxsadayna ay ciidanka Boolisku ku raad joogaan.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *