Bay(ANN) Shiikh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Xarakada Al-Shabaab oo ka mid ahaa xubno dhowaan dowlada Maraykanku ay madaxooda dul dhigtay malaayiin dolar si loo sheego goobta ay joogaan ayaa dadweyne fara badan kula hadlay

 

Δ shalay degmada Buur -xakaba oo ka tirsan gobolka Bay ee Somalia.
Abuu Mansuur ayaa ku tilmaamay hanjabaada Maraykanka iyo lacagaha la dul dhigay madaxiisa mid been abuur ah oo la doonayo in lagu lagu cabsi geliyo, balse aanay waxba u dhimayn, isagoo  sheegay inuu ka  baqayo oo keliya  ILAAHAY,  laakiin aanu ka baqayn aadami isagoo kale ah iyo kuwo isaga la mid ah oo awoodoodu ay kooban tahay.

“Obama iyo islaantiisa waxaan leeyahay hadaad wax qaban kartaan waa i kanaa i qabta Buur hakaba ayaan joogaa saaka ayaana soo galay, masaajidka ayaan ku tukaday soorna waan ku qadeeyey meel banaan ah ayaana joogaa” ayuu yidhi Abuu Mansuur oo intaa ku daray in ALLE oo kaliya uu wax qaban karo ee aanay Maraykanku waxba qaban Karin.
Dhinaca kale, Muqtaar Roobow Abuu Mansuur aya sheegay in ciidamada Maraykanka iyo xulufadiisa ay ku jabeen dagaaladii lagula galay Ciraaq iyo Afghanistan. Sidaa darteed  ay bilaabeen inay ciidamadooda kala baxaan dalalkaas markii ay u adkeysan waayeen weerarada mujaahidiinta sida uu uu sheegay,  isagoo dhinaca kalena ku hanajaby inay Somalia xoog kaga saari doonaan ciidamada jooga, kuwaas oo uu ku tilmaamay in Maraykanku soo adeegsaday.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *