Hargeysa(Araweelo News Network) Allah ha u naxariistee waxa xalay lagu dilay Magaalada Hargeysa Cawo Qaasim Ibraahin (Walan-wal) oo dadeeda lagu qiyaasay 18 jir. Kadib markii laba Nin oo Toorayo iyo baangayaal ku hubaysan ku weerareen gabadhaa gudirooda oo ah

 

agagaarka Huteelka Maansoor ee Xaafada Jig-jigayar.

 

Sida ay shebekaddaha wararka ee Arraweelo.com iyo Araweelonews u sheegeen qoyska gabdhaa laba Nin ayaa ku weeraray afaafka hore ee gurooda, iyadoo markaa ka degtay Baska xaafadda, kuwaas oo ilaa Lix Tooray ku dhiftay, balse dhaawaca gabadhaa ayaa la geeyay xalay Cusbitaalka Magaalada Haregysa, iyadoo qaliin lagu samayeeyay ka dib u dhimatay dhaawaca soo gaadhay.

Qaar ka tirsan saraakiisha Booliska ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadkii fuliyay falkaa.
Gabdhan ayaa noqonay Haweenaydii labaad ee lagu dilay todobaadkan gudihiisa Magaalada Hargeysa, taas oo lagu dilay agagaarka Calaamaddaha ee Koonfurta Hargeysa, waxaana  dilka gabdhaa lagu fuliyay rasaas sida ay sheegeen eheladeedu.

Dhinaca kale Suxufiyiinta, hawlwadeenada iyo maamulka  shebekadaha Arraweelo.com iyo Arawelonews, waxay iyagoo ka tiiraanyaysan tacsi u dirayaan Qoyskii,  Ehelkii iyo  Qaraabadii, waxayna si gaar ah Tacsi ugu dirayaan Fadxiya Qaasim Ibraahin (Walan-wal) oo ay Marxuumada walaalo ahaayeen. Waxayna Illaahay uga baryayaan inuu Naxariistii jano ka waraabiyo marxuumaddana, iyagana  Samir iyo  Iimaan ka siiyo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *