Hargeysa (ANN) Maayarka magaalada Hargeysa Eng:Xuseen Maxamuud Jaciir, xildhibaan Xasan Xaydh iyo Xoghayaha dawlada Hoose ee Hargeysa Maxamed Aw Aadan ayaa ka cadhooday

 

 

 

 

 

wado ay maalmihii lasoo dhaafay dhagax dhigay xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac Na coo ka tirsan xisbiga Mucaaridka ee Kulmiye, wadadaa oo ka mid ah wadooyinka Magaalada Hargeysa oo uu xildhibaanku sheegay inay dhisayaan xisbiga mucaaridka ee Kulmiye. Wadadaa oo marta xaafada Sheekh Madar ee magaalada Hargyesa, isla markaana aad u burbursan. Waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Xildhibaan Xasan Xaydh oo yidhi, “ waxaan ayaan daro ah in hawl ay dawlada hoose qabatay ay yidhaahdaan anagaa qabanay waxan maalin dhawayd halkan isku sawiray nin la yidhaahdo  xildhibaan Nac Nac oo ka mid ah mudanayaasha  u dhashay Hargeysa oo yidhi anagaa dhisayna waxba kama jiraan ayaan leeyaha, lacagta lagu dhisayo waxa bixiyey Madaxweyne ku xigeenka, waana ayaandaro in bulshada been loo sheego.

Waxaan halkan isaga soo istaagay Nacnac iyo gudoomiyaha Hargeysa ee xisbiga Kulmiye oo yidhi waxaanu samaynaynaa wadadii sheekhul baladka, waxaan leeyahay wadada sheekhu u baahna inaad samaysaan, wadadana sheekhu maleh ee waa loogu magacdaray, waxaan leeyahay nacnacow halkani kaaga baahna ee kuwii ku so doortay wax u qabo”

Xoghayaha dawlada Hoose Maxamed Aw Aadan Wayrax oo isaguna hadalkaa ka jawaabaya ayaa yidhi, “  wadadani marka  hore ayey qorshaha noogu jirtay waxa meesha jooga dadkii kharashka bixiyey, waxa isaguna kharashka wax ka bixiyey Madaxweyne ku xigeenka. Anaguna dawlada hoose ahaan badh ayaanu  ku darnay,  markaa waxan leeyahay maaha wax aydaan lahayn in aad sheegataan. Aniguna masuuliyiinta xaafada gasha ayaan ahay oo waad iga tagteen, markaa xaadirinayseen.”

 

Sidoo kale Maayar caasimada Eng Jiciir oo ka hadlaya arrintaa ayaa yidhi.“ wadadani waxay qorshaha noogu jirtay in aanu dhisno oo aanu laami ka dhigno, wadadan laamiga laga dhigayo inteedii hore waxaa bixiyey Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin, dawlada hoosa ayuu yaalaa daamburkii oo waad arki kartaan, marka wadadan waxa aanu ka dhigayna laami.

Waxaan layaabay laba nin oo sheegtay wadadan inay dhisayaan waa xildhibaan Nac nac iyo guddoomiyaha kulmiye ee Xamarji, wax lala yaabo weeye beenta intaa leeg ee raadkaa leh, marka horta Xamarji la hadli karimaayo isagu lacagba ma haystee, laakiin Nacnac lacag buu leeyahay oo wadada ho marta inkasta oo  uu wax ku daray hadana waxa dhiman 400M,  markaa haddii uu wax dhisayo intaas uun ha dhiso oo taas ha dhameeyo, inta mid la dhisayo oo dawlada hoose waddo ay is dul taagayaan.

Haddii ay doonayaan  wax ay dhisaan wadada Xaafada Daami ha dhisaan,  iyadaa u baahan in la dhisee, intay  mid la wado ku magac doonanayaan. marka ololaha waxa lagu gala wax  run ah,  ayaa lagu gala

Haddii ay yidhaahdaan intaas ayaanu lacag haynaa ee wadada ku dhisa anaguna inta ka dhiman ayaanu ku darayna haddii ay yidhaahdaan 10,000 dollar ayaanu hayna anagu waanu ku darayna waayo kolba qolooyinka diyaar ah ayaanu wax ugu darna.

Imika wadada boqol iyo kontanka waxay keensadeen laba boqol iyo dheereed foosto oo daambur ah ayaa dakada uga soo dakaya, waxay dhisayaan Cabaaye ilaa mansor marka iyagaanu ku horayna kolba qolooyinka diyaarka ah ayaanu la wadaynaa”

 

Dhinaca kale waxa ay dawlada hoose iyo mulkiilaha Hotelka Mansoor ay wada fureen waddo cusub oo hor marta hoteelka, waxaana xadhiga ka jaray Maayarka dawlada Hoose Eng: Xuseen Maxamuud Jiciir waxaana ka mid ahaa hadaladiisa  “waxaynu furayna maanta waddada ka soo leexada jig jiga yar ee hor marta hoteelka weyn ee Maasnoor, oo qayb weyn ka qaatay mulkiilaha hotelka Cabdiqaadir Xaashi, anaguna aanu wax ku darnay sida qalabka, jayga iyo shidaalka ku baxaya, wadooyinka kharash badan ayaa ku baxa, Hoteelku waxa uu bixiyey $13,000, anaguna waxaanu ku darnay 7,650 ayaa dawlada hoosana kaga baxay.

Marka waxaad aragtaa in bilicdii hoteelka kor u qaaday, mulkiilaha hoteelka Maansoor  aad ayuu ugu mahadsan yahay maadaama ay ahayd shaqadii dawlada hoose, balse dhaqaale la’aanta dawlada hoose awgeed  uu qaybta laxaadka leh kaga qaatay  dhisida wadada, cidii waddo hor marta tidhaa waanu samaynaynaa anaguna wax baanu ugu darnaa oo culayskii ayey naga qaadeen, waxaana ka mid ah tii Sheekh  Madar ee aynu hadda soo marnay oo shantii kun ee ugu horeeyey uu madaxweynuhu bixiyey.” Ayuu yudhi Maayarku

Wuxuuna intaa ku daray inkastoo ay sameeyeen qalabkii debeda uga iman lahaa. Hadana uu qaali garoobay daamurkii, isagoo yidhi, Markii hore Foostada Daamurka ah waxa  nalaga  siin jiray $70, xiliyada qaarna $110, waqtigan aynu ku jirona, waxa uu marayaa $165 foostadii oo daamurkan lagu sameeyey wadada ayaa nalaga siiyey intaa, taasina waxay niyad jab ku tahay dadkii ka qaybqaadan jiray dhisida wadooyinka ayuu yidhi Maayarku.

Cabdiqaadir Xaashi  oo ah mulkiilaha Maansoor Hotel oo hadal kooban ka jeediyay halkaa ayaa yidhi “ Maanta waa illaahay mahadii haddii jidkani inoo samaymay dawlada hoosana aad ayaan ugu mahadnaqaynaa.

Waxaan dadweynaha ugu bushaaraynayaa in uu Maansoor uu maanta wado Hool weyn oo shirarka ah, kaas oo qaadaya 3000 (sadex boqol), waxaanu doonaynaa in aan mar dambe la is cidhiidhyin”

Sidoo kale waxa ereyo kooban oo dhiiri gelin ah halkaa ka jeediyay Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo yidhi,  “ waxaan marka hore aad ugu mahadnaqayaa Cabdiqaadir Xaashi oo ah ragii ugu horeeyey ee Somaliland maalgalinta galiyey dadaalkaa dheer ee uu muujiyey iyo fursada uu sameeyey isagoo la kaashanaya Dawlada hoose.

Waxa iyagu amaan mudan barnaamijkan la isla kaashanayo ee dawlada hoose iyo dadweynuhu isla kaashanayaan, waa wax lagu daydo waa faa’idada keliya ee la hayo ee wax lagu qabsan karo, dawlada hoosana aad iyo aad ayey ugu mahadsan tahay bilowgaa ay la timid”

 

Xoghayaha Dawlada Hoose ee Hargeysa Maxamed Aw Aadan Wayrax oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa yidhi  “ Haddii ay dadweynuhu iskaashadaan oo ay lacag iska soo ururiyaan anagu boqolkii toddobaan ayaanu ugu daraynaa, 30% haddii ay soo helaan 70% ayey dawlada hoose ugu daraysaa.

Waxaana ula jeednaa marka ay dadku galiyaan lacagtooda wadadii ayey ilaashana ma ogolaanayaan in wax loo dhimo, marka in la burburiyo ma ogolaanayo ilayn lacag baa ka gashee.

Haddii ay dawlada hoose wada bixiso sida GT-da ( gaadiidka dawlada) loola dhaqmo ayey iska noqonaysa marka sidaas ayaanu dadweynaha wax wadayeelasho  (contribution) ugu xidhnay”..

 

. By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com 

 

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *