Hargeysa(ANN)-Askarta Ilaalada Madaxtooyada ayaa Maanta Duhurkii weerar ku qaaday Guri ku yaala dhismaha dhinaca Woqooyi kaga soo jeeda wajahada laga galo Xarunta Qasriga, halkaas oo laga furayay Xafiis cusub oo uu leeyahay Xisbiga KULMIYE. Waxayna Ciidanka Ilaalada Duubcasta eek u meersan Madaxweyne Rayaale Xabsiga u taxaabeen koox weriyaal ah oo sawiro ka qaadanayay Xafiiskaa iyo Qaar ka mid ah Qoyskii Guriga lahaa. Talaabada ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu ku weerareen dhismahaa ayaa ka danbaysay, kadib markii Xisbiga ugu weyn Mucaaridka ee KULMIYE Xafiis cusub ka furay halkaa, iyadoo maalmihii u daneeyay lagu muransanaa furitaanka Xafiiska cusub ee la doonayay in halkaa laga furo iyo Calanka KULMIYE oo tiraba dhawr jeer laga dejiyay .

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Laakiin maanta barqadii ayay masuuliyiinta Gobolka ee Kulmiye,  qaar ka mid ah Qoyskii guriga iyo  koox dhalinyaro  ah oo ka mid ah taageerayaasha  xisbigaasi Xafiiskaa Albaabada u fureen, Balse  waxa markiiba halkaa soo maray Afhayeenka Madaxtooyada Siciid Cadaani Mooge, kaas oo daqiiqado ka dib markii uu galay gudaha Madaxtooyada ay Ciidanka  Ilaaladadu xidheen wadada hormarta ee Laamiga, isla markaana waxay weerareen xafiiskii laga furay gurigaa, waxayna dejiyeen Calankii sudhnaa halkaa, iyagoo Xabsiaga u taxaabay weriyaayasha sawirada ka qaadanayay Xafiiskaa oo ay garaaceen, isla markaana ka jejebiyeen qalabkii ay siteen, kuwaas oo kala ah,  Maxamed Rashiid  Muxumed Faarax oo  ah Gudoomiyaha Wargeyska Maalinlaha ah ee Saxafi, Maxamed  Siciid (Xarago) oo ah Tafatiraha Shebekada BerberaNews, Maxamuud Cabbdi  Jaamac (Xuuto) maamulaha Wargeyska Waaheen.

Sidoo kale waxay saddex Nin oo ka mid ah Qoyskii guriga lahaa iyo gabdh ay Abti u yihiin, kuwaas oo kala ah, Xasan Maxamed  Ducaale, Xuseen Maxamed Ducaale, Sahal Maxamuud Ducaale, Hodon Cumar Cismaan (Ina Can-jeex) iyo Cabdiqani Nuur Abiib oo ka mid ah hormoodka dhalinyarada Xisbiga KUMLIYE ee gobolka Hargeysa, kuwaas oo dhamaantood ku xidhan Saldhiga Dhexe.  

haseyeeshee caweyskii caawa ayaa lasii daayay suxufiyiintii xidhnayd, balse waxa weli ku xidhan saldhiga dhexe qoyskii guriga lahaa. 

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                    

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *