Hargeysa(ANN) Komishanka  Doorashada ee Degmada Hargeysa ayaa dib u riixay natiijada doorashada oo la filayay inay galbta ku dhawaaqaan. kadib markii la dhameeyay habeen hore hubinta iyo tirinta codadka ee Hargeysa, taas oo  la filayay sida

saraakiisha komishanka degamadu sheegeen in maanta gelinka danbe lagu dhawaaqo natiijada degmada aan weli la shaacin ee  Hargeysa, balse mar kale dib loo riixay caawa, isla markaana la filayo in maalinta beri lagu dhawaaqo.

Boqolaal qof ayaa caawa caweyskii soo buuxiyay duleedka xarunta komishanka iyo agagaarka u dhow, kuwaas oo ay ku jiraan musharixiinta aan weli la shaacin natiijada guul iyo guuldaro waxay ku dhamaatay doorashadii ay galeen 28 Nov  ee  golayaasha deegaanka iyo boqolaal kale oo ka mid ah taageerayaasha ururada ku loolamayay doorashadaa, kuwaas oo joog iyo jiifba diiday maalmihii u danbeeyay, isla markaana u dhegtaagaya natiijada doorashada.
Dadka kusoo xoomay caawa xarunra komishanka qaranka ee  Hargeysa iyo xafiiska komishanka degmada, ayaa qaarkood goobtaa yimaadeen kadib markii ay maqleen in gebi ahaanba la waayay tirooyinka  lag diyaariyay sanaaduuqda codadka degmo ka mid ah Hargeysa, taas oo keentay inay musharxixiinta qaarkood iyo taageerayaasha ururadaba walaac ku abuurto, isla markaana dib u dhac ku keento natiijadii la filayay in caawa lagu dhawaaqo. 

komishanka ayaa dalbaday Ciidamadda booliska, iyagoo ka cabsi qaba inay rabshado ka dhashaan sheekooyinka mala awaalka u badan ee sida musal-salka loogu gudbinayo bulshada, kuwaas oo la xidhiidha natiijada doorashada, Ururada iyo  musharixiinta oo mararka qaar ay dhegohooda kusoo dhacayaan waxyaabo ka cadhaysiinaya, taas oo dhirbaaxo iyo lama filaan ku noqonay natiijooyinka aan jirin ee ay weheshanayeen oo u sheegayay inta badan in urur walba iyo musharaxwalba uu guulaytsay, waxa keliya uu ee uu sugayaana tahay dhawaaqa natiijada komishanka, waxayna ciidanka Booliska oo ka hortegaya inay rabshado sameeyaan dadka kusoo xoomay caawa xarunta komishanku kala dareeriyeen gebi ahaanba dadkii kusoo ururay goobtaa, iyadoo lagu wargeliyay inay guryohooda ku laabtaan iyo xaafadihii ay ka yimaadeen.
.
Komiishanka doorashooyinka Qaranka, ayaa markaa ka dib la kulay masuuliyiinta ururada iyo axsaabta si ay ugala tashadaan, qaabka looga wareegayo cabashooyinka qaar ka mid ah ururadu qabaan iyo sidii loo xalin lahaa ee meesha looga saari lahaa waxyaabaha abuuraya nabadgelyo-darada, balse ma jiro war kasoo baxay kulankaa iyo sida ay ugu qanceen ururada cabanayaa. sidoo kale ma jiro waqti cayiman oo loo qabtay dhawaaqa natiijada doorashada ee Hargeysa oo keligeed ka hadhsan 21 degmo oo ay ka dhaceen doorashooyinkii golayaasha deegaanka Somaliland, balse waxa la filayaa inay saacada soo socda ku dhawaaqaan komishanka doorashooyinku natiijada dhamaan heer gobol iyo degmo ee tirada codadka ay kala heleen ururada iyo xisbiyada ku tartamayay iyo musharaxiinta ku guulaysatay kuraasta golayaasha deegaanka ee doorashooyinkii dalka ka dhacay 28 Nov, 2012, kuwaas oo ay kasoo baxeen cabashooyin badan oo la xidhiidha dhinaca maamulka iyo musuq-maasuq meelaha qaar lala xidhiidhiyay xukuumadda iyo xisbeeda Kulmiye.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *