-
Published On: Tue, Apr 27th, 2010

Xukuumada Madaxweyne Riyaale Oo Golaha Wakiilada Hor Geysay Mala Awaalka Miisaaniyad Indha Sarcaad ah

Smiley face
Share This
Tags
Maxay Ku kala Duwan Yihiin Mala Awaalkii 2009 iyo 2010?

Hargeysa (ANN) Xukuumada Madaxwene Riyaale ayaa maanta golaha wakiilada u gudbisay odoroska mala awaalka miisaaniyada 2010, taas oo mudadii dastuuriga ahayd dhaaftay ku dhowaad todoba bilood.

Fadhigii golaha wakiilada oo ku qabsoomay hoolka golaha guurtida oo ay kasoo xaadireen 42 mudane ayuu Wasiirka Maaliyada Somaliland Cawil Cali Ducaale kusoo hordhigay miisaaniyada ay xukuumad ahaan soo diyaariyeen ee 2010, wuxuuna ku sheegay sharxaad kooban oo uu halkaa ka jeediyay in Odoroska mala awaalka miisaaniyada ay xukuumad ahaan soo gudbiyeen sannadkan 2010 aad uga xadi badan yahay tii sannadkii hore, isla markaana noqonay saddex boqol iyo saddex iyo lixdan Bilyan.
Iyadoo ay qorshaha mala awaalka sannadkan ay kusoo dareen miisaaniyada labada Wakaaladood ee Korontada iyo Biyaha oo Madaxtooyada hoos taga, kuwaas  oo ka mid ah meelo badan oo aan magacyadooda lagu arki jirin miisaaniyada.

Wasiirka Maaliyada oo mudanayaasha sharaxaad ka siiyay Miisaaniyada Dalka ayaa sheegay inay culayska saareen Lacagtii Doorashada Madaxtooyada iyo ta Golaha Wakiiladda iyo Dhismaha Ciidamada waxaanu xusay korodh ka  badan kii sannadkii hore uu ku jiro,  isagoo xusay inay tahay Dakhli iyo Kharash, wuxuuna dakhligaa ku sheegay inuu ka soo baxayo dhoofka Xoolaha oo sida laga warqabo  u xidhan ganacsadaha Carbeed ee Saleebaan Al-jaabiri, isla markaana waxa uu xusay inay  kharashaad badani ka soo kordheen dhinaca Doorashooyinka iyo qiimaha waxyaabaha  ay xukuumadu  iibsato oo kordhay.

Wasiir Cawil  isagoo sharaxaad ka bixinaya meelaha uu dakhliga odoroska Miisaaniyadu ka soo baxayo, wuxuu  ku tilmaamay mid  ay  ka filayaan inay ka soo baxdo meelahan sida:-

§  Dawlada dhexe Saddex boqol iyo toban Bilyan

§  Dekedda Berbera Sadeed boqol iyo labaatan bilyan

§  Wakaaladda biyaha toddoba iyo toban bilyan

§  Wakaaladda Korontada Toddoba bilyan

Inkasta oo uu xusay Wasiirka Maaliyadu in aanay dhinaca Cashuuraha dakhligii ay filayeen ka soo bixin, balse ay sannadkan filayaan inay kasoo baxayaan ilaha dakhli iyo hay’adaha hoos ku qoran, kuwaas oo ah sidan:-

§  Kastamada laba boqol iyo laba iyo afartan bilyan oo u dhiganta 78 %

§  Cashuuraha Bariga afar iyo labaatan bilyan oo u dhiganta 8.05 %

§  Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta 372 milyan oo u dhiganta 0.12 %

§  Wasaarada Horumarinta reer miyiga 224 malyuun oo u dhiganta 0.07 %

§  Maxkamadaha 240 milyan oo u dhiganta 0.08 %

§  Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha 37 malyuun oo u dhiganta 0.01 %

§  Wasaaradda Qorshaynta Qaranka 125 malyuun oo u dhiganta 0.04 %

§  Dekedda Berbera laba bilyan oo u dhiganta 0.64 %

§  Deeqaha D/hoose shan bilyan oo u dhiganta 1.61 5

§  Deeqaha iyo Daymaha laba bilyan 8.38 %

§  Wasaaradda Warfaafinta 18 malyuun oo u dhiganta 0.01 %

§  Wasaaradda Ganacsiga laba bilyan oo u dhiganta 0.96 %

§  Wasaaradda Duulista hawada iyo gaadiidka cirka Saddex bilyan 1.04 %

§  Laanta Socdaalka laba bilyan 0.94 %

Isugeynta oo noqonay  310 bilyan, waxaanu xusay dakhligaasi kharash ahaan inuu u baxo sidan;-

§  Mushaharooyin boqol iyo sagaal iyo soddon bilyan oo u dhiganta 44.84 %

§  Raashin sideed iyo soddon bilyan oo u dhiganta 12 %

§  Wakiiladda Somaliland ee dibadaha laba bilyan oo u dhiganta 0.91 %

§  Isgaadhsiinta laba bilyan oo u dhiganta 0.74 %

§  Shidaalka Sideed iyo toban bilyan oo u dhiganta 5.94 %

§  Stationary laba bilyan oo u dhiganta 0.80 %

§  —- Sagaal bilyan oo u dhiganta 2.99 %

§  Adeegyada Toddoba iyo Sagaashan bilyan oo u dhiganta 31.53 %

Kuwaas oo isku noqonaya 310 bilyan

Wasiirka wasaaradda Maaliyadu waxa uu sheegay kharashaadkaasi inay ku baxaan Adeegyada Bulshada gaar ahaan Nabadgelyada, Maamulka iyo Siyaasadda iyo Mahaariicda Guud, waxaanu mudanayaasha ka codasaday inay Miisaaniyada sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan isagoo xusay inay dadaal muujiyeen sanadkan maadaama Caalamka oo dhami ka qaylinayo Dhaqaale burbur

Isagoo intaa ku daray inay sameeyeen kharash dhimis taasoo uu tusaale u soo qaatay shidaalka oo ahaa waxa ugu dhibaatada badan leh si ay u yareeyaan inay u xaraasheen baabuurtii ay masuuliyiinta xukuumadu ku raaxaystaan ee qaaliga ah oo ay hada ku bedeleen baabuur yar yar.

Waxyaabaha kale ee uu wasiirku ka hadlay ayaa ahaa inay samaynayaan daraasad ku saabsan qaabka dakhli ururinta oo uu sheegay labaatankii sano ee ay Somaliland jirtay inaan wali la samayn daraasad mug leh oo qiimaysa meelaha ay dhibaatadu ka jirto isagoo sheegay in loo baahan yahay in wax la saaro meelo badan oo ay Cashuuro ka baaqsadaan, isla markaan laga dhimo meelo badan oo ay saaran tahay Cashuur badani

Marka laga yimaado labada wakaalood ee Biyaha iyo Laydhka, waxa jira Hay’ado iyo Wasaarado uu wasiirku markii uu sidan oo kale golaha horkeenay miisaaniyadii 2009, ku muujiyay inay kasoo baxayaan badan oo balaayiin ah, kuwaas oo hada aanay qaarkood ka muuqan, tusaale ahaan miisaaniyadii 2009, waxa ka mid ahaa wasaaradaha uu sheegay wasaarada Kaluumaysiga oo sida ka muuqata shaxdii waqtigaa uu sheegay inay kasoo xoroonayaan 406  Million ( iAfar boqol iyo Lix million) oo u dhiganta 001.5%, taas oo aanu wasiirku sheegin inay kasoo xerootay iyo in kale.  sidoo kale Laanta socdaalka oo aan shaxdaa hore ku jirin waxa lagu sheegay inay kasoo xeroonayaan 2 Bilyan  (Laba Bilyan) oo u dhiganta 0.94% miisaaniyada  2010. Sidoo kale wasaarada Duulista  oo aan shaxdaa hore 2009 ka muuqan ayaa hada lagu sheegay inay kasoo xeroonayaan 3Bilyan (saddex Bilyan), taas oo noqonay 1.04% miisaaniyada, halka dekeda Berbera oo sannadkii hore 2009 ay ku qornayd 2Bilyan (Laba Bilyan) oo u dhiganta 0.75%, iyadoo aanay waxba iska bedelin Dekeda Berbera oo ay  sannadkan 2010, ku qorantahay 2Bilyan sida 2009, balse ay miisaniyada ka noqonay 0.64%, halkii ay sannadkii hore ka ahayd 0.75%, taas oo muujinay hoos u dhac, balse aan dhinaca miisaaniyada ah, maadaama aanay is bedelin xisaabta dakhliga ku qoran Dekedu, balse ay wax iska bedeleen inta ay ka noqonay miisaaniyada sida ka muuqata faraqa labada shaxood.

Tusaale ahaan Mr Cawil oo markii uu sidan oo kale golaha wakiilada horgeeyay miisaaniyadii 2009, taas oo dib u dhac badani ku yimi, iyadoo xadigeeda uu ku sheegay xiligaa   265,90,104,733 SSh (Laba Boqol Iyo Konton Billion ,Boqol iyo sagaashan Million Boqol iyo afar kun Todoba Boqol iyo saddex iyo Soddon Shilin).

Wuxuu isagoo ka hadlaya sababta ay u muda dhaaftay  in aanay dhinacooda wasaarada maaliyada ahayn, balse   ay dib u dhigeen  qabyo tirka Miisaaniyada iyo dib u dhaca ku yimi Miisaaniyaddii sanadkii 2008-dii, kuwaas oo uu ku  tilmaamay inay sabab u ahaayeen duruufo caalami ah oo ka abuurmay dunida oo idil, sida kor u kaca Maciishada iyo Sicirka Saliida. Sidoo kale tibaaxay in Miisaaniyadda ay hadda horkeeneen goluhu xisaab ahaan la mid tahay tii ay golaha wakiilladu ansaxiyeen sanadkii 2007, taas oo ay ku jirtay lacago dheeraad ahaa oo lagu  kabayo Mushaharooyinka kor u kaca ascaarta, Shaqaalaha dawladda, Ciidamada Qaranka. isagoo weliba tilmaamay in miisaaniyadan ay ku jirto lacag loogu talo galay Hawsha Doorashada Madaxtooyada oo  Muhiimad weyn u leh Qaranka Somaliland.

Sida ka muuqata shaxda hoose iyo weedhaha  Wasiir Cawil markii uu sidan oo kale golaha wakiilada usoo gudbiyay  Miisaaniyadii sanadkii 2009, taas oo sida uu sheegay  aanay haba yaraatee Wasaarad ahaan ku salayn Qaab Dakhli iyo Kharash (Income and Expenses). Laakiin  cabashooyin badani ka yimaadeen  Wakaaladaha,  ama Hay’adaha  wax soo saarka, oo marka  ay wasaarad ahaan fara gelin  toos ah ku sameeyaan ay is yidhaahdaan  cashuura, ay ka dhib mutaan, taas oo  keenta in kharashku labanlaabmo.

Wasiir Cawil waxa miisaniyada 2009,  ku sheegay inay filayaan inay sideeda  u soo baxdo isagoo faah faahin ka bixiyay ilaha Dakhliga soo saara ee ay ku salaysan tahay miisaaniyadu, waxaanu tilmaamay meelaha ay ka rajaynayaan, kuwaas  u shaxaysnaa sidan:-

215 Billion oo u dhigantay 83% (lacagta ay Wasaaraddu Kastamada ka rajaynayso)

21 Billion oo u dhiganta 8.06 % (Cashuuraha Beriga )

323 Billion oo u dhiganta 0.12% (Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta)

199 Million  oo u dhiganta  0.08% (Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga)

406 Million  oo u dhiganta 001.5% (Wasaaradda  Kaluumaysiga )

209 Million oo u dhiganta 0.08% (Maxakamadaha )

23 Million  oo u dhiganta 0.01% (Wasaarada Macdanta iyo Biyaha )

2 Billion oo u dhiganta  0.75% (Dekeda  Berbera)

5 Billion oo u dhiganta 1.89% (Dawladaha Hoose )

20.Billion oo u dhiganta 7.5% (Deeqaha Dalku helo  iyo Daynta)

Wadarta Miisaniyada : 256 Bilyan 190,104,732

Gebi ahaanba ma jiraan waxyaabo muujinaya inay xukuumada madaxweyne Riyaale oo aan dhawrkii sannadood ee u danbeeyay wax xisab xidh ah laga hayn ay samaysay miisaaniyad qaran, balse kharashka dakhliga ay urursadaan oo aanay cidna ka warqabin waxa loo isticmaalo oo u muuqda in tiro ahaan loo kordhiyay, ama xisaab ahaan, iyadoo ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay tahay in dadka lagu majara habaabiyo, isla markaana waxa muuqata in laga soo bilaabo miisaaniyadii 2008, lagu darayay lacag ay xukuumadu ku sheegto in doorashooyinka loogu tala galay, taas oo dad badani rumaysan yihiin in aanay waxba ka duwanayn  Idaacadii dhawrka sannadood miisaaniyada lagu dari jiray.

Sidoo kale magacyada Ha’yadaha iyo wasaaradaha ayaa ah kuwo  u muuqda in magacyadooda oo keliya laysku bedalay ka dibna lagu hor qoray tirooyin xisaab aan ku fadhiyin xaqiiqda iyo shaxda dheeraadka ah ee miisaaniyadan uu ku sargonayo kharashaadka iyo sida loo isticmaalayo.. Sidaa awgeed shaxda uu wasiirka maaliyadu horgeeyay golaha xiligii miisaaniyadii 2009, waxa keliya ee ay tan 2010 kaga duwan tahay  qaabka loo soo dhigay ee indha-sarcaadka ku noqday golaha oo uu derderay dhawr jeer oo hore, isla markaana awoodi waayay inay la yimaadaan qaabkii iyo qorshihii ay kula xisaabtami lahaayeen xukuumada muda dhaaftay ee Madaxweyne Riyaale.   

By,  Carraale  M. Jama

Hargeysa Office Araweelonews

E-mail; Info@araweelonews.com

About the Author

-

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>