wasiir xirsi1Hargeysa(Araweelo News Network) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaji Cali Xasan, ayaa ugu baaqay bulshada in ay u tartamaan horumarka iyo sidii ay dalkooda u dhisan lahaayeen, balse

taa bedelkeeda aan loo tartamin burburinta dalka iyo mudaharaadada.
Wasiirka Madaxtooyadda, waxa uu sheegay in aad uga xunyahay mudaharaadka shalay ka dhacay magaalada Burco, kaas oo uu sheegay inuu farxad gelinayo cadawga Somaliland iyo dadka aan jeclayn in horumarka iyo wax la qabto.

Xirsi Xaaji Cali, waxa uu sidaa ka shaagay munaasibad kooban oo uu saaka Madaxtooyadda horteeda ku dhagaxdhigay qorshaha la doonayo in Mar-mar la dhigo dhamaan wadooyinka laamiga ah hareerohooda.

Wasiirka oo ka hadlaya arrimahaa  waxa uu yidhi, “Waan ka xumahay in dadka qaarkii ay farxad gelinayso, ama ay u jibaysan yihiin mudaharaadyo iyo wax dalka duminaya. In aynu mudaharaad ku faraxno oo dhiirigelino, wax ka muhiimsan in aynu dalka horumarkiisa ku faraxno oo dhiirigelino, waa in dalka qaska laga daaya, waxa loo baahanyahay in aynu dalka horumarkiisa ka shaqayno oo isku duubnaano.” Ayuu yidhi Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Xaji Cali Xasan oo saaka dhagax dhigay dhismaha qorshaha la doonayo in marmar lagu wareejiyo dhaman hareeraha wadooyinka Caasimada Somaliland sida uu hore amar ugu bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *