Jig-jiga(Araweelo News Network)Khilaaf mudooyinkan u dhexeeyay Gudida Fulinta Xisbiga Dawlad Goboleedka Soomalida Ethiopia ee mamulka Kililka

 

Shanaad ayaa gaadhay meel xaasaasi ah. Kadib markii xubnaha Gudida Fulinta oo ka kooban 11 xubnood 7 ka mid ah sii wadeen qorshaha ay ku doonayaan in xilka lagaga xayuubiyo Madaxweynaha Kililka Cabdi Maxamuud Iileey oo lagu eedeeyay inuu ku tagrifalay maamulka awooda talada.

Xubnahaa oo ah aqlabiyada Gudida Fulinta ee Xisbiga Maamul goboleedka Soomaalida Ethiopia, ayaa muddo ku dhow todobaad ku maqan Caasimada Ethiopia ee xarunta u ah Dawlada Federaalka Ethiopia ee Addis- Ababa, kuwaas oo jawaab ka sugaya Madaxda sare ee Federaalka ayaa dhinaca Addis Ababa ku maqan mudo ku dhow Todobaad, kuwaas oo jawaab ka sugaya Dawlada Federaalka Ethiopia.

Xubnahaa ooh ore u gudbiyay dacwad ka dhan ah Madaxweyne Cabdi Maxamuud Iileey, ayaa ku gacan saydhay qorshe Madaxweynaha Kililka Shanaad ku doonayay in ay la heshiiyaan. Sidoo kale waxay saluugeen jawaabo ay bishii hore ka heleen Dawlada Federaalka oo la xidhiidhay muranka iyo Khilaafka, taas oo sababtay in ay sii wadaan qorshohooda ay ku doonayaan in  xilka lagaga xayuubiyo Madaxweynaha Kililka Shanaad ee Soomaalida Ethiopia, iyagoo dacwad u gudbiyay Maxkamadda Federaalka ee sare iyo Madaxda dawlada Federaalka, balse waxa jira warar sheegaya in Masuuliyiinta Dawlada Federaalku ku kala qaybsameen in xilka laga qaado xiligan Madaxweyne Cabdi Maxamuud, waxayna taas sabab uga dhigayaan sida ay sheegaayaan xoogahaasi in lala sugo doorashada ka dib, balse gudida fulinta ee dacwada ka dhanka ah wadata, ayaa saluugay go’aankaa, waxayna iyagoo taageero ka helaya saraakiil ka mid ah dawlada Federaalka sii wadaan dacwada ilaa ay ku guulaysanayaan qorshaha la doonayo in xukunka lagaga tuuro Madaxweyne Cabdi Maxamuud.

Sidoo kale go’aanka mawqifka adage ee ay qaateen Xubnahaa oo ah Aqlabiyada gudida Fulinta, ayaa meesha ka saaray dhexdhexaadin dhinaca madaxda dhaqanka qaarkood oo doonayay in ay arrinta dejiyaan, balse waxa lagu guuldaraystay in xal loo helo arrinta khilaafka, iyadoo Xubnaha gudidu u arkeen in uu soo diray Odayaashaa oo qaarkood yihiin Salaadiin iyo waxgarad kale.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Iilay oo lagu tilmaamao in uu yahay Nin si weyn u dhexgalay Maamulka sare ee Federaalka, ayaa wada qorshayaal uu dhinaciisa doonayo in uu kaga takhaluso xubnahaa gudida ee kasoo horjeeda, wuxuuna isagoo taageero ka helaya saraakiil Dawlada Federaalka ka tirsan bilaabay borobagaando iyo suugaan la mdi ah kuwii uu adeegsan jiray taliskii Milateriga ahaa ee Somalia xiligii kacaanka, kuwaas oo loo saari jiray Idaacadii Radiyow Muqdisho dadka la doonayo in qoorta laga jaro ee ka horyimaada qorshayaasha xukunka Milateriga.

Khilaafka u dhexeeya Xubnaha Gudida Fulinta iyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Iilay oo saameeyay Madaxda Dawlada Federaalka ee sare, ayaa laga dareemayaa Magaalada Jig-jiga ee xarunta Kililka Shanaad ee ee Ethiopia, waxaana la filayaa in Maalmaha iyo saacadaha soo socda ay soo baxaan jawaabo uu xilkiisa ku waayi karo Madaxweyne Cabdi Iilay, balse waxa loo dhegtaagayaa sida ay sheekada labada dhinac ku dhamaato.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *