London(ANN)Kuamaan  qof oo ka mid ah muwaadiniinta  Somaliland ee ku dhaqan dalka Britain  ayaa maanta Banaan bax  balaadhan oo lagu taageerayay Madaxbanaanida qaranimada Somaliland, isla markaana xanbaarsan fariin ku socota dawladda Britain iyo beesha caalamka  ku

hortagay barxada dhismaha Guriga Baarlamaanka ee  Boqortooyada UK.
isu soo baxaa oo qayb ka ahaa xuska  dabaaldega munaasibada sannad guuradii 20 aad ee  kasoo wareegtay dib ula soo noqoshada madaxbanaanida iyo qaranimada Somaliland ee 18-ka May oo maanta gudo iyo dibadba si weyn looga xusay.
Boqolaalka kun ee isugu soo baxay barxadaa ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu balaadhnaa ee dad Soomaaliyeed isugu soo baxaan dalka UK, iyadoo dalka  Britain yahay wadanka dhinaca Yurub ay ugu baddan yihiin bulshada Somaliland ee ku dhaqan oo  ay taariikh fac weyn ku leeyihiin dalkaa oo  bulshada Somaliland degeen  boqol sannadood ka hor, isla markaana  ay Somaliland u ahayd mustacmarad Bqrortooyada Britain oo ay xoriyadeeda ka qaadatay 26 Jun 1960 .

 

Boqolaalka kun ee fagaarahaa isugu soo baxay  ayaa  sitay calanka Somaliland,  boodhadh ay ku qoreen halku dhigyo ay dawlada Britain  kaga dalbanayaan  inay aqoonsadaan Somaliland maadaama oo ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran Madax banaan, waxaana isu soo baxaa laga sameeyay barxada dhismaha aqalka Baarlamaanka Britain soo jiitay warbaahinta reer galbeedka, gaar ahaan kuwa dalka Ingiriiska.
Jaaliyada Somaliland ee wadanka Ingiriisku waxay u gudbiyeen Guriga Baarlamaanka qoraal ay kaga hadlayaan xaalada siyaasadeed, Nabadgelyo, dhaqaale iyo dimuqraadiyeed ee Somaliland, waxaana qoraalkaasi loogu soo jeediyay dawlada Britain  inay ku dhiirato aqoonsiga Somaliland maadaama  qaranka  Somaliland yahay qaran dimuqraadi ah oo xaq u leh in la siiyo aqoonsiga ay xaqa u leeyihiin sida ummada kale ee caalamka.
xuska sannad guurada 20aad ee kasoo wareegtay lasoo noqoshadii madaxbanaanida Somaliland ee lagaga dhawaaqay magaalada Burco 18 May 1991, waxa xuska munaasibadaa ka sokow uu xanbaarsanaa fariin ay bulshada Somaliland beesha caalamka kaga codsanayso inay hesho  caalami ah, waxaana bulshada Somaliland eek u dhaqan Britain kala qaybgalay munaasibadaa   siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Afaheenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) , xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda, Axmed Mirre iyo Ibraahim Cabdilaahi Xuseen (Dhegoweyne) oo labaduba ka mid ahaa Hoggaankii garabkii Milatari ee Ururkii SNM ee hoggaaminayay dagaalkii hubaysnaa ee shacbiga Somaliland kala hortagay taliskii Siyaad Barre.Waxa goobtaasi lagu soo bandhigay ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka
C/Qaadir Xasan Xandulle, oo ka mid ahaa dadkii banaan baxan ka qeyb galay ayaa saxaafada u sheegay inay muujinayaan taageerada ay u hayaan qaranimadda dalkooda hooyo “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay labaatan guurada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax banaanida Somaliland, waxaanan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa muwaadiniinta Somaliland eek u dhaqan dalka gudahiisa iyo dibadiisaba waxaan leeyahay sanadkan sanadkiisa ku gaadha bash bash iyo aqoonsi caalami ah oo Somaliland ka hesho beesha Caalamka.
Dhinaca kale munaasibado lagu xusayo maalinta qiimaha baddan ee sannad guurada 20aad ee qaranimada Somaliland ayaa wadamada yurubta kale iyo woqooyiga  Ameerika lagu qabanayaa maalmaha soo socda, iyadoo wadamada laysku yidhaahdo Scandinavian-ka loo qorsheeyay  May 20 -22, halka Germany, France, iyagana maalmaha soo socda la qabanayo xafladaa xuska 18 May. Sidoo Woqooyiga America ayaa maalmaha soo socda la qabanayaa xuska munaasibadaa, waxayna munaasibadan oo dalka gudihiisa si weyn looga abaabulay noqonay tii ugu horaysay ee labaatankii sannadood ee Somaliland jirtay sidan oo kale loo xuso debed iyo gudaba, taas oo soo jiidatay rayalcaamka dunida. Kadib markii lagu casuumay warbaahinta caalami ah, waxaana la rajaynayaa inay isu soo baxyada xuska sannad guurada labaatanaad ee qaranimada Somailand wax weyn ka bedesho siyaasada beesha caalamka ee ku wajahan Somaliland.  
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *