Hargeysa(ANN) Subaxnimadii hore ee saaka ayay  kumanaan dadweynaha Magaalada Hargeysa oo ka kala yimi degmooyinka iyo xaafadaha magaaladu kusoo qulquleen wadada weyn ee wadnaha u ah magaalada, iyadoo gebi ahaanba la joojiyay gaadiidka ilaa 12 duhurnimo ee maanta. Madaxweyna

 

Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo ku xigeenkiisa C/raxmaan  Seylici ayaa loo qorsheeyay inay  salaanta ku qaataan barxada hore ee Madaxtooyada Somaliland, iyadoo ay boqolaal kun oo u baddan dhalinyaro iyo haween, kuwaas oo lulaya astaanta calanka Somaliland oo ay siyaabo kala duwan u xidhan yihiin, qaybaha kala duwan ee ciidamada  qaranka  ayaa socod ku maraya wadada dheer  ee hormarta dhakhtarka Hargeysa iyo Madaxtooyada Somailand. Markaa ka dib waxay boqolaal kun oo qof isugu yimaadeen fagaaraha tarbuunka  beerta xoriyada , waxaana halkaa kusoo bandhigay fanaaniinta Somaliland riwaayad magaceedu yahay “Arji Qaran”, waxayna soo bandhigeen heeso kala duwan oo ay ka mid ahayd  hees cusub oo la yidhaahdo Liibaanta May iyo waa labaatan guurada. Mdaxweyne Siilaanyo ayaa qudbad dheer oo taariikhiya ka jeediyay halkaa, isagoo ka hadlay taariikhda munaasibada la xusayo iyo waayihii ay soo martay Somaliland.
Qudbada Madaxweynaha iyo sida looga xusay gobolada dalka ayaanu idiin soo gudbin doonaa insha allaa saacadaha soo socda.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *