Burco(ANN) Guddoomiyaha Urursiyaasadeedka dhacay ee UDHIS Ibraahin C/llaahi Xuseen Dhegowayne iyo Saraakiil Ururkaa ah  ayaa  ku hanjabay banaanbaxyo ay samaynayaan oo ay adeegsan doonaan hub haddii loo baahdo, waxayna sidaa ku sheegeen UDHIS, mar ay  booqasho ku

tegeen  maanta Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Dadweyne iyo gaadiid tiro badan ayaa kaga hortegey Muj. Dhegaweyne Tuuluda Qoyta ee Duleedka Burco, wuxuuna mar uu la hadlayay dadkaa soo dhoweeyay ku sheegay ujeedada safarkiisa dhinaca Burco  mid  la xidhiidha dardar gelinta hawlaha ururkiisa UDHIS ee ka midka ahaa kuwii ku hadhay shuruudihii gudida diiwaangelinta Ururada iyo ansixinta axsaabta Qaranka oo 20 April 2012, lagu dhawaaqay. 
Mujaahid Ibraahin Dhegaweyne oo xukuumaddu safarkiisa insha ku hayso, kadib markii uu ka dhashay dareen shaki ah, isl markaana ay soo baxeen warar sheegaya inay wadaan Muj. Dhegaweyne iyo qaar ka mid ah Ururada aan ku qancin kala saarista Ururada siyaasadu falal waxyeelaynaya amaanka Qaranka. Laakiin wuxuu  sheegay Inay  mudahaaraad Salmi ah oo hore uga dhicisoobay ay Berri ka bilaabi Doonaaan Gobolada Dalka oo dhan, isagoo Taageerayaasha urursiyaasadeedka UDHIS ku Gubaabiyey in aanay  ku niyad jabin hadalada uu ku sheegay Hadaaq ka soo baxay Guddigii Diiwangelinta, isagoo u soo jeediyey in maalinta berri ah ay si weyn u muujiyaan dareenkooda.
Muj. Dhegaweyne wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo mid ku tumatay dumuqraadiyadii uu ka tegey Madaxweynihii ka horeeyay ee Daahir Rayaale Kaahin. Sidaa awgeed aanay aqblayn wuxuu ugu yeedhay cabudhinta dawladu wado.
Sidoo kale Xildhibaan Maxed Faarax Qabille oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada  ayaa sheegay in haddii la yidhi  “urursiyaasadeedka UDHIS,  wuu  hadhay” ay ahayd Khad warqad lagu qoray oo aan Socon Doonin.  Xildhibaan Qabile wuxuu sheegay inay wixii  khaldamay  saxmayaan,  iyadoo Xukunkii loo Gudbiyey Maxkamadda, isagoo yidhi, “Waxa Goobjoog ka noqonaya International Committee, waxa Dusha ka ilaalinaya Goobjoogayaal Caalamiya oo aqoontooda leh, lixda Gobolna waxa loo soo dirayaa Guddi Xaqiiqo raadin ah Ayuu yidhi Xildhiban Qabille.
Waxa kaloo halkaa hadlo hanjabaad ah ka jeediyay Xoghayihii  Guud ee Urursiyaasadeedka UDHIS,  Siciid Xaji Axmed Qulunbe,  Oday Dayr Maxmed  iyo Badhasaabkii hore Guleed Dahir Samatar, kuwaas oo  ku hanjabay in haddii xukuumaddu isku daydo inay ku  baajiso Awood  boolis oo dadka Cabudhiya ay keento ay ugu jawaabi doonaan xabbad, iyagoo sheegay in aanay cidina cid ka awood badnayn oo ay adeegsanayaan wax kasta oo ay ku fushanyaan qorshohooda siyaasadeed.
Dhinaca kale warar dheeraad ah ayaa sheegaya inay  Ururada hadhay qaarkood oo ay ka mid yihiin UDHIS, Gurmad iyo NDP, ay weli kusii dhegan yihiin inaan aqbalin natiijadii Gudida Diiwaangelinta Ururada  iyo Axsaabta Qaranka, isla markaana u balameen  inay 1 May 2012, oo ku beegan maalinta Beri mudaharaadyo ka samaynayaan gobolada dalka oo dhan haddii ay suurta gasho. Laakiin xukuumadda oo ka war hasya arrimahaa iyo dhaqdhaqaaqyada ayaa diyaarisay ciidamo boolis ah oo loo qorsheeyay inay ka hortagaan Mudaharaadyadaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *