Muqdisho(ANN) Siyaasiga kasoo jeeda Somaliland ee u dhashay deegaanka Sool Dr. Cali Kahliif Galleydh, ayaa ka mid noqday musharaxiinta isu ta agaya doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia, taas oo ay  Musharrixiin badan oo isu soo taagay Qabashada Xilka

 

Afheyeenka Barlamanka gudida loo saaray u gudbiyeen qoraaladooda.
Gudida ayaa u qabatay in musharixiinta shirgudoonka Baarlamaanka u tartamaya inay waraaqohooda soo gudbiyaan inta ka horaysa 25 August oo ku beegnayd maalinta Sabtida ah, isla markaana waxay sheegeen in marka la gaadho saacada  Lixda galabnimo mudada wixii ka danbeeyay aan laga qabanayn araajida. waxaana xubnaha gudbiyay araajidooda ka mid ah Dr. Galaydh iyo xubno kale oo ku  dhawaaqay inay u taagan yihiin Musharrixiinta u tartameysa Xilka Guddoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeennadiisa, kuwaas ay kamid yihiin Cabdirisaaq Cusmaan Juurille, Cabdirashiid Maxamed Xidig, Maxamed Rashiid,Cali, Maxamed Xasan Jawaari iyo xubno kale.

Mudada loo qabtay xubnaha u tartamaya shir gudoonka Baarlamaanka Somalia, ayaa ah 25-ka bishan, taas oo  ahayd inta ka horaysa mudadaa loo qabtay in musharrixiinta u taagan xilka shir gudoonka baarlamanka ay guddiga doorashada ugu gudbiyaan araajidooda iyo Taariikh nololeedkooda,  iyadoo lagu xidhay  lacago looga baahanyahay.  tusaale ahaan Guddoomiyaha baarlamanka qofka  u tartamaya waxaa laga doonayaa inuu bixiyo $ 3000 Dollar,  iyadoo  qofka u tartamaya ku Xigeenka 1aad laga doonayo inuu bixiyo $ 2000 Dollar, halka qofka u tartamaya gudoomiye ku xigeenka 2aad laga rabaa inuu  bixiyo $1000 Dollar.

Guidada ayaa ku dooday in waqtigu cidhiidh yahay, isla markaana ay adagtahay in mudada loo qabtay lagu doorto musharaxiinta shirgudoonka Baarlamaanka sidaa awgeed ay u baahan yihiin laba maalmood in laga dhigo doorashada Gudoomiyaha iyo Ku xigeenada, isla markaana maalin ka hor ay musharixiinta golaha u jeediyaan qudbado. laakiin ma cada inuu qorshaha soo jeedinta Gudidu soconayo iyo in kale, iyadoo  Doorashada shir Guddoonka barlamaanka la filayo  in la qabto Aaxada 26 August. laakiin waxa muuqata inaan waqtigaa aanay Baarlamaanku dooran karin shirgudoon sida ay Gudidu sheegtay.
Dhinaca kale Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ka mid ah xubnaha u tartamaya gudoomiyaha baarlamaanka. kadib markii laga hor istaagay ka mid nqoshada xubanaha cusub ee baarlamaanka, balse uu madaxweynaha Maamul goboleedka puntland oo aanay hore siyaasada heshiis ugu ahaynii u galay kaanbayn sidii loo gelin lahaa siyaasigaa Baarlamaanka, taas oo uu uga faa’idaysnayo Faroole siyaasada uu sida weyn ugaga soo horjeedo wadahadaladii dawlada mudadeedu dhamaatay ee sheekh Shariif Iyo Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Siilaanyo, isagoo u arkay inay fursad siyaasadeed u ahaayeen wadahadalu Somaliland, isla markaana doonayo inuu kaga hortago marka lasoo dhiso dawlad Soomaaliyeed oo loo balamay inay halkaa kasii socdaan wadahalada Somaliland iyo Somalia, si uu ugu carqaladeeyo sheegashada deegamaada Sool iyo Buuhoodle ee Faroole qaabka isirka ah ugu doodo.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
jaamac132@gmail.com This e-mail address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *