Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka hor intii aanu dalka kaga bixin safarkiisa dalka Britain, wuxuu soo saaray Xeer uu ku magcaabay masuul cusub. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafada loo qaybiyay oo kasoo baxay

 

xafiiska Af-hayeenka madaxtooyada Somaliland.
Qoraalka madaxweynuhu ku magcaabay masuulkaa ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Xeer Madaxweyne oo Numberkiisu yahay 0199/022012 ku magacaabay Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:                          Qodobka 90aad faqradiisa (3)aad, ee xarafka (kh) ee Distoorka Qaranka,

Markuu Tixgeliyey:                    Ahmiyadda Jaaliyadaha  Somaliland u leeyihiin Dhismaha Qaranka,

Markuu Arkay:                          In baahi loo qabo buuxinta jagadda Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyaddaha Somaliland.

Markuu Ka Fiirsaday:                Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu ku qancay:                   in uu hanan karo xilkan loo magacaabay.

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Maxamuud Cabdiraxmaan Cali, laga bilaabo taariikhda  maanta 18.02.2012 uu ahaado Madaxa Xafiiska Xidhiidhiyaha Jaaliyadaha ee Somaliland. Xaafiiskaas oo hoos imanaaya maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibedda.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay  xafiiska Af-hayeenka Madaxtooyada.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *