“Somaliland 100 sanadood haday gaadhayso madax-banaanida iyo gooni-isutaageedu  waa mid aan laga noqonayn”

Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta  khudbad dheer oo taariikhiya u jeediyay boqolaal kun oo qof oo isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee halbawlaha caasimada iyo Beerta xoriyada oo damaashaadka xuska sannad guurada 20aad

 

ee kasoo wareegtay aasaaskii qaranka Somaliland lagu qabtay saaka.
Qudbadaa oo Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlayay marxaladihii Somaliland soo martay labaatankii sannadood  ee ay jirtay, isagoo si gaara usoo qaatay dib u heshiisiintii, dhismihii haykalka dawladnimo,  xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo iyo fariinta beesha caalamka ee ay shacbiga Somaliland kaga dalbanayaan in la aqoonsado qaranimadooda.

 

 

Khudbada madaxweynaha  Somaliland oo dhamaystiran  ayaa u dhignayd sidan:-
“Bismillaahi Raxmaani Raxiim Maanta oo ay taariikhdu tahay 18-May-2011, waxaynu u dabaaldegaynaa sanad-guuradiii 20-aad ee dib ulasoo noqashada madax-banaanideena. Maalintani waa maalin ku wayn qarankan Somaliland, waa maalin xusid gaar ah mudan. Mudanayaal iyo marwooyin, munaasibada maalintan qaaliga ah waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan shacab weynaha reer Somaliland dibad iyo gudo meelkasta oo ay joogaan. Waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidamada kala duwan ee Qaranka kuwaasoo ka mid ah astaamaha iyo tiirarka uu qarankani ku taagan-yahay. Sidoo kale, waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa dhamaan golayaasha kala duwan ee dawlada kuwaasoo ah unuga iyo aassaaska qaranimada. Waxaa kale oo aan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Duqayda, waxgaradka, madax-dhaqameedka iyo culimaa-u-diinka kuwaasoo ah mudankii badbaadiyay bulshadan aan manta hogaaminayo. Waxa xusid mudan oo aan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa dhalinyarada iyo aqoonyahanka oo ah kuwii dhiigooda ku waraabiyay dhalashada gobanimada. Waxaan hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa dhamaan haweenka iyo hooyooyinka Somaliland kuwaasoo ah gunta iyo salka ay Somaliland ku fadhido.

Mudanayaal iyo marwooyin inaga oo xusayna taariikhda iyo qiimaha maalintani leedahay bal aan dib u milicsado sooyaalka taariikheed ee maalintani leedahay. Sida aad wada ogtihin JSL waxay ka mid ahayd dalalkii ay qabsadeen dawladihii Yurub ee gumaystay ummado badan oo caalamka ka mid ah Qarnigii 19 aad, iyada oo noqotay maxmiyad boqortooyada Ingiriisku maamusho kuna magac baxday Somaliland Protectorate.
Ummada reer Somaliland halgan dheer ka dib waxa ay xoriyadoodii ka qaateen Boqortooyada ingiriska 26 June, 1960-kii. Nasiib darro xoriyadaa aynu gaadhney lixdankii maynaan calfan oo waxaynu si aan ka fiirsasho lahayn u luminay dawladnimadeenii. Arintaas oo ina dhaxalsiisey inaynu halgan dheer oo siyaasadeed iyo mid hubaysanba u galo la soo noqoshadii madax-banaanideena.
Halgankaas dib u xoraynata, waxa hormuud ka noqoday ururkii hubaysnaa ee SNM, oo dibad iyo gudaba ay u dhamaayeen shacabka reer Somaliland.
Shirkii Gooni isutaaga iyo Lasoo noqoshada Madaxbanaanida Somaliland ee Burco 1991
Hadaba walaalayaal, waxa halgan dheer oo naf iyo maal badani ku baabe’een dabadii, aynu ku guulesaney inaynu la soo noqono xoriyadeenii. Horraantii 1991, dhamaan beelaha reer Somaliland waxay shir weyne qaran oo aayo ka tashi ah isugu yimadeen magaalada Burco, ka dibna ay ku go’aansadeen inay dib ula soo noqdaan xornimadii iyo dawladnimadii. Iyada oo halkaas lagu dhisay Dawlad Qaran oo ay u dhan yihiin dhammaan beelaha reer Somaliland, xukuumadaas oo uu Madaxweyne ka noqday Marxuum, Cabdiraxmaan Axmad Cali “Tuur”.
Walaalyaal waxa aynu soo gallay waddan burburay, dhaqaale ahaan, dhisme ahaan iyo maskax ahaanba iyadoo haba yaratee wax dhaqaale ah oo aynu sidaney iyo mid aynu ugu nimid toona aanay jirin.
Xukuumadii la dhisay waxay bilowday dhisida haykal dawladnimo, waxaana loo tafa-xaytay sidii dib u dhis loogu samayn lahaa dalka, isla markaana loo soo celin lahaa nidaamkii iyo kala dambayntii.
Shirkii Badbaadinta Qaranimada Somaliland ee Boorame 1993:
Shirweynihii Boorame waxaa mar labaad isugu yimid dhamaan beelaha iyo deegaamada Somaliland, waxaana lagu soo dhisay xukuumadii uu hogaminyay Marxuum Maxamad X Ibrahim Cigaal. Xukuumadaasina waxay taaba gelisay horumarkii, waxaanay dhamaystirtay hanaankii iyo haykalkii dawladnimada.
Aftidii Dastuurka iyo Madaxbanaanida Somaliland
Waxa qarankeenan curdinka ah iyo shacabkiisu bilaabeen in laga gudbo dawladii ku dhisnayd qaab-beeleedka, loona gudbo dawlad ku timaada hannaanka xisbiyada badan. Si taa loo gaadhana, sanadkii 2001 waxay ummadu u codaysay Aftidii dastuurkii oo 97% u codeeyeen gooni isu taaga Somaliland iyo hirgelinta hanaanka dimuqradiga ah.
Geeridii Alle ha unaxariistee Marxuum, Maxamad X. Ibrahim Cigaal ka dib waxa la qabtay doorashadii Madaxweynaha sanadkii 2003, taas oo u talada dalka ku qabtay Madaxweynihii iga horeeyay Mudane: Daahir Riyaale Kaahin. Doorashadaas ka dib, waxaa ummada reer Somaliland u qabsoomay Doorashadii Wakiilada iyo Doorashadii Madaxtooyada 26 June 2010, oo markii laba Madaxweyne ay si silmi ah ula kala wareegeen xilka (Transfer of power), taasoo aynu beesha caalamka kaga kasbanay sumcad iyo qadarrin.
Walaalyaal waxaan aaminsanahay in aanay inoo suuro galeen talaabooyinkaas oo dhami, haddii aydaan idinku masuuliyada dalkiina xil iska saarin, Eebana aanu inoo aqbalin, waxaana xusid mudan in laga mahad celiyo dhamaan wax qabadkii ay suuro galiyeen xukuumadihii iga horeeyay.
Maanta Iyo Xaaladaha Kala Duwan
Walaalayaal, iyada oo hada lagu jiro sannadkii koowaad ee aan talada dalka hogaaminayay, maanta ka hadlimaayo wixii ay qabatay xukumadaydu, ee waxaan xusayaa wixii qarankan u qabsoomay 20-kii sanadood ee aynu haysanay madaxbanaanideena, haday tahay mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo horumarineed, marka laysku soo xooriyo waxa qarankan u qabsoomay waxaa ka mid ah:
Nabadayntii iyo dib u heshiisiintii beelaha ee ka dhacday goobaha kala duwan.

 

Dhisidii Maamulka iyo Dawladnimada Somaliland.
Samaynta Dastuurka iyo xeerarka aassaaska u ah maamulka dawladnimo.
Abuurista iyo Taabogelinta Hay’adaha dawlada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Sugida Amaanka iyo suurtagelinta kala danbaynta.
Fidinta Maamulka iyo meelmarinta Cadaalada.
Samaynta Baasboor iyo lacag u gaar ah Somaliland.
Ilaalinta Xoriyaadka iyo Xuquuqda aadamaha.
Dhisida Hanaanka xisbiyada badan iyo Qabashada Doorashooyinka.
Horumarinta Waxbarashada iyo Caafimaadka.
Hagaajinta Dekadaha, Madaarada iyo Wadooyinka.
Horumarka dhaqaalaha iyo Horumarinta Suuqa Xorta ah.
Walaalayaal, halkan kuma soo koobi karo waxyaabaha aynu qabsanay mudaadii ay Somaliland jirtay iyo waxyaabaha inoo qorshaysan.
CAQABADAHA
Walaalayaal, horumarka aan kor kusoo xusnay macnaheedu maaha ma jiraan dhaliilo ama wax dhiman oo u baahan in wax laga qabto.
Way jiraan oo waxa muhiim ah, inaynu qirano oo isla saxno waxyaabihii inaga khaldamay, ama dhibatoyinka jira ee u baahan wax ka qabasho. Dhibatooyinka jirana waxa ugu weyn sadex arrimod oo kala ah, ictiraaf la’aan, shaqo la’aan baahday oo ay dhalin yaradeenu badaha isugu gureen, iyo dhaqaale xumo ina dhaxalsiisay in aynu hanan kari wayno horumarkii loo baahnaa.
Walaalayaal, hadaba si looga gudbo caqabadahaas aan kor kusoo xusnay, qorshaha siyaasadeed ee lagu ilaalin karo laguna xoojinayo midnimadda Qaranka Somaliland iyo nabad-galyadda muwaadinka, waxa hagaya tiirarkan hoos ku xusan, oo lagama maarmaan u ah sida:
Muqadasnimadda Xuduudaha iyo madax banaanida Qaranka Somaliland.
Maamul fidinta iyo gaadhsiinta adeega bulshada goob kasta oo ka mid ah geyiga Somaliland.
Xoojinta nabadgelyada Bulshada iyo ka hortaga wixii Qaranka diintiisa, dhaqankiisa, dadkiisa, dalkiisa iyo Dawlad-nimadiisa waxyeelo u keeni kara.
Kobcinta dhaqaalaha Dalka iyo shaqo abuuris loo sameeyo Ummadda.
Raadinta iyo ka midho dhalinta ictiraafka dalka si aynu u noqono qaran ka tirsan Beesha caalamka.
Nabad kula noolaanshaha dalalka jaarka ah iyo fara-galin la’aanta arimaha gudaha ee ummadaha kale ee caalamka.
Garsoorka iyo meel marinta Sharciga waxaa aasaas u ah Gaadhsiinta bulshada Cadaalladda iyo sinaanta sharciga hortiisa (Equality before the law).
Hirgelinta hanaanka dimuqraadiga ah iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah.
Dhawrista xorriyatul-qawlka iyo dhammaan xuquuqda iyo xorriyaadka asaasiga ah ee qofka. Xorriyadda saxaafadda iyo madaxbanaanida fikirka muwaadinka.
Nabagelyada
Alxamdullilaah, waxa wadankeena ka jirta nabad gelyo taam ah oo ILaahay loogu mahad naqo. Dhammaan Ciidamada Qaranka ee kala duwan iyo shacbi weynaha Somaliland waxaan farayaa inay heegan u noqdaan difaaca qaranka ilaalinta nabadgelyada, adkaynta midnimada shacbiga. Waxa hubaal ah in aanu cadawgu kelidii waxyeelo inoo gaysan karin hadii aanu helin qaar inaga mid ah oo dhagaraha cadawgu inala beegsanayo gacan ka geysanaya.
Waxaanu ka soo horjeednaa kooxaha argagixisada iyo budhcad badeeda kuwaas oo nabad gelayada Somaliland, Geeska Afrika iyo aduun weynaha dhibaatooyin badan ku haya. Waxaanu iskaashi buuxa kala yeelanaynaa beesha caalamka, gaar ahaan dalalka deriska ah, sidii uu gobolkani u ahaan lahaa mid xasiloon.
Shacabka Somaliland waxaan kula dardaarmayaa inay nabadgelyadooda ilaashadaan sidii ay awelaba heeganka ugu ahaayeen, waayo waxaynu ku noolnahay mandaqad aad u xasaasi ah runtiina dhibaatooyin hore inooga soo gadheen.
Gogasha nabada iyo Tabashooyinka siyaasadeed
Gogoshii iyo baaqii nabadeed dad badan ayaa ajiibay oo qaarna yimaadeen oo aanu kulanay, qaarna balansanahay. Waxaanan wallaalahayga reer Somaliland ee ku nool gobolada bariga ee weli uu ku jirto qoonsimaadku ugu baaqayaa inay nabad gelyadu faa’do badan u leedahay horumarka dalka iyo dadka. Waxa aan diyaar u ahay sidii aan horeyba ugu baaqay inay sidii ugu taallo gogoshii nabadu.
Siyaasada Arimaha Dibada
Dhamaan safaradii iyo kulamadii aan la yeelanay dawladihii aan booqanay iyo kuwii inasoo booqday waxay muujinayeen in hab-maamuuskii iyo milgihii dawladnimo ee Somaliland kor loo qaaday in kasta oo aan illaa hada aanay jirin Dawlad ku dhiirata inay ku dhawaaqdo Ictiraafka ay Somaliland mudantahay.
Iyadoo aynu ognahay ahmiyada ay ummada reer Somaliland u leedahay in aqoonsi buuxa aynu ka helo beesha caalamka, waxay xukuumadaydu geed dheer iyo geed gaabanba u fuulaysaa sidii ay Somaliland aqoonsi uga heli lahayd aduunka.
Waxaanu tegaynaa madal kasta oo danta Somaliland ku jirto, waxaanu ka codsanaynaa shacbiga Somaliland gude iyo dibadba in ay ka qayb qaataan ololaha aqoonsi raadinta Somaliland, iyada oo aynu ognahay doorka muhiimka ah ee ay qurbajoogu ku leeyihiin dib u dhiska Qaranka Somaliland.
Waxaanu kor u qaadnay xidhiidhka aanu la leenahay wadamada jaarka ah. Waxaanu ka hawl galay sidii aynu xidhiidh dhaw ula yeelan lahayn wadamada Djibouti, Ethiopia, wadamada IGAD iyo kuwa Carabta.
Somalia
Muddo 20 sano ah, Somalia waxaa ka jirtay nabadgelyo xumo iyo kala danbayn la’aan, taasoo gaadhsiisay shacbiga Somaliyeed burbur naf iyo maalba leh una geysatay barakac aan xad-lahayn. Arintan oo saamayn ku yeelatay mandaqadan. Waxay bulshada caalamku marar badan isku dayday in lasoo afjaro aafada ku habsatay shacabka, nasiib-daro illaa hadana looma helin xal waara.
Hadaba, waxaan ugu baaqayaa siyaasiyiinta Somalia inay u tudhaan dadkooda, danta bulshadana ka horaysiiyaan dantooda, xalkuna wuxuu ku jiraa inaad wada hadashaan, inaad isu tanaasushaan oo isku tashataan.
Dadka reer Somaliland dawlad iyo shiciba waxaan ku bogaadinayaa soo dhawayntii wanaagsanayd ee ay u sameeyeen dadka kasoo qaxay Somalia, waxaanan ku adkaynayaa in la xaqdhawro lana illaaliyo.
Maamul goboleedka Puntland waa qayb ka mid ah Somalia oo xasiloon, waxaanan jecelahay inaanu iskaashi ka wada yeelano dhinacyada nabadgelyada, la dagaalanka budhcad-badeeda iyo argagixisada, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo horumarka, balse wax wada hadal iyo gorgortan ah kama ogolin xudduudaha Somaliland waana lama taabtaan.
BEESHA CAALAMKA
Beesha caalamka waxaan ugu baaqayaa in Somaliland la aqoonsado, waxaanan aaminsanahay inay leedahay dhamaan astaamihii Qaranimo ee looga baahnaa dal madax-banaan, waanay u qalmaan dadkeedu inay xorriyad ku noolaadaan.
Waxay dadka reer Somaliland dedaal iyo tacab kusoo jireen 20 sanadood, miyaanay xaq u lahayn dadka reer Somaliland inay aayahooda ka tashadaan? ilaa iyo goorma ayay sugi-doonaan beesha caalamka?
Beesha caalamka waxaan waydiisanaynaa in ay Ictiraafaan Somaliland si ay bulshada caalamka uga mid noqoto una xaqiijiyaan himiladooda una gaadhaan horumar.
Miyaan rabitaanka bulshada reer Somaliland la mid ahayn kan bulsho-weynta aduunka, Waa ayo-se cida qarankan lala sugayaa? Goormayse imanaysaa? Maxayse dhaxalsiin-kartaa bulshada reer Somaliland hadii caalamku dhegaha ka furaysto?
Beesha caalamka waxaan ka codsanaynaa in ay arinta Somaliland siiyaan mudnaanta ay leedahay una dhug-yeeshaan in dadka Somaliland ay ku leeyihiiin xuquuq la mid ah tan dadyawga dunidu ay isku ixtiraamaan.
Gabagabo
Waxaan dadkayga reer Somaliland u sheegayaa, dedaalka ha dhimina, Ha daalina, tacabka labanlaaba isku tiirsada, gacmaha isqabsada u middooba gobonimada iyo gooni isu-taaga Somaliland 100 sanadood haday gaadhayso madax-banaanida iyo gooni-isutaaga Somaliland waa mid aan laga noqonayn, waanad gaadhidoontaan himilooyinkiina insha allaahu, wakhti wakhtiyada ka mida waxaad ka mid noqondoontaan beesha caalamka.
Anigoo garawsan rajada faraha badan ee xukuumadayda laga filayo, waxaa ogaataan in aanu isbedelka aynu rabnaa iman karin hadaan gacan buuxda laga helin bulshada, hadaan cashuurta la bixin, hadaan amniga la wada ilaashan, hadaan midnimda la dhawrin. Haseyeeshee, “Ninna korkiisa biyo kama dhawree, waxaad ku kalsoonaataan in aannan waxba ka hakran doonin dalkayaga iyo dadkayaga”.
Shacbigayga reer Somaliland ee qiimaha leh ee qaaliga-ahoow walaaalayaal, waxaan idiinka mahadnaqayaa sidaad u ajiibteen baaqii iyo hal-ku-dhigii aynu u dooranay sanadkan xuska sanad guuradada 20-aad ee aasaaskii qaranimada Somaliland ee ahaa inaynu dareenkeena u muujino caalamka.
Ilaahayna waxaan waydiisanayaa inuu inoo fududeeyo ka midho-dhalinta himiladeena qaran iyo halganka aynu ugu jiro horumarinta iyo maslaxada umadeena, waxaan ku kalsoonahay taageeradiina Ummadnimo, waxaanan aamin sanahay in uu ilaahay inoo hiilin doono oo aynu gaadhi doono mustaqbal fiican, Insha Allah.
Ilaahaw innagu guulee Himilooyinkeena.”

By, Arraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Mobile  Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *