Hargeysa(ANN)Masuuliyiin ka socday Xisbiyada qaranka iyo Ururada siyaasada, ayaa kulan al-baabada loo xidhay la yeeshay xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, kulankaa oo maanta ka dhacay xarunta komishanka, ayaa ahaa mid aan saxaafada loo ogalayn, balse
ujeedadiisa ahayd qaabkii ay doorashadu u qabsoomi lahayd.
Kulankaa kadib ayay warbaahintu wax ka weydiiysay xubnaha ka qaybgalay iyo waxyaabihii laga wada hadalay, waxayna qaar ka mid ah mas’uuliyiinta ururada iyo xisbiyada qaranka oo sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii ay labada dhinac ka wada hadleen sheegeen in ay ujeedada ugu weyni ee kulanku ahayd sidii looga wada tashan lahaa qaabka ugu habboon ee ay u qabsoomi karaan doorashooyinka golaha deegaanka dalka.
Guddoomiye ku-xegeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo ka waramay waxbaaha shirkan laga wada hadlay ayaa saxaafada u sheegay in kulankan ay kaga wada xaajoodeen habka ugu habboon ee loo qaban karo doorashooyinka golayaasha deegaanka ee dalka, isla markaana ay waxbadan iska waydiiyeen.
Sidoo kale waxay sheegeen msuuliyiinta ka socotay ururada iyo xisbiyada in laga wada hadlay sidii ay doorashadu ku dhicilayd inta ka horaysa dhammaadka sannadkan, iyagoo intaas ku daray inay ka wadda xaajoodeen sidoo kale astaamaha musharixiinta oo ku jiray Xeerkii ay dhawaan Meel mariyeen Golayaasha Sharci dejinta ee Baarlamanka.
Cali Maxamed Yuusuf (Cali –gurey ) oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga UCID, isla markaana kana qayb galay shirkan maanta ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin su’aalaha dul-hoganaaya qabsoomidda doorashooyinka golaha deegaanka oo uu ku tilmaamay mid guul darro u muuqata in xukuumadda oo talada haysay muddo 2 sanno ah ay aanay wali ku guulaysan qabashada doorasho kaliya.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com