Hargeysa(ANN)Haweenka xildhibaanada Baarlamaanka dalka Jamhuuriyadda Djibouti, oo shalay booqasho ku yimi Somaliland, ayaa maanta  ka qaybgalay fadhigii Mudanaayasha golaha wakiiladda Somaliland. Xubnahan xildhibaanada ah ee ka socda dalka Djabuuti oo shalay si diiran loogu soo

dhaweeyay Madaarka Cigaal ee Hargeysa, ayaa golaha wakiilada Somaliland  uga warameen ujeedada ay u socdeen oo ay ku tilmaameen isbarasho dhex marta labada Baarlamaan ee Somaliland iyo Djibouti, gaar ahaan haweenka ku kala jira labada Baarlamaan ee labada dal.
Fadhiga maanta ee wakiiladda oo uu guddoominayey Guddoomiyaha golahaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), waxa hadal kooban ka soo jeedisay hogaamiyaha weftiga Baarlamaanka ee Haweenka Djibouti Marwo Caasha Maxamuud Rooble, waxayna aad uga mahad-celisay sida Somaliland loogu soo dhaweeyay, iyadda oo xustay inay ku faraxsan tahay inay Somaliland yimaadaan  booqasho,   isla markaana la kulmaan  Baarlamaanka Somaliland iyo ururada haweenka Somaliland, kuwaas oo sida ay  sheegtay ay  ka wada hadlayaan  arimaha khuseeya horumarinta haweenka labada dal oo haweenka baarlamaanada labada ku jiraa ay wakiil ka yihiin, iyadoo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi, “Waxaan u mahad-naqayaa dadkii badnaa ee ay ka mid ahaayeen ururada haweenka Somaliland, xildhibaanadii iyo Guddoomiyaha baarlamaanka Somaliland.”
Xildhibaan Caasha Maxamuud Rooble oo ka hadlaysay xarunta Baarlamaanka Somaliland, waxay iyadoo ka hadlaysa waxyaabaha ay jeclaysatay markii ay madaarka kasoo degeen shalay tidhi,  “Waxa anagu aanu ku faraxnay hawadii qaboobayd ee Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ka dhacaysay oo lafteedu na soo dhawaysay iyo sidii fiicnayd ee la noo soo dhaweeyay”
Haweenka ka socday Baarlamaanka Djibouti markii uu dhamaaday fadhiga golaha wakiilada Somaliland,  waxay kulan gaar ah la yeesheen shir-guddoonka wakiiladda Somaliland.
Dhinaca kale, Mudanayaasha golaha wakiiladda ayaa maanta loo qaybiyey laba xeer oo kala ahaa Xeerka la dagaalanka budhcad-badeeda oo Khamiistii doraad golaha wasiiradu ansixiyeen iyo xeerka Baananka, kuwaas  oo Mudanayaasha laga codsaday inay ka soo baaraan-deggaan. Si goluhu u guda galo qabya tirka xeerarkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *