Madaxweyne Daahir Rayaale oo ah Gudoomiyaha UDUB, ee mudada doorashada sida ku meel gaadhka ah xilka u sii haya ayaa  hbeen hore caweyskii Madaxtooyada kasoo hurgufay Magacyada raxan Wasiir dawlayaal ah, isla markaana xilkii ka qaaday mid ka mid ah Wasiir xigeenadii hore.

 

 

Xubnaha xiligan ee  la magcaabay oo tiradoodu  tahay saddex Wasiir dawle iyo hal Wasiir ku xigeen, kuwaas oo kala ah, Shucayb Muuse Bookh oo loo magcaabay Wasiir Dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka,  Maxamuud Warsame Geedi Jaamac, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Wershedaha, Axmed Xasan Go’le Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyadoo Wasiir ku xigeenkii hore ee Arrimaha Gudaha Axmed Jaanbiir Kaahin loo Magcaabay la taliyaha Wasiirka Wasaradda Arrimaha Gudaha.

   Magcaabista raxanta Wasiir dawlayaasha ah ee  uu weheliyo Wasiir ku xigeenku , wuxuu  gudoomiyaha UDUB, ku sheegay Warsaxaafadeed uu xalay caweyskii soo  saaray u cuskaday Qodobka 90aad ee Dastuurka Qaranka, kaas oo uu adeegsan karo mudada uu ku  guda jiro xiliga Shanta Sanadood ee mudada Dastuuriga ah ee la doorto.   Balse waxay u muuqataa in aanay xiligan  kala guurka  ah  aanay  waafaqsanayn Dastuurka,   Nidaamka Dumuqraadiga ah iyo sunaha dawladnimo, isla markaana aanay  ku haboonayn, maadaama ay dhamaatay mudadii Dastuuriga ahayd ee la doortay oo ahayd shan sannadood.

Iyadoo  mudo kordhino soo noq noqday  loo sameeyay. Markii ay xukuumada uu madaxda ka yahay ku guuldaraysatay inay dalka u diyaariso xiliga Dastuuriga ah. Laakiin markii ay suurta geli waayeen doorashooyinku, isla markaana mudo kordhinta soo noqnoqotay xalaada siyaasada ka dhigtay mid murugsan ugu danbayntii heshiis Labada Xisbi Mucaarid, labada Gole ee sharci dejinta iyo beesha caalamku goob joog ka ahaayeen mudada xafiiska loo kordhiyay waqti kooban inta laga gaadhayo Doorashada Madaxtooyada.

Haseyeeshee Magcaaista noocan ee waqtigan xubnaha cusub kusoo kordheen golaha xukuumada Rayaale ayaa noqonay tii ugu tirade badnayd, isla markaana  ugu tamarta yarayd  ee soo marta Somaliland tan iyo markii la dhisay xukuumadii ugu horaysay ee Somaliland 1991-kii Burco,  19 sanadood ka hor.

Iyadoo tirada golaha wasiirada ka dhigay 54 xubnood, waxaana la rumaysan yahay in Mr. Rayaale uu kooxdan cusub Magcaabay. Kadib markii Odayaal la kulamay shalay gelinkii danbe oo ahaa koox la doonayay maalmihii lasoo dhaafay inay carqaladeeyaan hawlaha Komishanka iyo Bedelaada  Kaadhadhka oo ku guuldaraystay weydiiyeen qaabkii kale ee looga wareegi lahaa iyagoo qaarkood soo dhigay qorshe ah hawlgalka kharashkii lagu hawlgeli lahaa ee doorashada, taas oo Madaxweyne Rayaale kaga jawaabay in aanu hayn waqtigan oo diyaar u ahayn Kharash lagu galo Doorashada. Kooxdaa oo ka cadhooday, weedhahaa wax yar ka dib ayay Madaxtooyadu soo saartay Liiska  Magcaabista xubnaha cusub ee Wasiir dawlayaasha iyo Wasiir ku xigeenka.

Marka dib loo jaleeco Muda kordhinta soo noqnoqtay  iyo heshiiskii u danbeeyay ee ka koobnaa Lixda Qodob mudadii  lagu jiray wuxuu qaaday Madaxweyne  Rayaale talaabooyin aan loo baahnayn oo magcaabis, xil ka qaadis iyo heshiisyo qarsoon oo uu soo galay,kuwaas oo gebi ahaanba ka hor imanaya nidaamka dawladnimo iyo qaanuunka dalka, isla markaana carqalad ku noqon kara cida kala wareegta xafiiska doorashada ka dib.

  Si kastaba aha ahaatee waa inuu fahmaa  Madaxweyne Rayaale in aanu xiligan xafiiska ku fadhiyin  kalsoonida shacbiga ee uu ku joogo heshiis kooban ilaa inta la gaadhayo mudada doorashada, isla markaana uu ku jiro xili kala guur. sidaa awgeed waxa keliya ee ku waajib ah mudada kooban ee u hadhay inaanu qaadin talaabooyin noocan oo kale ah oo carqaladayn kara cida xafiiska kala wareegta.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office  

E-mail; Info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *