Berbera(ANN)Komishanka Doorashooyinka Degmadda Berbera, ayaa ku dhawaaqay natiijadda hordhaca ah ee doorashada deegaanka ee degmada Berbera. kadib markii lasoo afjaray tirinta codadka ee degmadaa.
Degmada Berbera oo ka mid ah degmooyinka derejada A, isla markaana kuraasta golaha deegaanku yihiin 21-ka Xildhibaan. Natiijada hordhaca ah ee Golaha deegaanka Berbera, waxay Ururada iyo xisbiyadu u kala heleen sidan :-
KULMIYE 17261 cod oo u dhiganta 9 xildhibaan oo magacyadoodu kala yihiin sidan:-
Cabdale Maxamed Carab.
Rashiid Aadan.
Xaaji Nuur Cawl.
Cali Cabdi Dheere.
Mustafe Xoolow.
Daahir Aw-nuur.
Maxamud Cabdilaahi Bidhiidh.
Jamac Samatar Hakida.
Rashiid Haaruun.
UCID 10929 cod oo u dhiganta 5 xildhibaan, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin sidan
Cabdishakuur Cidin.
Iid Saleebaan.
Muuse Daa’uud Cilmi.
Saleebaan Cali Khayre iyo Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf
WADDANI 6272 cod oo u dhiganta 3 xildhibaan, kuwaas oo magacayadoodu kala yihiin sidan
Baashe Cabdilahi, Maxamud Cabdilahi Fiiqay, Cabdiraxmaan Xuseen
RAYS 3853 cod oo u dhiganta 2 xildhibaan, kuwaas oo kala ah Ismaaciil Xaamud iyo Maxamud Maxamed Hurre.
UMMADDA, waxa uu helay 1 Xildhibaan oo ah Maxamed Cali Xaaji Axmed.
XAQSOOR 2123 Cod oo u dhiganta 1 xildhibaan, kaas aanu weynay magaciisa.
DALSAN 680 cod ayuu helay, taas oo gaadhi weyday kursi.