i Qaahira (ANN)Kacdoonada sii kordhaya ee ay debed-baxayaasha Masar ku dalbanayaan inuu xilka kaga dego Madaxweyne Xusni Mubaarik ayaa hada isu bedelay kuwo si weyn u iftiimiyay kala qaybsanaan. Kadib markii dadweyne la rumaysan yahay inay soo abaabushay xukuumaddu ka

 

horyimaadeen debed-baxayaasha iyagu dalbanayay inuu xilka ka tago Madaxweynuhu.
Mudaharaadayasha dalbanaya inuu xilka ka dego Mubaarak iyo kuwa taageersan inuu xilka sii hayo ayaa gamcaha isula tegey, waxayna ciidamadu saaka ku wargeliyeen debed-baxayaasha inay kala dareeraan, maadaama uu madaxweynhu balan qaaday in aanu is sharaxayn doorasha. Laakiin taas ayaa noqotay mid aanay ku qancin ku dhowaad laba Milyan oo qof oo ahaa debed-baxayaasha.
Dhawaaqa Ciidanka Milateriga ayay mudaharaadayaashu ku eedeeyeen inay iyaga iyo Booliskuba la safteen Xukuumadda. Kala qaybsanaanta iyo mudaharaadyada iska soo horjeeda ayaa sii kordhay ka dib markii   Madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak uu shaaca ka qaaday in uu xilka ka degayo, isla markaana uu sheegay inaanu doorashada soo socota ka qayb gali doonin.
Mubaarak oo xalay ka hadlay tilifishanka dawladda Masar ayaa sheegay in uu noloshiisa u soo huray dalkiisa iyo dadkiisa. Sidaa awgeed uu mudan yahay in lagu ixtiraamo mudada uu xilka hayo.
Madaxweynuhu ma sheegin in uu si deg deg ah uga degayo xilka uu soo hayay 30kii sano ee dambeeyay, balse waxa uu shaaca ka qadaay in inta ka dhiman dooraashada bisha Septamber ee sanadkan uu ka shaqayn doono sida isbedel nabadeed u dhici lahaa.
Khudbadda madaxweyne Mubaark oo ahayd mid hore loo sii duubay, ayaa aad  uga cadhaysiiyay boqolaal kun oo dibad-baxayaal ah oo ku sugan faagaaraha Taxriir ee badhtamaha caasimadda Qaahira kuwaasi oo ku baaqaya in madaxweyne Mubaarak si deg deg ah xilka uga dego

Tilifishanka Al Jazeera ayaa sheegay in khudbadda madaxweynaha  ee xalay ka dib ay magaalada Alexandria ee waqooyiga  Masar isku dhaceen taageerayaasha dawladda iyo dadka ka soo horjeeda.
Dhawaaqa rasaasta ayaa la maqlayay hase ahaate wax khasaara ah lama soo sheegin.

Maxamed Al Baraadici oo ka mid ah madaxda horkacaysa banaanbaxyada ayaa sheegay in uu madaxweyne Mubaarak u hadlay sidii qof isla-weyn oo aan rabin in uu xilka ka tego.
Dhinaca kalena Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa shaaca ka qaaday in uu u sheegay madaxweynaha Masar Xusni Mubaark in loo baahanyahay in imika loo baahanyahay is bedel nabadgaliyo ah.
Obama oo ka hadlay warbaahinta Maraykanka ayaa sheegay in isbedelkani loo baahanyahay in uu horseedo doorasho xur ah oo xalaal ah oo ka dhacda Masar.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa sidoo kale tilmaamay in uu tilifoonka kula hadlay madaxweyne Mubaarak kadib markii uu Mubaarak khudbad u jeediyay dadka reer Masar Xalay.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Obama uu kulamo xiriir ah la lahaa la taliyaashiisa sare ee dhinaca ammanka qaranka.
Dawladda Maraykanka ayaa hore ugu sheegtay Madaxweyne Mubaarak fariin ku saabsan in aanu  mar dambe isku sharaxin tartanka doorashada hore loo qorsheeyay inay  sanadkan 2011, ka qabsoonto dalkaa, waxaana farriintaa gaadhsiiyay Mubaarak ergayga maraykanku u diray Masar Frank Wisner.
Araweelonews Mobile
E-mail Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *