Dubai(ANN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madaw) oo ka mid ah madaxdhaqameedka  ugu caansan  ee Soomaalida , ayaa ka digay khatar ka dhalan karta qorshe uu sheegay inay wadaan koox yar oo la doonayo in caasimada Somalia loo wareejiyo Meel kale.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo ku sugan dalka Imaraadka Carabta oo uu deganyahay, waxa kaloo uu ka hadlay shirka London ee arrimaha Somalia iyo aragtidiisa inay Somaliland ka qaybgasho. Sidoo kale wuxuu ka hadlay khilaafka xiisada deegaanka Buuhoodle iyo kooxda Cali  Khliif Galaydh iyo arrimo kale.
“Qofku wuxuu doono ayuu sheegan karaa Gobolka Sanaag aqlabiyada dadka degan, Soolna waa la yaqaan Caynabana  waa la yaqaan, anigu nabad ayaan ka hadlayaa  ma doonayo inaan idhaahdo cidaa iyo cidaa ayaa u baddan oo xal ma keenayso, mana jirto cid go’aan iyo talaabo ka qaadi kartaa wada tashi la’aan, markaa waxaan qabaa inaan lala ficiltamin ee wada hadal lagu dayo iyaguna ay ixtiraamaan waxa lawada leeyahay, waxaana qabaa inay arrinta Buuhoodle iyo Sool iska dhamaanay oo walaaltinimo ku dhamanaay. Laakiin arrinta mushkilada ii muuqataa waa ta kasoo socota shirka Garoowe ayuu yidhi Boqor Cismaan Buurmadaw oo waraysi dhinacyo baddan siiyay shebekada Caynaba news.
Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “waxa la doonayaa in Caasimadii Somalia laga raro Muqdisho oo loo raro Garoowe, waxaana arrintaa wada  Madaxweynaha Uganda,  Wakiilka Qaramada Midoobay u qaaabilsan Somalia iyo Somaliland  Augustine Mahinga iyo koox yar Puntland, Galmudug  iyo kooxda Ehlu suna wal jameeca oo gobol keliya oo deegaan keliya ah, basle la doonayo in lagu afduubo Soomaalia, isla markaana qorshahaasi uu sababi karo dagaalo iyo dhibaato hor leh oo xaalada sii xumaysa. Waana arrin taageero siinaysa Al-shabaab oo aanu uga digayno bulshada caalamka oo kooxdaasi doonayaan inay Somalia qaab cusub u guumaystaan, mana aha wax soconaya waxa ka socda Garoowe ee ay wadaan raggaasi, waana mid Bulshada Muqdisho iyo iyaga dagaal ka dhex abuuray.”
Shirka London inay Somaliland ka qaybgasho waan soo dhowaynayaa, mana jirto wax xaasaasiyad ah oo aan ka qabaa, waana fursad loo baahnaa inaynu qadiyadeena u sheegno caalamka oo dhawaaqeena gaadhsiino. “anigu xukuumadda waan ku dhaliili jiray wax baddan iyo shirar ay hore ugala  qaybgashay. Maamulada ximan iyo Xeeb iyo Galmudug oo aanay wax shuruud ah ku xidhin.  Laakiin maanta waxa muuqata inay mustawihii kor u qaaday oo shacbigii  la tashatay oo caalamkii ku tidhi, “anagu (Somalialnd), anagoo caynkaas ah oo mustawahayagu cad yahay ayaanu ka qayb gelaynaa. Mar haday  sidaa tahay oo arrinta la tegayaana (shirka London) aanu dagaal ka duwanayn iima muuqato in la dhabar furo, waxa ii muuqata in la dhiiri geliyo  oo guul loo rajeeyo. Iyaguna ay qadiyada Somaliland si miisan leh uga hadlaan.”
Boqor Cismaan mar wax laga weydiiyay Banaanbaxa maalin ka hor loo qorsheeyay inay ku dhowaad hal milyan oo Somalilanderka ku dhaqan Britain iyo Yurubta kale  ugu balameen inay ku muujinayaan dareenkooda aqoonsiga qadiyada madaxbanaanida Somaliland, wuxuuna isagoo taa ka hadlaya yidhi, “Bulshada Somaliland eek u dhaqan Yurub, gaar ahaan Britain waa Somaliland, markaa waxaan usoo jeedinayaa inaanay isu soo baxa maalin keliya ka dhigin ee ay ilaa inta shirku dhacayo 22 iyo 23 oo shirku dhacayoba dareenkooda muujiyaan oo  ay mawqifkooda cadeeyaan  oo ay u adkaystaan barafka iyo qabowga, waana inay dadka aqoonayahanka ahi albaabada garaacaan oo ay istaagaan.”
Bulshada deegaanka Sool iyo Buuhoodle, ama SSC ha la bexeeen, ama Khaatumo ha la bexeene maanta ayay ugu dhow yihiin oo taladoodii meel isugu geeyeen, markaa waxan qabaa in kooxdaa lala hadlo. Sabatoo ah Cali Khaliif Galaydh iyo kooxdiisu way ogyihiin xaqiiqda  iyo inay Puntland xuduudi u dhaxayso, balse aanay Somaliland xuduudi u dhaxayn oo amagaalooyina ayaa iska yaala, mana aha inay suurta gal tahay inta maamul lagu dhawaaqo in sidaa layskaga tago. Sidaa awgeed waxan qabaa in Cali Khaliif iyo raggiisa lala hadlo oo si nabad ah loo wada hadlo, mana aha in lagu duulo oo anigu nabada ayaan aaminsanahay ee ha lala hadlo cida ay taladoodii kusoo ururiyeen. Ayuu yidhi Boqor Buurmadaw. Oo ka hadlayay khilaafka deegaanka Sool iyo Buuhoodle ee kooxda nabad-diidka ah.
Boqor Cismaan waxa uu sheegay inaanay xukuumada Somaliland wax tixgelin ah siin salaadiinta iyo madaxdhaqameedka sidaa awgeed aanay iyagu gabin doorkoodii dhinaca nabada, balse ay taladii  salaadiinta dawladda  Somaliland  kala jeestay, isla markaana salaadiintuna ay  go’aan ku gaadheen inay tusaan inaanu jirayn suldaan ama madaxdhaqameed gaajo u dhimanayaa ee ay noolaanayaan. Sidaa awgeed ay diyaar u yihiin wixii ay xukuumaddu usoo bandhigto. Laakiin loo baahanyahay inay xukuumaddu dadka la tashato, si ay uga dabaalato mushkiladaha siyaasadeed iyo dagaalada haysta oo aanay ugu bariiqan.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *