sida ay wararka shebekadda Araweelonews ka heshay halkaa sheegeen inay kooxdaa dablayda ahi weerartay labadaa nin oo xoolo dhaqato ah, kuwaas oo waqtigaa xoolo ka waraabiyay Berkedo ku yaal deegaanka Horu-fadhi oo dhinaca Barri kaga beegan qiyaastii 25km Qorilugud.
Waxaana halkaa ku geeriyooday Muuse Maxamed Faarax oo lagu naanaysi jiray (ina wadaad dheere), iyadoo dhaawac culusi soo gaadhay Faarax Axmed Ducaale(Faarax Jiir) oo oday da’a ah, kaas oo dhaawaciisa caawa la keenay cusbitaalka magaalada Burco sida ay shebekadda Araweelonews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah eheladiisa oo aanu kula xidhiidhnay khadka telefoonka.
Dhinaca kale Ciidanka qaranka ee ku sugan fadhiisinka deegaanka Buuhoodle ayaa usoo gudbiyay dhinaca magaalada Burco 18 maxbuus oo ay gacanta ku dhigeen doraad kadib markii ay soo weerareen malayshiyada SSC ee duleedka Buuhoodle. Iyadoo ay ciidanka qaranka eek u sugan halkaa oo doonayay inay isku dhac dadka deegaanka iyo malayshiyada hore u dhexmaray halkaa u tageen, balse markii ay Malayshiyadu weerar kusoo qaaday ciidanka qaranka ay iyaguna dhinacooda jawaab ka bixiyeen weerarkaa. Sidaana kula wareegeen fadhiisinkii kooxdaa malayshiyada ee maygaagle, iyagoo gacanta ku dhigay 18 maxbuus oo ka mid ah malayshiyada SSC.
Maxaabiista la qabtay ee loo gudbiyay xabsiga magaalada Burco ayaa magacyadoodu yihiin sidan;-
1-Cumar Caddare Cumar
2-Farxaan Maxamed Ismaaciil
3-Jaamac Cali Ibraahin
4-Cawil Ibraahin Axmed
5-C/llaahi Xasan Maxamuud
6-C/rashiid Maxamuud Dhab-dhable
7-Maxamuud Warsame Mire
8-Maxamed Cali Muuse
9- C/qaadir Barkhadle Xirsi
10-Maxamed C/casiis Mahdi
11-Cumar Maxamed Xuseen
12-Faarax Cali Ismaaciil
13-Maxamed Axmed Cali
14-Saleebaan Cali Cawil
15-Xuseen C/llaahi Maxamuud.
16-C/rashiid C/llaahi Maxamuud.
17-jaamac Faarax Maxamuud.
18-Maxamuud Xuseen Cabdi.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail info@araweelonews.com