Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hutel xaraf ee magaalada Hargeysa, wuxuuna sheegay inay komishan ahaan diyaariyeen qorshihii lagu geli lahaa doorashadii Goleyaasha deegaanka oo uu tilmaamay inay u qoondeeyeen in la qabto dhamaadka sanadkan 2011-ka gaar ahaan bilaha October, November iyo December mid ahaan.
“Qorshaha aanu samaynay waa mid laba nooc ah oo waxaanu ku tallo galay haddii la furo ururada siyaasada ee Madaxweynuhu gudidii ka soo tallo bixinaysay dhawaan magacaabay . Waanu ku sii xisaabtanay haddii la furo sidii doorashada loo qabanayay. waxa kale oo aanu qornay qorshe kale oo ah haddii ay sadexdii xisbi qaran oo qudhi sii jirayaana qorshihii waa naga diyaar oo waxaanu u gudbinay Madaxweynaha,”ayuu yidhi Afhayeenku.
Afhayeenka Komishanka doorashooyinka Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) waxa kale oo uu ka hadlay eedo uu u soo jeediyay Xisaabiyihii hore ee qaranka oo sheegay inay xubnaha Komishanku ku lug lagaayeen erigiisa, “Waxa jirtay in xisaabiyihii guud ee la eryay uu maalmahan ka hadlayay cambaarayn uu u soo jeediyay Komishanka doorashooyinka, markii hore umanaan jawaabin waayo waxaanu u arkaynay nin shaqo laga eryay oo cabanayay laakiin waxaanu aragnay in mowduucii ay saxaafadii sii qaadatay oo ay ka sameeyeen faallooyin. Xisaabiyaha guud waxa mara foojarada dawlada oo dhan anaguna waxaanu ku shaqaynaa miisaaniyad. Waxa dhacday inaanu isla meel dhignay Wasaarada Maaliyada miisaaniyaddii aanu Komishan ahaan ku shaqaynaynay oo aanay ku jirin kharashkii doorashada kharashkaasi oo dhammaa 2 Bilyan oo shilin.
Waxa dhacday in nalagu soo celiyay miisaaniyaddii aanu qoranay oo 30% la dhimay, markaa xisaabiyihii wuxuu shaqaalihii komishanka ka hor istaagay mushahar kordhintii shaqaalaha iyo ciidamadaba ay xukuumaddu 100% u kordhisay. Wuxuu yidhi komishanku kuma jiraan meelaha mushaharka loo kordhinayo oo ay ka mid yihiin shaqaalaha dekada iyo Ha’yadaha kale ee dawliga ah qaarkood, waxaanu markaa ku nidhi anagu ma nihin Ha’yad dakhli soo saar oo waxaanu nahay Komishan qaran. Waxaan idiin sheegayaa ninkii xisaabiyaha ahaa waanu la shaqayn kari waynay oo foojar kasta oo naga gala wuxuu noogu dhamaanayay wasto oo waxaanu la hadlaynay wasaarada maaliyada ama madaxtooyada,”ayuu yidhi Afhayeenka Komishanku.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail. info@araweelonews.com