Hargeysa(ANN)Daahir Rayaale Kaahin oo ahaa Madaxweynihii hore ee Somaliland, isla markaana ah xilagan Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka  ee UDUB, ayaa sheegay inuu rajaynayo in xisbigiisu  kaalinta koowaad,  ama labaad ka geli doono tartanka doorashada Goleyaasha

 

deegaanka iyo Ururada ee loo qorsheeyay inay dalka ka dhacaan 28 November 2012.

Guddoomiyaha Xisbiga UDUB, waxa kaloo uu sheegay inuu shirweynihii golaha dhexe ee xisbigaa uu qabsoomi doono 27-ka August, kaas oo lagu qabanayo  Huteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa, wuxuuna  xubnaha golaha dhexe ku war-geliyay inay 25 August yimaadaan xarunta dhexe ee xisbiga. Daahir Rayaale, wwuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay khilaafka xisbiga mudooyinkii u danbeeyay hadheeyay oo sababay inay kooxo ka mid ahaa ka baxaan oo ay ku biiraan xisbi xaakimka, iyadoo gudoomiye xigeenkiisiina iska casilay xilkii ku xigeenka, isla markaana galay golaha guurtida oo uu xubin sharafeed ka noqonayo, taas oo uu Daahir Rayaale sheegay inuu soo dhowaynayo.

Rayaale waxa kaloo uu sheegay in shirka golaha dhexe kasoo bixi doonaan qorsheyaal lagu dar-dar gelinayo xisbiga UDUB oo uu ku tilmaamay aabihii iyo Hooyadii dimuqraadiyadda Somaliland.

“Xisbigan oo ahaa aabihii iyo hooyadii dimuqraadiyada ka hirgeliyay dalkan, waxaan leeyahay dhammaan shacbiga Somaliland inay muujiyaan taageeraddii ay u hayeen xisbiga UDUB. Waxaana shirkaasi ka dib todoba maalmood gudahood aanu dhamaystiri doonaa murashaxiinta xisbiga ee degmooyinka dalka oo dhan,”ayuu yidhi Daahir Rayaale Kaahin.

Guddoomiyaha UDUB oo la weydiiyay inay shirweynaha Golaha dhexe u qabanayaan dhammaan garabyadii xisbiga oo dhan maadaama khilaaf dhacay iyo in taageereyaashiisii oo qudhi iskugu iman doonaan, waxaanu ku jawaabay “Horta Marka u horeysa markii hore sadex xisbi ayaa dalka ka jiray, maantase sagaal urur ayaa lagu tartamayaa. Ururadani markaan runta idiin sheego sadexdii xisbi ee hore uun bay ka farcameen. Shirkan UDUB inta saaxiibul mabda’a ah ee ku soo hadhay ayuun baa loo qabanayaa.”

Daahir Rayaale waxa uu soo dhaweeyay goo’aankii uu xilka xisbiga UDUB iskaga casilay Guddoomiye Kux igeenkiisii oo sheegay inuu guurtida gelayo, waxaanu yidhi “Waxaan u arkaa inuu go’aan fiican qaatay, maadaama oo raggii uu kaxeeyay oo dhami xisbiga ka tageen. Guurtidana isna wuu ku jiraa aniguna waan ku jiraa oo madaxweyne iyo Madaxweyne Ku xigeenba way galayaan markay xilka ka dagaan.”

Guddoomiyaha UDUB oo la weydiiyay waxa uu ku qancinayo dad ku eedeeya inaanu iska xil saarin furdaaminta khilaafkii xisbiga, waxaanu yidhi “Horta Khilaafka anigu maan abuurin ee anigoo maqan ayuu bilaabmay. Waxaan u imid inaan khilaafka dhameeye intii badnayd talladaydii way raaceen. Xoogaa talladayda diidanaana inay xisbiyo kale ku kala biireen waad ogtihiin. Taasina waa caadada xisbiyada oo waa la kala tagaa. Waad ogaydeen inuu KULMIYE bari Burco ku kala tagay intii xaasilka ahayd ee mabda’a aaminsanayd ayaa soo hadhay.”

“ UDUB-na intii mabda’iisa aaminsanayd way ku hadhay, rajada aan qabaana waxa weeye xisbi lagu xasuusto waxqabadkiisii, ummadda reer Somaliland-na taageero weyn ayay siinaysaa. Waxaan rajaynaynaa in xisbiga UDUB uu ku soo baxo ka koowaad ama labaad ee ku soo baxa sadexda xisbi qaran,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UDUB.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
jaamac132@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *