images/stories/941651aa023deb98.jpg   Hargeysa (ANN)Hal abuurka caanka ah ee Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi), ayaa shacabka Somaliland ugu baaqay inay si nabad ah codkooda u dhiibtaan maalinta doorashada

 

madaxtooyada ee 26 Juun oo ay maalmo kooban inaga xigaan.

 

 

Abwaan Hadraawi, oo ah shakhsi magac iyo maamuus ku dhex leh guud ahaan bulshada degta gobalka Geeska Afrika, waxa uu hoosta ka xariiqay ahmiyadda ay doorashadani u leedahay bulshada Somaliland, isagoo xusay in bulshada caalamka iyo dad kaleba ay indhaha ku hayaan sida ay u qabsoonto, waxaanu carrabka ku adkeeyay in laga dheeraado wax kasta oo keeni kara muran iyo is qab-qabsi. Abwaan Hadraawi, oo isagoo jooga magaalada Burco xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika oo kasoo baxa magaalada Hargeysa, sidoo kale wuxuu dardaaran waayeel u soo jeediyay guddiga doorashooyinka qaranka oo uu kula taliyay inay si xalaal ah u maamulaan hawsha garsoor ee lagu aaminay, waajibaadkoodana ka soo baxaan.

Ugu horayn Abwaan Hadrawi, oo la weydiiyay farriinta uu xilligan xaasaasiga ah u gudbin lahaa bulshada Somaliland oo doorashadii madaxtooyada u dareeraya Sabtida soo socota, waxa uu yidhi “Marka hore aan idhaahdo ILAAHAY sidii roon ayaynu ka baryeynaa in doorashadaasi si muhiim ah oo dadnimo leh oo qurux leh oo dadka karaamadooda u soo celisa inooga dhigo, intaas oo kaliya kuma koobna ee waxa loo baahan ragganimo iyo in la xasuusto inta doorasho dhacday qalalaasihii iyo murankii iyo dhibaatadii ka dhacday oo aynu wada malayno intii doorasho dhacday ee wada khasaarowday ee aan waxba laga haynin, inta kharash ku baxday, inta nidaam ku baxday.  Markaa waxaan u malaynaa fursadani waa tii inoogu dambaysay marka loo eego indhaha beesha caalamka oo og inay intaas oo goor ku hungoobeen kaalintii ay ka qaateen doorashada, hadana maanta waxaan u malaynayaa waa fursadii ugu dambaysay oo haddii tanina wadadii hore marto waxaan u malaynayaa in fursad dambe oo hadhay aanay jirin.”

Abwaan Hadrawi, waxa uu xusay in ololaha xisbiyada ay ka wanaagsanaan lahayd iyagoo ku kala baxa mabaadii’ iyo barnaamijyo, isagoo soo hadal qaaday sida uu ololaha doorahadu u saameeyay guud ahaan bulshada, “Axsaabta tartamaysa may ahayn inay olole sameeyaan ee waxay ahayd inay ku kala baxaan mabda iyo barnaamijyo, arintu may ahayn inay ubadka, guriga ilaa oorida ay saamayso intaas oo dhamina nidaam wanaagsan oo qurux badan maaha.” ayuu yidhi Abwaanku, waxaanu intaas ku daray, “Mida  kale waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego ictiraafku haddii aynu doonayno; malaha ictiraaf baa ugu culus waxa aynu doonayno’e ee ay dadku hadal hayaane muraadkeenu ictiraaf kaliya kuma koobna, inaga waxa la inaga rabaa ictiraafku waxa uu xoojiyaa dadaalka iyo raganimada ay umadi samayso laakiin marka ictiraaf kaliya la isku koobo ee la yidhaahdo ilaa ictiraaf la helo wax suurto-gal ahi ma jiraan inaguma filna haddii beesha caalamka oo dhami ictiraafto mar walbana waxa la inooga baahan yahay raganimo iyo dadaal, intaas oo dhan inaga ayaa la inooga baahan yahay, laakiin ictiraaf kali ahi wax alaale wax uu taraya ma jirto, markaa ictiraaf haddii la helo oo aanad adigu waxba ku darsanin cidii ictiraafka bixisay ayuunbaa ina yeelanaysa weeyaan sida aan anigu u jeedo.”

Isagoo mar labaad la hadlaya tartamayaasha waxa uu yidhi, “Anigu waxaan mar labaad ugu baaqayaa axsaabta tartamaysa iyo umadda guud ahaan in si miyir qabta oo ragganimo leh, oo maamuus leh, oo milgo leh oo doorasho kasta bar-madow ayaa inan fuulaysee aynu ku maydhno turxaantii hore iyo sidii la inagu yaqaanay inay u dhacdo, in aan qalalaase dhicin, inaan ismaan dhaaf dhicin, inaan haddii ILAAHAY ka dhigo wax kala riixasho dhicin, intaas oo doorasho ayaa ina soo martee waa in waayo-aragnimo waa laga dhaxlee in maanta si miyir qabta oo dagan oo masuuliyad ku jirto oo macno wayn samaynaysa oo dadku isku dhicin inay u dhacdo doorashadu ayaan rajaynaya.

Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa umadda iyo beesha caalamkuba way danaynayaan oo way eegayaan doorashada wax wayn ayaa ku xidhan hala ogaada culayska ay leedahay iyo muraadada aynu leenahay ee ku xidhan, yaanay noqon qabyo waa halkeediiye bal maanta waddo umadda iyo beesha caalamka qancisa ayaan ILAAHAY uga baryayaa.”

Abwaan Hadrawi, oo la weydiiyay farriinta uu sida gaarka ah ugu gudbin lahaa saddexda murashax, waxa uu yidhi, “Saddexda murashax way tartamayaan oo tartan ayaa jira, tartankuna hadduu sax noqdo waa lagu kala baxayaaye; ninka soo baxana waxa lagu odhanayo dib ayaa loo dhiganayaa, laakiin waxaan xasuusinayaa inay maanta masuuliyad wayni saaran tahay, koleyna waa rag mudakar ah oo akhyaar ah oo waajibkooda way garanayaane.”

Ugu dambayn Abwaan Maxamed Ibrahim Warsame (Hadrawi), oo la weydiiyay bal talada uu iyagana u gudbin lahaa Guddiga doorashooyinka qaranka oo garsooraya hawsha doorashada ah , waxa uu yidhi, “Komiishanku waa maragii dhexdhexaadka doorashada, maantana xilka ugu wayni iyagga ayuu saaran yahay, inay dhexdhexaad doorashada ka noqdaan, inay cadaalad ku eegan oo barito aanu ka dhalan is-qabsi iyo tuhun ee xalaal iftiinbaa la qashaaye ay kaalinta ugu muhiimsan ayay leeyihiine si cad uga soo baxaan oo si xaq ah wax u maamulaan iyagana sidaas ayaan ka rajaynayaa. Taas ayaan iyagana ugu baaqayaa.”

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office                  

E-mail; Info@araweelonews.com/ jaamac132@gmail.com/ shalcaw2@hotmail.com

Source Berberanews

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *