Buuhoodle(ANN)Koox Caruur Arday ah oo mudo ku dhow laba todobaad ka hor dablay ka afduubeen deegaanka Duleedka Buuhoodle, ayaa maanta xoriyadooda loo celiyay. kadib markii  sii deyntooda ay ka hawlgaleen Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Buuhoodle ee lagu haystay

caruurtaa, kuwaas oo maalinta beri ee Jimacaha la filayo in lagu soo warejiyo eheladooda.
sida ay shebekada araweelonews u sheegeen qaar ka mid ah ehelada caruurta iyo dad ku sugan Buuhoodle, waxa arrinta siideynta caruurtaa ka hawlgalay Odayaasha deegaanka iyo waxgaradka.

Afarta caruur ah oo mudo bil iyo dheeraad laga joogo fasaxii dugsiyada dhinaca Miyiga deegaanka Qori-lugud u caano doontay, ayaa koox dablay ahi ka afduubeen halkaa maamlmo ka hor, caruurtaa ayaa magacyadoodu kala yidhiin C/Kariim Saleebaan Aadan, Maxamed Axmed Caydiid iyo Jaamac Xasan Caydiid, iyadoo   magaca wiilka  afraad  lagu sheegay Ina Ducaale Yuusuf Handhadh, isla markaana da’adooda lagu tilmaamay inta u dhaxaysa 18-16 jir.

 

talaabada sii deynta caruurtaa waxa soo dhoweeyay dadka deegaanka laga afduubay iyo qaar ka mid ah bulshada deegaanka la geeyay.

Dhcadada noocan ah ayaa ah mid ku cusub Somaliland iyo deegaankaba, waxay kooxda afduubka samaysay hore ugu doodeen  inaan lasoo deynayn ilaa inta xabsiga laga soo deynayo Hogaamiye koox aragagixiso ah oo falal dilal iyo shirqoolo afduub hore uga sameeyay Somaliland sanadihii 2003 ilaa 2004, iyadoo xiligaa lagu qabtay degamada dhoqoshey.isaga iyo kooxda uu hogaaminayay oo Tuulada dhubato ee duleedka  Hargeysa ee wadada dhinaca Berbera  ka sameeyay fal toogasho iyo afduub ay kula kaceen gaadhi ay lahayd Hay’ad lagu magcaabo GTZ, iyagoo toogasho ku dilay intii ay ku jireen hawlaglkaa haweenay ka mid ahayd saraakiisha Hay’adda oo u dhalatay dalka Kenya.  kooxdaa oo uu hogaaminanay Jaamac Kuutiye oo kasoo jeeda deegaanka Buuhoodle, waxa gacanta ku dhigay iyagoo doonaya inay ka talaaban xuduuda shacbiga reer Dhoqoshay, kuwaas oo ku wareejiyay maalin kadib ciidanka Booliska Somaliland, isla markaana xukuno kala duwan lagu riday kadib markii maxkamad la horgeeyay ee ay ku cadaatay dilalka dad ajaanib ah oo lagu laayay sanadihii 2003 ilaa 2004 xiliyo kala duwan iyo magaalooyin kala duwan sida Boorama Sheekh iyo hawlgalka lagu qabtay ee ay ka fuliyeen Tuulada dhunabto, balse ay qabashada hawlgalkaa u danbeeyay ku fashilmeen kooxdaa oo sanado badan dilal iyo shirqoolo aan raadkooda la hayn ka fulinayay Somaliland

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *