Hargeysa (ANN)- Saddex iyo toban xildhibaan oo ka tirsanaa xubnaha Golaha Wakiillada ugu jira  Labada Xisbi ee UDUB iyo UCID, ayaa shaaca ka qaaday shalay inay taageeradoodii siyaasadeed si rasmi ah ugu wareejiyeen xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE

.

Sidaana waxay ku shaaciyeen mudanayaashu qoraal baaq ah oo ay si wadajir ah xalay caweyskii uga soo saareen caasimadda Hargeysa, kuwaas oo xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ku eedeeyey inay ku hawlan yihiin shirqoollo lagu curyaaminayo qabsoomidda doorashada Madaxtooyada ee loo qoondeeyey inay dalka ka qabsoonto 26ka bishan June ee aynu ku jirno.

Xildhibaannada hore uga tirsanaa xisbiyada UDUB iyo UCID ee ku dhawaaqay inay taageeradoodii siyaasadeed siyaasadeed ku wareejiyeen xisbiga KULMIYE, waxa ay isugu jiraan 7 mudane oo ka soo jeeda xisbul-xaakimka UDUB iyo lix xildhibaan oo ka soo jeeda xisbiga mucaaradka ah ee UCID.

Baaqaas oo kooxda mudanayaasha ah si faahfaahsan ugaga hadleen arrimaha doorashada iyo caqabadaha masuuliyiinta xukuumadda UDUB ku dibindaabyeynayaan oo nuqul ka mid ahi xalay caweyskii soo gaadhay Shebekada Araweelonews, wuxuu isagoo dhammaystiran u qornaa sidan:

“Guddiga Doorashooyinka Qaranku waxay u asteeyeen maalinta ay taariikhdu tahay 26 June 2010 inay qabsoonto doorashada madaxtooyadu. Komishanka Doorashooyinku si wanaagsan bay u hawsha u wadaan, ummadduna way ku ogtahay, balse waxa jira dhaqanno lagu curyaaminayo hawlaha doorashada oo ay wadaan masuuliyiinta xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB. Dhaqannadaasna waxa ka mid ah:

1- Hab-dhaqanka Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Booliska ee ku wajahan doorashada (sida sanduuqii State House-ka oo uu si toos ah u qaatay taliyaha bilaysku).

2.Hab-dhaqanka xisbiga UDUB oo ku jahaysan fashilinta doorashada iyo abuuris xaalad nabadgelyo-darro, taasina waxaa daliil u ah warsaxaafadeedkii dhawaan ka soo baxay musharraxa xisbiga UDUB oo ku baaqayey inay jiraan xaalado cusub oo argagixiso, isla markaana lagu wargeliyey hay’adaha shisheeye ee dalka jooga inaanay guryahooda ka soo bixin habeenkii iyo xadhig, cago-juglayn loo gaysto xubnaha firfircoon ee mucaaradka sida ka dhacday Gobolka Awdal. Waxa kaloo jira iibsasho baahsan oo ay ku iibsanayaan kaadhadhka codbixiyayaasha, hawlahaas oo ka dhacay goobaha kaadh-beddelka, taasi oo looga danleeyahay fashilinta diiwaangelinta iyo doorashadaba.

3.Xaaladda doorashada ee hadda lagu jiro waxaa awoodda iska leh GDQ-ka, hay’adaha amniguna waxay ku khasban yihiin inay la shaqeeyaan GDQ-ka si ay doorasho xor ah oo xaalaal ah uga qabsoonto dalka.

Si aynu uga midho-dhalinno fursaddan doorashada ee aynu muddada dheer sugaynay, una gaadhno himilada is bedelka loogana baxo dhibta, caddaalad-darrada iyo horumar la’aantan qaranka daashatay, waxaannu talo ku gaadhnay annagoo ka tirsan Golaha Wakiillada, kana soo kala jeedna xisbiyada UDUB iyo UCID oo waajib nagu ah in aannu u hawlgallo sidii loo badbaadin lahaa dalka oo sannadba sannadka ka dambeeya jiritaankiisii sii daciifayo. Mar haddii xaal noqday sidee loo badbaadiyaa dalka? Waxaannu go’aansanay sidan:

1.In fursaddan doorashada si dhab ah looga midho-dhaliyo;

2.In cod iyo cududba la mideeyo oo hal weel la isugu geeyo;

3.In loo guntado sidii dhibta la iskaga qaadi lahaa;

4.In danta guud la soo hormariyo ta gaarka ah;

5.In caqliga laga shaqaysiiyo oo la garto inay doorashadani tahay badbaadinta jiritaanka qaranka.

6. Waxaan dadka ugu baaqaynaa rag iyo dumarba inay ilaashadaan goobaha codbixinta;

7. Waxaan u soo jeedinaynaa ciidammada bilayska iyo kuwa qarankaba in ay xil iska saaraan illaalinta doorashada oo aanay qaadan awaamiirta khaldan, xisbiyadana dhex u noqdaan, codkoodana ku biiriyaan sidii isbeddel dalka uga dhici lahaa;

Hal-ku-dheggu wuxuu yahay; ‘Hadhowbaa la hufaaye horta waa la hanta.’

Mudanayaasha digo-rogtay ee taageeradoodii ku wareejiyey xisbiga KULMIYE ee baaqan soo saaray waxay kala yihiin magacyadoodu sidan:

1- Md. Bashiir Sh. Xuseen Tukaale – UCID

2- Md. Aadan Tarabi Oogle – UDUB

3- Maxamed Jaamac Aadan – UCID

4- Md. Maxamuud Dhunkaale Guutaale – UDUB

5- Md. Saleebaan Cawad Cali – UCID

6- Md. Ibraahim Maxamed Dhaadheere – UDUB

7- Md. Maxamed Faarax Qabile – UCID

8- Md. Xariir Siciid Bullaale – UDUB

9- Md. Maxamed Nuur Carraale (Duur) – UDUB

10- Md. Farxaan Maxamed Cali – UDUB

11- Md. Mahdi Cabdillaahi Maxamuud – UCID

12- Md. Maxamed Jaamac Cali – UCID

13- Md. Cabdicasiis Ismaaciil Dhulcun – UDUB. “

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *