Qori-lugud(Araweelo News Network)Askar ka tirsan Ciidanka Qaranka Somaliland ee ku sugan Deegaanka Qori-lugud iyo Maygaagle ee duleedka Buuhoodle, ayaa

xabsiga loo taxaabay. Kadib markii Laba Sarkaal oo ka tirsanaa Ciidanka Qaranka uu toogtay Askari ka mid ahaa Ciidanka, kaas oo u baxsaday dhinaca Buuhoodle.

Warar laga helay Fadhiisinka Ciidanka Qaranka ee Guutada 17aad ee ku sugan Deegaanka Qori-lugud iyo Maygaagle oo ku yaal deegaanka Buuhoodle, aya sheegay in xabsiga loo taxaabay 11 ka mid ah Askarta. Kadib markii uu xalay Fiidkii Askari lagu magcaabo Faarax Maxamuud Ismaaciil toogasho ku dilay Marxuum Maxamed Yuusuf oo ahaa Aabaanduulaha Ciidanka Qaranka ee Guutada 17aad iyo Taliyihii Hawlgelinta Marxuum Jaamac Bidaar, kuwaas oo ku nafwaayay tacshiirado rasaas ah oo uu ku furay Askarigaa oo ka mid ahaa ciidanka Qaranka.

Ninka Toogtay Labada Sarkaal, ayaa u baxsaday dhinaca Magaalada Buuhoodle, kaas oo ka badbaaday in ay qabtaan Ciidanku, waxayna wararku sheegayaan in ay suurta galtahay inuu dhinaca magaalada Muqdisho u talaabo.

Askarta la xidhay ayaa qaarkood yihiin Boorigaadhadii Taliyayaasha la dilay iyo qaar kale ka dhowaa goobta dilku ka dhacay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Askariga toogashada sameeyay la xidhay dhawr maalmood. Kadib markii dadka Magaalada Qori-lugud ka dacwoodeen, taas oo sababtay in la xidho dhawr maalmood, balse markii lasoo daayay ayuu ku kacay falkaa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *