Roma (Araweelo News Networ;) Markab ciidammada badda Maraykanku leeyahay, ayaa maalintii Arbacada badbaadiyey tahriibayaal tiradoodu

dhan tahay 128 qof oo dooni ay la socdeen kula xumaatay badweynta, kuwaas oo loo qaaday dhinaca jasiirada Malta oo ka mid ah dalalka koonfurta Yurub, isla markaana ku taal badweynta Midhitarniyanka ee  u dhexaysay wadammada Talyaaniga iyo Tuuniisiya.

Muhaajiriinta  Markabka Maraykanka ahi badbaadiyey oo markii hore sheegtay inay dhammaantood yihiin qaxoonti Soomaali ah, ayaa baadhitaanno lagu sameeyey lagu ogaaday in aannu qof Soomaali ahi ku jirin, balse ay yihiin tahriibayaal ka soo jeeda dalalka galbeedka Afrika, gaar ahaan wadammada Gambiya, Sinigaal, Nayjeeriya, Siraaliyoon, Maali iyo Burkiino Faaso, kuwaasoo iyagoo badqaba la dejiyey goob ku taal jasiirada Malta.

“Waxaannu si guul ah u badbaadinay, isla markaana dalka Malta ugu gudbinay 128 tahriibayaal ah oo da’doodu u dhexayso 20 ilaa 30 sanno jir, iyadoo doontii ay la socdeen ku xumaatay biyaha badda oo xoog u kacsanayaa, naftooduna halis ku jirtay.” Sidaa waxa yidhi sarkaal ka tirsan ciidanka badda Maraykanka ee badbaadiyey tahriibayaasha oo la hadlay wakaalada wararka ee AFP.

Waxa kale oo sarkaalkaasi sheegay inay dadka tahriibayaasha ah siiyeen raashin iyo biyo, isla markaana gargaar caafimaad u fidiyeen qaar xaaladooda caafimaad dhibaataysnayd, iyadoo qoraal ka soo baxay millatariga dalka Malta lagu sheegay in dadka tahriibayaasha ah oo Soomaali sheegtay markii la badbaadiyey lagu qaaday laba doonyood, si nabad ahna loo geeyey dhulka Malta.

Hasayeeshee, sida lagu daabacay wargeyska Malta Today, baadhitaano dheeraad ah oo tahriibayaasha lagu sameeyey, ayaa lagu ogaaday in aanay Soomaali ahayn, balse ay dhammaantood dhalasho ahaan ka soo jeedaan wadammada galbeedka Afrika.

Dawladda Talyaaniga ayaa xeebaha dalkeeda, gaar ahaan jasiirada Sicily (Siishali) ku soo rogtay xaalad degdeg ah oo la xidhiidha tahriibayaasha ku qulqulaya qaarada Yurub, iyadoo bishan gudaheeda ay biyaha dalka Talyaaniga ku dhinteen tahriibayaal gaadhaya ilaa 400 qof, halka ilaa 32 kun oo tahriibayaal Afrikaan ahina sannadkan gudihiisa gaadheen jasiirada Malta  oo noqotay bartilmaameedka muhaajiriinta.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *