Koonfurta Suudaan Oo Ciidamo Loo Dirayo Iyo Soomaalida Ku Go’doonsan Dagaalada Ka Socda Dalkaa Oo Xaalad Murugo Ah Lasoo GudboonaatayNewyork (Arraweelo News Network)Dawlada Marayka ayaa ka dalbatay golaha amaanka in ciidamo nabad ilaalin ah loo diro dalka Koonfurta Suudaan oo xaalad bini;aadanimo oo foolxun ay ka socoto. Kadib dagaalo

u dhexeeya labada dhinaca ee mucaaradka iyo falaagada dawlada ka goosatay.
Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-moon ayaa weydiiyey Golaha Ammaanka in sida ugu dhakhsaha badan uu dalka South Sudan loogu diro ciidan nabad ilaalineed oo gaadhaya 5,500, kuwaas oo la doonayo in ay ilaaliyaan dadka shacabka ah ee maatada ah.
Soo jeedinta dalbka in ciidamo lo diro dalka Koonfurta Suudaan ayaa ka danbeeyay kadib markii dalalka Maraykanka iyo Britain kala baxeen shaqaalaha iyo dublamaasiyiinta u dhashay eek a jooga halkaa, waxaana la filayaa in golaha Ammaanku galabta u codeeyo qaraarka dalkaa lagu geynayo ciidanka QM ee ku sugan goobo kale oo qaaradda Afrika ah.

Talaabadan Qaramada Midoobay ayaa kusoo beegantay iyada oo dalka Maraykanka uu  kordhiyey dadaaladiisa dimblomaasiyadeed ee uu ku dajinayo xiisadda isirka ku saleysan ee ka jirta dalka South Sudan, iyadoo Maraykanku sheegay in haddii loo baahdo ay  ciidamo ka gobolkaas geynayaan South Suudaan.

Donald Booth oo ah  Ergeyga gaarka ah ee Maryakanka u qaabilsan dalka South Sudan ayaa Isniintii shalay la kulmay madaxweynaha South Sudan Salva Kiir, waxana uu Mr. Booth warfidiyeenada u khadka telefoonka ugu sheegay in madaxweyne Kiir uu doonayo in la dhameeyo dagaalka u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne kuxigeenkiisii hore Riek Machar, balse waxba iskama bedelin xaalada ilaa hadda.
Dhinaca kale dagaalka oo socday mudo todobaad ah ayaa keenay khaasaraha dhimasho kumaan qof, isla markaana waxa uu sababay qoxooti kumaan ah oo ka qaxay guryohooda, iyadoo Hay’addaha gar-gaarku awoodi waayeen in ay wax gurmad ah u sameeyeen dadkaa.
Boqolaal Soomaali ah oo ku go’doonsan gobolka dhinaca Woqooyi ee Koonfurta Suudaan ayaa xaaladooda laga dayriyay. Kadib markii hantidii ay haysteen laga dhacay, isla markaana ay waayeen wax ay cunaan.
arraweelo.com@gmail.com
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *